Madaxweyne Xasan Sheekh oo socdaalkiisii 8-aad uga baxaya dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu todobaadkan u socdaalo dalka Ugandha, kadib casuumaad rasmi ah oo ka helay dhiggiisa dalkaas Yoweri Museveni.

Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Kampala ayaa la xariira xoojinta xiriirka labada dal, iyo Iskaashiga dhanacyada Amniga, dhaqaalaha iyo la-dagaallanka Argagixisada, isagoo kulan la qaadanaya Madaxweyne Museveni.

Waa socdaalkii 8-aad ee uu dalka uga baxayo Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana uu horey booqasho ugu tagay dalalka Imaaraadka Carabta, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti, Tanzania iyo Masar.

Uganda ayaa ka mid ah waddamada ay ciidanka ugu badan ka joogaan Soomaaliya, kuwaas qeyb ka ah howlgalka ATMIS, waxaana labadii maalin ee u dambeysay ku sugnaa Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo la kulmay dhiggiisa iyo Saraakiisha sare ee dalkaas.

PUNTLAND TIMES 

8 Comments

  1. Aad ayaan ooga xumahay xasan
    Iyo maamuladii soamalia ragaadiyay aay ubilaabatay
    Dagaal taas oo farxad u ah
    Cadawga soamalia
    Sida Ethiopia kenya
    Xassan habarkii farmaajo
    In uu soo get gagay ayaa
    Moodaa xasan mahan nin
    Kalajacal dhibkaas soamalia
    Ku sowajahan base talagal
    Ayaa moodaa 4sano òo hore
    Ayaan naqanay xasan
    70 uu xasan jiraa walina
    Maùsan fahmin wana nin
    Hada kahor nooshagay in
    Farmaajo inuu is dolow uhartay mirihii uu abuurtay
    Resoltes ayuu xasan maanta
    Hayaa

  2. Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ahna Madaxweynaha Soomaaliya isla markaasna ah, Raysalwasaaraha JFS Waxaan leenahay soo noqo hadoo nabad ah!!

  3. Xasan sheikh waa ku QOSLAY markii loo sheegay in maamuladii qaar ay heshiisyo la gashay. Wuxuu yiri awalba waa la gali jirtey. Hadana waa qoslay. Waxaa lagu maxaad ku qosleysaa? Wuxuu yiri ani XASAN QOSLAAYE AA LA I DHAHAA WAA ISKA QOSLAA. Waxaa lagu yiri waa sax, qosolkaan ku dooranay ee qosolka noo wad

  4. Madaxweynahu wuxuu Caalamka gaarsiin hayaa in Somalida Xortaa ka soo kabsatey Cudurkii curyaamiyay ilaa waqtiguu Rasalwasaare Rooble diiday isku daygii Inqilaabkii dhicisoobey ee Fahad Yasiin iyo Farmaajo.

    Somalia oo uu markale Madaxweyne Xassan Shiikh tusay Indhaha Caalamka
    Hanka Xassan Shiikh wuu ka sareeyaa Villa Somalia oo la isku oodo, markii Qayilaadda Hareeriga Ethiopia lagu daalana loo Arooro Dhabta Ethiopia iyo Eritrea.

  5. Axmaaro ayaa laga xanaajiyey
    Ethiopia looma safrin
    Maxaa loo tagiwaayey Addiss Ababa

    Waa hadalada dadka aan ka soo jeedin Dalalka Xortaa ee DJouti, Somaliland iyo Somalia.

  6. Khalid.

    Xigmad yari Mooryaan awal bay Soomaaliya khatar horay u gelisay, kadib markii uu Idha Cadde Muqdisho ka yiri, Aryaa 7 cisho kadib ayaan Addis Ababa Ciidda ku tukaneeynaa ee uu maalintii xigtayna Sacuudi iska xaadiriyey markii aay Muqdisho u soo dhaqaaqeen Itoobiyaankii uu u gacan haatinayey!
    Haddeerna Culusoow godkii baad ku riddeene bal wakaase ka Saara!

    Si aad Shabeelada hoose mar kale u qabsataan oo aad dadkii dhulka lahaa BIYAHANA Webiga mar 2aad oga iibisaan ayaad qaranimadii Soomaaliya God ugu rideena wakaase ka Saara Itoobiya Baraawe ayeey D&M ku casuumeen in aay salka dhigto, iyagoo dhibkiina ka cararayee!

    Caqli Mooryaan awal buu Soomaaliya Gaalo oo dhami ku casuumay siduu hadba Shaar diimeed oo been ah u soo geshanayey, Haddeerna Itoobiya oo Bad doon ahayd ayuu ku casuumay in aay Bad hesho, wuuna u hir galay damaceedii, mar haddii aay maanta heshay Baraawe iyo Marko!!!

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*