Hoggaamiyihii Ururka Al-Qaacida oo lagu dilay duqeyn

Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ayaa kudhawaaqday dilka Hoggaamiyihii AlQaacida Ayman Al Zawahiri, oo ahaa kuxigeenkii hore ee AlQaacida, balse dilkii Osama usoo dalacay jagadan.

Weerarka ayaa kadhacay Kabuul, waxaa fulisay diyaarad aan duuliye lahayn—drone—, Madaxweyne Bidan ayaa goor hore oo saaka ah kawarbixinaya sida hawlgalka loo fuliyey.

Joe Biden ayaa sheegay in hawlgalka lagu dilay hoggaamiyaha AlQaacida uu ahaa mid caddaaladda loogu hiilinayey, isagoo rajo ka muujiyay inay ka mid noqoto tallaabooyinka lagu dhayayo boogaha dhibbanayaashii ay eheladoodu ku dhinteen weerarkii 11-kii September ee Maraykanka lagu qaaday sannadkii 2001.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey telefiishanka, fiidnimadii, wakhtiga dalka Maraykanka, ayaa sheegay in sirdoonka Maraykanku inay al-Zawahiri ku raadjoogeen, iyaga oo dusha kala socday guri uu ku dhuumaalaysanayey oo ku yaallay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan, halkaas oo ay kula sugnaayeen qoyskiisu.

Madaxweyne Biden ayaa ogolaaday in hawlgalkan la fuliyo “Waxaan bixiyey amarka ugu dambeeya ee ah in tallaabo laga qaado” ayuu yidhi madaxweyne Biden.

Ururka Argagixisada ah ee AlQaacida ayaa hadda hoggaankiisii ugu waa waynaa lumisay.

PUNTLAND TIMES 

4 Comments

  1. Duqaan 80 jirka ah in wadnaha istaagaan qabaa, balse baha siyaaso waxay doonaan bay kuu sheegi..

  2. Ilaah ha u naxariisto sheekhan Mushlimka ah ee aay dileen Gaaladaa gacmaha dhiigga muslimiinta ku wada leh ee haddana leh, caddaalad baan raadineeynaa! Amiin

    Nidaam Dunidan ka dhisan oo ka dulmi badan Mareeykan Dunidan kama jiro, waana dowladda leh ah ee Waagii beryaba dad Islaam ahi xaq darro ku disho!

    May Allah destroy those Systems that are misusing the power that has given to them by Allah! Amiin

  3. Duqan asba malin walba intu muslin dilo laacadada walaa xisaab. Sam samey bal isar bal isaar aroskena bal isaar bal isaar mudan sugaye

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*