Maxkamadeynta Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS “Rooble” oo ka bilaabanaysa Sweden!

Maxkamad ku taalla dalka Sweden ayaa qabatay dacwad ka dhan ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Sida ay u sheegeen Puntlandtimes Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Dacwada ayaa waxaa ka gudbiyay Ra’iisul Wasaare Rooble ‘Prof. Cabdiwahab Sheekh Cabdisamad, kaas oo ku eedeeyay Maxamed Rooble inuu ka dambeeyay afduub loogu geystay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, bishii September, 2021.

Prof. Cabdiwahab Sheekh Cabdisamad ayaa sheegay inuu Maxamed Xuseen Rooble dhaqaale siiyay kooxdii afduubatay oo muddo ku heysay gacanta.

Maxkamadda Sweden ayaa aqbashay qaadista kiiskan, iyadoo lagu wargeliyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS inuu qabsado qareeno difaaca, isagoo aqbalay.

Xogo hordhac ah ayaa sheegaya in dhageysiga gal-dacwadeedka kiiska ka dhanka ah ‘Rooble’ ay maxkamaddu u fariisan doonto todobaadkan.

Maxamed Xuseen Rooble oo 28kii, bishii ‘June’ wareejiyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa heysta dhalashada dalka Sweden oo uu kunoolaa muddo dheer.

Dadaalo looga hortagayay dacwadda Prof. Cabdiwahab ee ka dhanka ah Rooble, la doonayayna in loo galo hab beeleed ayaa guuldareystay, kadib markii uu sheegay in uusan wax lug ah ku laheyn Afduubka Cabdiwahab, uusana diyaar u aheyn in la wada hadal siiyo.

PUNTLAND TIMES 

13 Comments

  1. The worst hypocrite of all time.
    What a disgrace. He will probably renounce his Swedish citizenship.

  2. Waxaas waa dacaayad iyo wasakheyn loo geysanayo dadka Sumcada iyo sharaf iyo hibo ilaahey siiyey ee fara ku tiris ah .xiligaba ka dhexmuqda siyaasada somaaliya.waana hubaa roobke in uu ahaa shaqsiga ugu daacadsan siyaasiyiinta somaalida ee aan arket intii aan noolaa.waana fahansanahey cida waxan oo dhan dabada ka riixeysa.prof.Abdi wahaab.warkan uu sheegayo waa koo soo dhiibey.waana shaqsu aan laheyn garasje fug.una adeega siyaasin uu sadareero ka qaatey.waana uu ku khasaari Kristian.viva rooble. Viva cadaalada.

    • MUNAAFIQIIN AAQIRO IYO ADDUUN
      WAA AY KU DULAY SAN YIHIIN

      Siyaasiga somaliyeed sidaas ayay u dulaysan yihiin haday dalka joogaan iyo haday dibad joogaan ba

      Waxaa u sabab ah waa dad cuqubo galay soo dhacay masaakiin xoolahoodi
      Ee sidee sharaf ay u helayaan ??

  3. @@@DALMAR,

    Usually revoke happens after conviction and completion of any jail sentence. He will renounce the citizenship to avoid trial.A warrant of arrest will be issued in the Scandinavian countries and maybe across Europe.
    As fool as he is,he will be set up and cleverely arrested like his cousins the pirate Afweyne and that one who took that white journalist for ransom,I think Amanda.

  4. Hadii warkaan xaqiiq yahey
    Aniga waxaa heesa heesti makki xaaji banadir

    Warkaas an u boga aniga
    Waa buuba badan galaa
    Waa war shax shax ah yac

  5. Countries can only put you in court for the crimes you committed against their citizens or country. Those things that he is being accused of are designated for The International Court. Sweden is not that stupid to take a case like this, especially when the person is a country’s former leader, if they do that, it will not show they are a powerful or a just nation, but a stupid nation.

  6. Osman, Brother Adi waa qasan tahay. Qofka hadii la soo dacweeyo Maxkamadu waa inay dhageysataa dacwadaas. ” every person is innocent until proven guilty”. That’s why Aduunka loo sameeyey Police-ka Interpol.

  7. Runtii waanba naxay markaan maqlay Khaainul wadan Cabdiwahab Sheekh Cabdisamad ayaa helay xorriyadiisa. Waa nin sharwade ah. Allah hana dhaafiyo shartiisa.

  8. Dalmar.
    Saaxiib waa runtaa.
    The phrase presumption of innocence is a legal principle.
    “ Every person accused of any crime is considered innocent until proven guilty “
    In la is dacweeyo waa wax caadi ah,ee yaan sida Soomaalida caada ah oo ah in wax walba,dhan aysan ahayn lala sado,waxaana ugo wacan.Soomaaliya oo dunida inta kale ka danbaysa xaga horumarka dhan walba.
    Raiisal wasaarihii hore Soomaaliya mudane,Engineer
    Maxamed Xussen Rooble yaan sharftiisa meel looga dhicin sidoo kale
    Pro. Cabdisamad Sheekh Cabdisamadow isna waa ka mid.
    Gunaanadkii bal ha la sugi wixii ka soo baxa,war Soomaaliyey,sida dadyowga dunida u fakira oo ka jira Maskaxda iyo aqoonta.
    Soomaaliya guul iyo gobanimo.

Comments are closed.