SAWIRRO: Tirinta codadka doorashada Kenya oo soo dhamaatay

Tirinta codadka doorashadii ka dhacday dalka Kenya ayaa lasoo gaba-gabeeyay saaka, iyadoo lagu wado in lagu dhawaaqo saacadaha soo socda natiijada rasmiga ah ee doorashada.

Xarunta guddiga doorashooyinka Kenya ee Bomas, ayaa loo diyaariyay hannaanka ku dhawaaqista natiijada kama dambeysta ah, sida ay tabinayso warbaahinta gudaha Kenya.

Wakiilada labada musharrax ee ugu cadcad doorashada madaxweynaha William Ruto iyo Raila Odinga, ayaa guulo ka sheegtay doorashada.

Guddiga doorashooyinka ee IEBC ayaa si waafqasan sharciga Kenya, ay tahay inuu shaaciyo natiijada rasmiga ah ee doorashada madaxweynaha.

PUNTLAND TIMES 

6 Comments

  1. Hagbadii kenya ee low IQ culusow qaybta ka ahaa waa FASHILANTAY.

    Qaadkii miirooga ahaa ee malaayiinta masaakiinta laga diirtay waa hal bacaad lagu lisay…

  2. yes, aad baad u saxan tahay, qaladaad iyo meel ka dhac joogto ah ayaa ka muuqata VILLA WARDHIIGLEY, khaliij loo kala hiiliyo, masar iyo ethiopia loo kala eexdo, doorashooyin dalal kale (kenya) oo faraha lala galo,
    jaahil waa jaahil..

  3. Doorashadii Kenya miyaa soo idlaatay?!

    Marka loo eego jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa aan aamminsanahay in wax farqiya oo u dhaxeeya labadan nin aysan jirin; waa sida Abiy & TPLF oo kale. Maandooriyaha qaadkuna waaba mid ka mid ah ilaha dhaqaalaha ee ugu waaweyn Kenya.

    Gunaanadkii, shicibka Kenya waxa ay u muuqdaan in ay waddankooda jecelyihiin oo ay lixajeclo ka hayso.

  4. Marna ma magaca bugta ah baa, marna ma “Daahir” baa?

    Alla maxaan ku maadsadaa marka fulayadu toos iigu soo dhiirran kari waayaan oo ay marba mus yar igasoo shiidaan!

    Cajuuska aan ka hadlanaya wuu is ogyahay.

  5. Sildaan Awlal.
    Sidee wax u dhaceen. Suldaan rag duubtay, docne koogama soo dhici karo, Suldaanoow aan daba galnee dowguu maraba diiradda noo saar wbt mida kale Suldaan fariintayda ma aragta fadlan sabir ahaan ok dheh adoo madasha tixgelinaya,

Comments are closed.