Dooni siday badeeco 4 Milyan ah oo ka gubatay ganacsato Reer Puntland ah.

Dooni u rarneyd ganacsato reer Puntland ah, kuna soo wajahneyd dekedda magaalada Boosaaso ee caasimadda ganacsiga Puntland ayaa ku gubatay xeebta Masiira ee dalka Cumaan.

Badeeco gaaraysa 1600 oo tan, isuguna jirtay shidaal, gaadiid, qalabka dhismaha, raashin iyo bagaash fara-badan, ayay siday Doonidan oo lagu magacaabo ‘Al-Caalam’ oo kasoo kicintintay dalka Imaaraadka Carabta.

Ganacsatada ay u rarneyd doontan gubatay ayaa sheegay in qiimaha badeecada saarneyd uu gaarayo 4 milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Ma aha markii ugu horeysay ee dooni u raran ganacsato Reer Puntland ah ay ku gubato xeebaha dalalka khaliijka iyo Puntland. Ganacsato kasoo jeeda deegaanka ayaana horey sida oo kale hanti fara-badan ku waayay doonyo gubtay ama degay.

PUNTLAND TIMES 

6 Comments

  1. Haddii Dowladda fiican jirilahayd Ganacsatada Dooniyo liito badeecadda masoo saaran lahayn. Maadama guud ahaan Somalia loo arko dal aan xasilloonayn Dooniyo sea worth ahayn kaliya ayaa lagu soo aaminaa.

    Maah maah ayaa ahayd Doqon Qadar Alle Taqaan Qulucdaada looma dhiibto,Qofka markasta isagoo qadar Rabbi Gaffeeyn haddana dadaal la sameeyaa iyo marmarsiiyana la iska dhaafo oo Ganacsatadana Raadsasaan Dooniyo fiican.

  2. Waa arin murugo leh in ganacsato somaliyeed qasaro gaaro,waxkasta waxaa ay ka bilowdaan gudaha amaan deked fiican marka weyn alaab raqiis ah waxaa kali ah lo bahanyaheh waa nqbqdgalyo sugan

  3. Subxaanallaah,

    Abaartii oo tani ku darsantay waa dhib-dhib dulsaaran. Dadka Soomaaliyeed waxaan kula talinlahaa in qof kastaa ilaah uu baryo si allaha awoodda leh abaarta iyo darxumada dadka Soomaaliyeed ee dhibban uga dulqaado.

    Runtii arrintan colaada iyo abaarta ahi waxaa sabab u ah dembiyada iyo fusuqa qaar Soomaalida ka mida geleen, waatii alle yiri: yeyna idinku dhicin masiibo aan ku ekaanayn ciddii kasbatay oo keliya.

    Roobku waa raxmadda ugu weyn ee xagga alle ka timaada waxayna raxmaddaasi joogsataa marka cisyaanka iyo fusuqu bato, sida hadda Soomaaliya ka jirta sida dulmigii, fusuqii, nacaybkii, iyo faaxishadii oo faraha ka baxay.

    Dhammaanteed aan Soomaali u ducayno.

  4. dooni reer puntland kama gaboobaan afartaas malyan markab fiican ayay ku gadan lahaayee caku waxaan horomarkood marna isbadeleeyn berigii hore waxaa jiray kaptano ama naaqudayaal xirafad u saaxiiba manta mid badaas geli kara maleh hindii baa leh doonyaha oo ka faaiideeysta ayaguna jaad iyo siyaasad ayaa shaqo laga dhigtay deni waa nin xun gaas waa nin xun bay ku hadaaqaan warsidaan isu dhaama xirfadiinu bad bay aheeydeen jamacado waxba tareeyn baa lacg ku bixisaan ee lacgta geliya xirfada badaha dabdemiska makanikada naqudnimada skuulah dhalinta ufur Deniyo skuul laga barto xirfad bada caymiska dowladu iyoo tijaartu ha sameeyaan shirkad caymis malinkasta ma khasaaro u joog baad tihiin war shaqooyin waaridiintin waa gabteen Allah cawil khayr ha ku siiyo AaMIn AAMIIN imshaa ALLAH

  5. Allaha wax uga caymiyo.
    laakiin Goormeey reer Puntland Doomahii laga tagay ka ilbixi doonaan.
    ama doon aan caymis caalami ah ku jirin eey kireeysanayaan.
    ba eeg 4 malyan doolar oo doon qori ka suubsan lagu aaminayo casrigaan horumarka laga gaaray isgaarsiinta baddaha aduunka.

  6. Saaxiibayaal
    Mr. Allu K,
    Mr, Saaq,
    Mr. Guukeyso,
    Mr. Horeeye.
    Waa Ajalo amarka Alla waa xaq, in kastoo waqti adag jiro waxaan QANIGA ka baryeeynaa inuu khayr kale ugu bedelo . waxaase loo baahan yahay in ay Ganacsatadu qaataan talada Gacalka kor ku xusan oo runtii muujiyay dareen
    abaaday kuna qotoma maahmaah talyaani ah oo oranysa
    (ferro usato finiscono mana di fesi) Birtu waxay ku
    baaba^daa Gacanta Nacaska.
    Tan kale hantida turadaa leh.oo aan caymis lahayn waa
    il-haano iyo aqoon xumo, Samirku waa mubaax Allana inta
    samirtuu u jecel yahay. SADAQADII WAD IYO GEERI FURATA
    ALLAHA NOOGA DHIGO.

Comments are closed.