SAWIRRO: Puntland iyo Galmudug oo ka hortagaya deegaameynta dhul lagu dagaalamay

Guddoomiyayaasha gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa maanta kormeer ku tagay Degaanka Bardo dheere, Bohosha iyo Maxjarka oo dhaca duleedka magaalada Gaalkacyo.

Aagagan oo ah xaduudka labada maamul ayaa waxaa dad ay ka wadeen degaamayn cusub oo maamulku aysan waxba ka ogayn, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyay maamulka gobalka Mudug ee Puntland.

Kormeerkaan ayaa salka ku hayay kadib dhaqan galinta qodobo shalay laga soo saaray Shirka amniga oo Gaalkacyo ay ku yeesheen maamulada iyo laamaha amniga.

Shirkaas ayaa diirada lagu saaray xoojinta la dagaalanka Argagixisada, adkaynta Xiriirka Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug.

PUNTLAND TIMES 

1 Comment

  1. Barda dheer oo ah. Waqooyi galbeed. Ee gaalkacyo. Miyaa galmudug lagala
    hadlahayaa.
    Gaalkacyo kama sokayso galinsoor.
    Hadayba sheekadu halkaa marayso.

Comments are closed.