Hawlgallo ka dhacay degmada Ceelbuur, & dilka Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ayaa weerar qorsheysan ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab, oo ku yaalla deegaanka Baruujeed oo hoostaga degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud.

Hawlgalka Ciidamada ayaa lagu dilay xubno kamid ah Al-Shabaab, sida uu sheegay Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale.

Galmudug ayaa sheegtay in hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, ay socon doonaan.

Illaa haatan ma jiraan ilo madaxbanaan oo caddaynaya jiritaanka weerarkaas iyo sida uu u dhacay, waxaana adag in dadka deegaanka khadka telefoonka lagu helo.

PUNTLAND TIMES 

2 Comments

Comments are closed.