Maxay ka wada-hadleen RW Xamze & Safiirka UAE?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Alcuthman oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey Dowladda Imaaraadka Carabta taageeridda Dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay in ay sii xoojin doonan xiriirka labada dal.

Dhankiisa safiirka Dowladda Imaaraadka, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyey soo dhawaynta qiimaha badan, isagoo sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta iyo hogaankeeduba ay diyaar u yihiin in Soomaaliya ka taageeraan dhinacyo kala duwan sida, gurmadka abaaraha, amniga, horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

PUNTLAND TIMES 

2 Comments

  1. Low IQ culusow

    Secretarygaan ma la kulanka safiirada iyo inuu mucaawino isku sawiruu kusoo koobay!!

    Waa arin lawada saadaashay, cidna layaab kuma noqon…

  2. Calaacalka reer Farmaajo wuu batay ee maaba la soo celiyo Farmaajo?

    Yacni mar uun oohinta ha daayeen ee ha loo soo celiyo Farmaajo.

Comments are closed.