DEG-DEG+SAWIRRO: Puntland oo wax-ka-bedel ku sameysay maalmaha shaqada ee deegaandeeda!

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-Guddoomiyey Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo todobaadkan looga hadlay Amniga guud, Tallo-soo jeedinta iyo waxka bedelka maalmaha shaqada ee Puntland, Soojeedinta iyo Ansixinta khidmada iyo ganaaxyada wado marista.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale looga hadlay, soo bandhigista Sanduuqa Horumarinta degmooyinka iyo xoojinta xiriirka Isku xirka iyo Hay’adaha Dowladda dhexe ee Puntland iyo warbixin ay Golaha la wadaageen xubnaha ka mid ah Golaha Wasiirada oo safar ku tegay Gobolka Mudug.

Wasaaradda Shaqada Shaqalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa Golaha usoo gudbisay talo-soojeedinta iyo waxka bedelka maalmaha Shaqada waxaana Goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey, in maalmaha shaqada ay noqdaan 5 cisho, iyadoo wakhtiga shaqada uu yahay 8-da subaxnimo illaa 4-ta galabnimo si waafaqsan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah, maalmaha fasaxa ee Puntland waxay noqon doonaan Jimcaha iyo Sabtida.

Waxaa si gaar ah loo tixgelinayaa in Hay’adaha Dowladda ee bixiyaa adeegyada lagama maarmaanka ah sida dekadaha, Garoomada, caafimaadka, kastamyada inay u shaqeeyaan si joogto ah aan maalmahooda fasaxa wax iskabedeli doonin.

Waxka bedelka maalmaha shaqada wuxuu dhaqangelayaa marka Xeerka LR 12, ee Shaqaalaha Rayidka ah wax ka bedel lagu sameeyo ayna ansixiyaan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

PUNTLAND TIMES 

15 Comments

  1. Oh, what a sigh!
    As I was reading through,worried they would make it Monday-Friday and Saturday-Sunday days off,iyagoo ku doodaya calaamkaan la jaanqaadeynaa oo dhaqaalaha Puntland ayaa ku xiran sidaa.
    Sharcidajinta waa wax khatar ah siiba haduu soo farageliyo arrimo diinta ah.

    Anyway,shirarkan waa un heesiihii shimbirayahoow heesa. Waxay u ektahay qisadii Waqtigii Cumar Bin Khataab (RC) Hooyadii biyaha Dabka Saartay si Ilmaheedoo gaajeeysan uga mashquuliso dhibka haysto.

  2. Talameelkan waxaa hindisahiisa lahaa oo caalamkana dhowaan kusoo biiriyay waddanka Sweden oo runtii dunida kaga hormarsan arrimaha daryeelka bulshada iyo xuquuqul insaanka.

    Mabda’ iyo mandaq ahaanba waa talameel fiican, waxayse su’aashu tahay in uu yahay mid Puntand iyo guud ahaanba Soomaaliya haddeer ku habboon oo dhaqaale ahaanna anfacaya.

    Waddamada horumaray badankooda ayay weli dood kulul kaga dhex aloosantahay in talameelkani yahay mid dhaqaale ahaan u suuroobi kara oo anfacaya iyo in kale, macadallah waddan aan lahayn dhaqaale iyo maaliyad waxsoosaar uu isagu leeyahay salka kuhaya ee sida Soomaaliyada ay Puntland kamid tahay.

    Haddii lasii dhimo saacadaha shaqeed ee Puntlandta awalba waxsoosaarkeedu aadka u liitay, sow waxa laga dheefi doono ma aha in dhaqaalaheedu sii daciifo? Ma kol bay heerka iyo xawaaraha shaqeed ee Soomaalida iyo waddamada horumarka taamka ah hantay wax isu dhowba ahaayeen, iska daa in ay siman yihiin e?

    Talameellada dunida lagasoo amaahanayo waa in ay noqdaan kuwo laga baaraandegay oo manfacoodana hab cilmiyeysan loo salgaaray e aysan noqonin kuwo caalamka deeqaha bixiya la iskaga gadayo.

  3. Kkkkk

    KHAMIISTII dadku isu diyaarin lahaayeen Jimcaha ayaa laga Sabti, si Xiriirka loogu jaro Xamar, ma dhihikaro Gaalo ayaa dhalbatey Fasaxa Abtiga oo ka qabtey maamul beeleed Muslimiin ah.

    Waxay soo wadaan ayaa ka weyn

    • Adiga wax kaa galay baaba iska yar inangumeed inangumeed dhalay baa tahay maxa kaga shan iyo toban ah hadii jimce iyo sabti shaqalaha puntland la fasaxo iyo hadi kale kolayba asal ma dorshe aa tahay ,hadii maamul iyo reer meel degan aad neceb tahay waad la dhiman neceybka waxna kama badali kartid nadal yahaw mnadalku dhalay

  4. awel miyay shaqayn jireen???
    dalal dhowra oo muslimiina ayaa iska dhaadhicin reer galbeed awgeed u doortay jimce iyo sabti!!!
    kuwani waxay ku leeyihiin si loo waafajiyo shaqaalaha rayidka ah!!!
    may iska yiraahdaan si loo waafajiyo NGO yada aanu hoos fadhino!!!!
    dhinaca kale kan MUUQDISHO ka hadlaya maamul beeleed waa kan xamartii hore ka jira oo keliya… xasan dhiiqo iyo xertiisa haddii aanay maamul beeleed ahayn yaa noqon kara maamul beeleed…
    tan puntlandna waxay calaamad u tahay in somalia lagu kala yaacay… MUUQDISHO na ay noqotay dhiiqo iyo ninkeed loo kala teg…
    MUUQDISHO iyo qof ayidsan by.. by

  5. Waa arin sax ah sidaasi, sababtoo ah khamiis iyo sabti waxba kuma kala bedella, Jumcaha waa sidiisii, Xattaa sacuudiga ayaa mar hore u guuray Jumce iyo Sabti. Waa maangal sababtoo ah Kumanaan somali ah ayaa u shaqeeya UN and International NGOs iayaga laftoodu waa somali ay tahay in lagu tashado

  6. Awalba Madheedheen khanisiin ahayeen Oo xataaaa iimaamkii masijidka Australia 🇦🇺 baa khaniis sheegtay lagaroone ah .. WARSAME NUUR Oo qardho kasoo jeedaa .. maanta waataa maalintii yahuuuda ee Sabaath amaba sabti or Saturday ka dhigtay maalin la fadhiyo Oo jimcihii ku bedeshay!!

    Subxanallah Allah Akbar

    • Aduunka waxa lala yaabo haddii arko oo laga anfariiro waa Iidoor oo hargeisa lesbian iyo guyga lagu dhigo abaarso iyo barwaaqo khaniisiinta aduunkana la dhaha xarunta dhaqankaan ku dhowaynaynaa waxaas ha kugu caayaan waa anfariir. Haddaad habargidir tahayna bal baraha bulshada fiiri nin naag iska dhigay iyo queen qaawan iyo waxaan la koobi karin iyadoo ay jiraan waxaas ha kugu caayaan waa amakaag.

  7. LGBT 🏳️‍🌈Garowe waa in lagusoo dhoweeyaa oo malinta Sabaath ee yahuuda kusoo dhoweysaan Ilhan Omar iyo khaniiskeegii iyo WARSAME NUUR iyo AYAN HERSI Oo siilkeega ku dul qoratay ayaadaha quraanka kareem ah!!

    • Aduunka waxa lala yaabo haddii arko oo laga anfariiro waa Iidoor oo hargeisa lesbian iyo guyga lagu dhigo abaarso iyo barwaaqo khaniisiinta aduunkana la dhaha xarunta dhaqankaan ku dhowaynaynaa waxaas ha kugu caayaan waa anfariir. Haddaad habargidir tahayna bal baraha bulshada fiiri nin naag iska dhigay iyo queen qaawan iyo waxaan la koobi karin iyadoo ay jiraan waxaas ha kugu caayaan waa amakaag.

  8. @Cawaale

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Daacaad uqoslay wlhy

  9. Soomaalidu marka geela looheeso ayay goroyo u heestaa. Arrinta u baahan in doodda lagu wadaago ma aha ayaamaha fasaxa la qaadanayo e waa saacadaha shaqeed ee la naaqusiyay, waana arrin galaafanaysa waxsoosaarka iyo dhaqaalaha Puntland oo awalba iska allowsahal ahayd.

    Waxaa ugu daran maangaabyada Puntland xuma-kasheeggeeda jecel oo arrimaha noocan ah u maldahanaya kuwo diini ah. Sharkoodu ma sahlana runtii.

    Sweden iyo waddamada kale ee talameelkan isku dhaqaya waa kuwo hodon ah ee gaaray iskufilnaansho waxsoosaar iyo dhaqaale oo taam ah.

    Way awoodaan in ay saacadaha shaqeed dadka laga dhimo maadaama ay daraaseeyeen oo hab cilmiyeysan u salgaareen in saacadaha shaqeed oo la dhimo aysan waxsoosaarkooda iyo dhaqaalahoodaba waxba u dhimayn, balse ay tayadooda sareba usii qaadayso maadaama waxsoosaarka iyo saxada shaqaalaha la isku dheelitiray.

    Ma Puntland iyo Soomaaliyada guud ee faqiirka ah ayaa isku dheererin kara maqaamka iyo iskufilnaanshaha ay waddamada hodonka ah isku simeen?

  10. waa wareeëeeeeey!!!!! qoladii xaarsaaq baa oodaha soo jabsatay, ku ekaada xeradiina xaargeysa, @caacwaale iwm, no more snm…

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*