Jubbaland oo sheegtay ‘Hal arrin’ oo ay kala shaqeyn Xukuumadda RW Xamze!

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere ayaa sheegay in la qaadayo howlgalo kooxda argagixisada Al-Shabaab looga xoreynayo deegaanada ay weli ku harsan yihin ee Jubbaland.

Cabdulqaadir Lugadheere oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa xusay in Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad goboleedka Jubbaland ay si wadajir ah uga shaqaynayaan howlgalo midaysan oo argagixisada lagaga saarayo deegaanada ay wali ku harsan yihiin, si culayska looga dulqaado dadka shacabka ah.

Sidoo kale, Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland ayaa soo dhaweeyay ansixinta Xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre, isagoo ugu baaqay inay ka shaqeyso samata-bixinta dadka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinku ku habsadeen, sida ka xoreynta argagixisada.

Dawlad Gobaleedka Jubbaland ayaa ah maamulka kali ah oo ilaa hada soo dhaweeyay Xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamze Aar, oo kasoo jeeda deegaannada Jubbaland, waxaana ilaa hada aan ka hadlin dhismaha Golaha Wasiirada cusub iyo ansixintooda Dawlad Gobaleedyada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

PUNTLAND TIMES 

2 Comments

  1. 6 arrimood oo xaalka Soomaaliya ku soo kordhay intii uu Culusoow Kursiga ku yimid, aryaa Goofka Muqdisho aay ku taalo Anigaa leh!

    1. Itoobiya oo dhanka Soomaaliya weerer toos ahi looga qaaday, dagaalkii 77 kadib.
    2. Itoobiya oo ciidamo Xoog leh soo gelisay dalka Soomaaliya, dibna u billawday hubeynta maamulada iyo Qabaa’illka Soomaaliya.
    3. Euroopan unionin oo baddii Soomaaliya ee aay ka saartay dowladdii Farmaajo dib ugu soo noqday, iyagoo markan ku andacoonaya in aay Daroogada la dagaalamayaan! Kkk
    4. Kenya oo loo oggolaaday in aay Soomaaliya ku soo fatahdo qaadkii aay lacagta adag ka heli jirtay, iyadoo dhanka kale sii adkeeysay xadkeedii ka xirnaa dadka iyo badeecada Soomaaliya!
    5. Maamul goboleedyadii Dowladdii Farmaajo aay Saaxiibka la ahayd iyo kuwii aay colka la ahayd oo dhammaantood ka wada baxay garabka dowladda dhexe!
    6. Soomaaliya oo dhexda u gashay siyaasado waaweyn oo is diidan sida, tan Webiga Niil iyo Taiwan!

    Arrimahan aan xusay dhammaantood waa dhab.

    Waxaa kale oo aan dib ka xusi doonaa arrimo quseeya mustaqbalka Soomaaliya oo aaysan dad badan oo Soomaaliyeed ku farxi doonin. Kuwaas oo beesha 6aad oo uu Mareeykan hor boodayo miiska u saarin Sadex sano oo Dowlada Culusoow markaa dhammaato kadib ah!
    Arrimahan oo aay talo ku leeyihiin, Quburo iyo Maamul goboleedyo Soomaaliyeed!!!!!!!!!!!!

  2. @@@A.A.Xade,

    Marka sikale loo dhigo, xaalku waa: “Soomaali Col ah, Dunidana Col la ah”.

    Markasta oo ay ‘Tories’-ku UK iyo Australia kharribaan, waxaa dalalkaas usoo gurmada oo loo aayaa Labour-ka.

    Markasta oo ay qoladan Soomaaliya ku rafatona, waxaa usoo gurman jiray oo loo aayi jiray Daaroodka. Su’aashu waxay tahay in Daaroodku dowrkan isxilqaamin doonaan oo dalka badbaadin doonaan – sidii looga bartayba – iyo inkale.

    Caasimadaha Soomaaliya u daneeya jaa guux iyo gurxan baa ka billawday.

Comments are closed.