Jubbaland oo ku dhawaaqday mowqifkeeda Xukuumadda RW Aar!

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in Jubbaland ay taageersan tahay Xukuumadda cusub, isla makraana ay ku boorrineyso Baarlamaanka inuu ansixiyo.

Lugadheere oo wareysi siinayay VOA-da ayaa xusay in Xukuumadda cusub ay ku jirto danta dalka, dadka iyo diinta, waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamze Aar.

Taageerada Jubbaland ee kasoo yeertay Madaxweyne kuxigeenka labaad Cabdulqaadir Lugadheere, ayaa imaanaysa xilli shalay ay War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo dhiggiisa Galmudug ay si beel ahaan ah uga horyimaadeen Xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamze, iyagoo sheegay in dhismaheedu uu hareer marsan yahay nidaamka saami qeybsiga siyaasadda ee dalka (4.5).

PUNTLAND TIMES 

6 Comments

  1. War saxaafadeed kan loo ma dhamo ee 3dii gobal ee jubbaland oo labo ka maqanyahiin oo meelna lagu sheegin yaa u hadlaaya kkkk

  2. @Afuufa,

    Walaal, sababta aan warsaxafeedkan loogu dhannayn ayaa salka kuhaysa qabyanaanta weli Sooomaalida ku gadaaman iyo in ay iyadu caqliga saliimka ah ka doorbidday caadifado jilicsan oo sii kala faquuqay.

    Jubbaland qodaxda ku taagan waa khilaafka beelaha Daarood dhexdooda ka ooggan ee meel afka loogu saaro aan la garanayn run ahaantii. Sade iyo Kablalax ayaa la fahmi la’yahay daaqadda ay keli ahaantooda iskaga muuqdaan oo sidan u kala fogeeyay.

    Bina aadamku way is khilaafaan oo waxayna isku tahliyaan in mar uun laga gudbo, Soomaaliduse waxay xal moodday in la isu nuudkuuso oo gafuurka la isu taago oo aan la wada xaajoonin.

    Haddii ay waxa xaajoodaan, waxay u badantahay in la tabi lahaa in aanuba jirin wax ay ku kala boodsanaayeen e uu shaydhaanku is tusay.

    • Haddii ay WADA xaajoodaan, waxay u badantahay in la tabi lahaa in aanuba jirin wax ay ku kala boodsanaayeen e uu shaydhaanku is tusay.

  3. Waa runtaa awlal

    Daarood waxaa la dagay daneystayaal
    Hawiye waxaa hogaaminaaya waraabayaal aan waxba garan

    Digil iyo mirif
    Warba uma hayaan meel ay wax jiraan

    Ee sidee laga yeelaa siyaadiyiintan baahan oo Somalia silica baday

    Mise shabaab ayaanu taageernaa si loo helo Somalia oo hal dhinac ah ?

  4. Maxamud Sayid sun inuu cabaa caawa la gudboon. Ahmed Madoobe iyo Kenya waa ku shaqaysteen oo xataa waxaa la gaarsiiyey in hub loo soo dhiibo oo GEDO weerar la yiraahdo. Dagaalkii Baladxaawo waa kii qoysaska la lahaa hub culusbaa ku dhacay. Saaka in tuugadiisa uu qaybta ka ahaa war iska socey ku dheheen miskiin yahow mar hadaan Farmaajo kuu isticmaalney hada waxba ma goyside. Kkkkkk kkkk

  5. Anigu waxaan arkaa Somali godbay ku dhacday ayagaana isku riday. Haddana waxa ku dhex hayaa waa shabaab iyo isfaham la’aan dhexdooda ah..

Comments are closed.