Sarkaal kamid ah Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya magaada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, ayaa sheegaya in caawa lagu dilay sarkaal sare oo kamid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabaa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, kooxda dilka geysatay ayaa ka baxsaday goobta.

Magaalada Gaalkacyo oo sannado ammaan aheyd ayaa hadda wajahaysa xaalada ammaan darro, iyadoo bilihii ugu dambeeyay lagu dilay ilaa 3 qof.

Wixii kasoo kordha ka soco Puntlandtimes.

PUNTLAND TIMES 

9 Comments

  1. intaad ILAAH wuxuusan raali ka aheeyeen somali sameeyneeyso dhibaato laga bixi maayo kuwaan wax dilaaya ma’aha dad caadiya waa kuwa wasakheeysan caqligoodo joogin khamri iyo jaad daroogo laga dheergiyeey xooga lacga khmri ama daraag la soosiiyo ayuu dadka ku dilin waa dad lasoo kireeysto.Talo hadii la rabo khmriga iyo mandrya ha la dabargooyo a habarahaan jaadka hala dabargooyo habrahaan gabdhaha yaryarka raga tuugta dowlada lacgtood dhaca mafrishaka isugu geeya hala dabar gooyo sheedaanka saaxibkiisa koowaad waa zaaniga walaalayaal wixii xuma oo muslimka loo diiday baa mubaax laga dhigay abaar iyo co0laad baa Ilaah dadka qooqa lagu salada Ilaah u toobad keenaa khazanadihiisa samada iyo dhulka ha ini fureeh

  2. HASSAN SHEIKH MRAHA LAGA DHAXLAY WEEYE..CIDII AAMINSANYD HASSAN IN UUSAN SHABAAB WALAAL LA AHAYN HADA HA OGAATO.
    MAHAD SALAAD IYO HASSAN SHEIKH WAA MATAANO SHABAAB AH.

  3. Kaafiyow, haddii aynu reer Puntland nahay ma siniin miniin ayaynu Xamar ka cataabaynaa?

    Sow xadiiskii Rasuulka (SCW) ma ahayn in aan ruuxa mu’minka ah godkoo labo goor laga qaniinin?

    Haddiise ay halyeeyadii Gaalkacayood noqdeen mid Xamar u tahriiba iyo mid xabaalaha lagu hubsado, maxaa xal ah?

    Sanyare muxuu Xamar ka hayaa isaga oo khibraddiisa weli loo baahnaa oo hawshii wacnayd ee uu billaabayna weli qabyo tahay?

  4. Alshabaab ayaa dib loo soo nooleysiiyay sababtoo ah, meesha waxaa ka baxay daba dhilifkodii Farmaajo, therefore, Itoobiya tabtii ayey dib ugu laabteen. All along, we knew Ethiopia was behind Alshabab. The timing gives a way alot.

    Waxaase qosol noqotay in uu ka bilaabay Liyuu Police ileen Soomaali makala jeclee. Doqonkii ciil qabaha ahaa ee Mustaf Cagjar, beri bay walaalkii ka dileen, sidaa buu u ciribtiraa Liiyu Police, kuwo badanna wuxuu ku dhameeyay difacida Amxaarada. Maxaa doqonkan Mustaf Cagjar xil loogu dhiibtay to begin with. Soomaalidii buu ka dhamaan waayay oo isagii baa loo adeegsanayaa.

    • Xasan Guurguurte dowladnimadii waa ku cayaaray. Xumaan kama aha ee wuusan aqoon. Dad cadiifad iyo qabyaalad ku hogaaminana caasimadii ku heystaa. Somali marka Guurguurte MUQDISHO HOSTAGE UGU HEYSTAA. HADII LA RABO IN DOWLAD DALKAAN YEESHO WAA MUQDISHO CAASIMADA LAGA RARAA AMA CONFEDERATE WAA IN LA QAATAA OO QOLO WALBA WAXOODA GOONI U RAADSATAA. MUQDISHO LOO BANEEYO DADKA U BADAN AMA DIGIR HAKU KARSADAAN AMA DHISTAAN. WAA HOWL U TAAL

  5. Kaafi. Allaha u naxariisto
    Al-Shabaab waxay dugsataa (Kamka) Barakacayaasha,xamaalatada suuqa,habraha qaadka,firshada,iyo bajajka,iyo xaafado la yaqaan.sirdoonka waa inay la socdaan dhaqdhaqaaqa soo galootigam hoteelada iyo masaajidada, si gaar ah waa in loola socdo Ganacsatada Alictisaam,tuhuna waxaa jira in Shetdaankii Al-itixaad,iyo aasaasihii Al-shabaab ka soo deyn rabo. kaafiyoow punykand shaqaa sugeysa, Gaalkacyane hawl baa u taalm akkaha fududeeyo (Likula cusra yusraa (Insha Allah)
    Awlal waa kula socdaa samir iyo iimaan allaha naga siiyo asagan allaha u naxariisto
    Awlal Gaalkacyo rag iyo rabeey leedahay ha welwelin.

  6. Allah ha u naxariisto marxuumka.
    Waxaan garanayaa qarabadiisa.
    Waa Cabdiraxmaan Mohamed Cabdi Muuse xaaji Gurey. Wasaaradda Maaliyadda Qaybta Canshuur uriirinta ayuu ahaa siday ii sheegeen. Nin wadaad ah oo iska afgaaban ayuu ahaa reer Bursaalax ah.

    • HADAYNU NAHAY REER IS RAACI
      WEYNAYE AYNU QABURAHA SII QODANO KAALAY ILA QOD MANTA
      AAN BERI KULA QODEE1

Comments are closed.