SAWIRRO: Muxuu Guddoomiye Aadan Madoobe kala hadlay Xubnaha uu ku jiray Roobow?

Waxaa xalay ka qabsoomay hoyga uu degan yahay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Aadan Maxamed Nuur, kulan u dhexeeyay Guddoomiyaha iyo xubnaha Golaha Wasiirada cusub ee XFS ee kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle.

Kulanka oo ahaa mid albaabadu u xiran yihiin qaatayna saacado badan, ayaa ahaa salaan iyo kala warqaadasho ay Wasiiradu ugu tageen Guddoomiye Aadan Madoobe, sida uu baahiyay xafiiska Warfaafinta Guddoomiyaha.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa hoygiisa ku qaabiley Wasiirada magacaaban ee dowladda Federaalka ku matala dowlad goboleedka Koonfur galbeed iyo qaar ka mid ah Jubaland. Wasiirada magacaban ayaa Guddoomiyaha ugu yimid salaan iyo kala warqaadasho.”

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Puntlandtimes, in Guddoomiye Aadan Madoobe uu u yeeray xubnaha, si uu ugala hadlo wada shaqeyn iyo iskaashi dhexmara, sidoo kalena ay u raadin lahaayeen kalsoonida Xildhibaanada beelahooda.

Xubnaha uu la kulmay Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxaa kamid ahaa Mukhtaar Roobow Cali Abu Maansuur, oo loo magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta XFS.

PUNTLAND TIMES 

3 Comments

  1. Nacal weeye Xamsa Barre. Ninkii qarxiyay Hotel Shamow iyo Hargaha iyo Saamaha soo Mukhtaar Rooboow ma ahayn? Ninkii oday dhaqameedyadii Baladweyne yiri anaa laayay soo Mukhtaar Rooboow ma ahayn? Ogaden danbe wax ha inogu dhiibinina. Waxay noqdeen cadow Soomaaliyeed.

    • Ogaadeenka Idinkaaba horboodaaya ee chance siiya uu ku Shaqeeyo.
      Wada hadalka ama shirka waa iska Digilmirifle Issue Baan filayaa wax idinwalwalgaliya ma ahan.UMAD HESHIIS AH DARISKANA HESHIIS LA AH
      Miyuu ahaa halkudhigu…

  2. Maah maah ayaa ahayd Hal Libaax aragto ma gotlato!

    Yacni,wasiiro Rooboow dhex fadhidyo,cabsi iyo is ilaalim ayay ku mashquulidoonaan oo markasta musqul aado ama si deg deg meel soo galo taloow ma kala cararidoonaan?
    Markasto uu telephone ka ama boorsada laaco shir kulul dhexdiisa. Wallee rag badan ayuu dhiikar ku dhici oo shaqada wasiirnimo kax dhihidoona.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*