Siciid Deni oo war kasoo saaray geerida Xildhibaan Baduugaaye

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariiste Gen. Cabdicasiis Siciid Gacamey oo xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladda Puntland.

“Alle ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Gen. Cabdicasiis Siciid Gacamey oo caawa ku geeriyooday Garoowe, wuxuu ahaa Odey Puntland oo waxbadan kasoo qeyb qaatay Dowladnimada, gaar ahaan ka shaqeynta isagoo soo noqday Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland, Wasiir ku-xigeenka Amniga iyo Xildhibaan Golaha Wakiillada ee Dowladda Puntland.

Waxaan geeridiisa uga tacsiyeeynaya dhammaan Shacabka Puntland, saaxiibadii ay soo wada shaqeeyeen, eheladii iyo qoyskiisii, marxuumka waxaan alle uga baryaya in uu u danbi dhaafo oo janadii geeyo, Aamiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

PUNTLAND TIMES 

2 Comments

  1. run ahaantii waxaan nafta u sheegay in weli halgankii sayidka halkii rag ka sii wado, awlal iyo gardafui isha ayaad ka rideen, dhaqan ahaan habka axsaabta badan naguma feecna.dimoqraadiyadu ha ka bilanto 66 xildhibaan . waxaase puntiland bar madow ku noqday madaxweyne ku xigeenadii la soo doortay oo u dhaartay dalka ina si cad uburburinayaan qiyaamkii dawladnimo,kuwaas takarta ah waa jagadaas la laalo oo laga dhigo xulasho sida raisul wasaaraha, ama sharci adag laga dhigo oo lagu eryi karo. jagada madaxweynuhu waa sharci furan oo qof walba u tartami karo, dadka dhaleeceeya dawlada waa intt macaan ku noosha ahayd,puntiland mashruucii dhahar ee parlamaanka ha bayaamiso, madaxwynuhune 3 biloodba ha ku shaqeeyo (Garoowe)(Qardho)(Gaalkacyo)(Badhan)iyo L/Caano intaas ayaa dabooli karta aragtida one man one vote.

  2. Ar dani waa ninkii markuu xildhibaanka ahaa xasaanada ka qaaday kana saaray baarlamaanka, isagoo oday wax garada, kana fadhiisiyay siyaasada, kuna eedeeyay waxyaabo xun_xun, ee ma maantuu ogaaday in uu oday ahaa kana soo qeeyb qaatay dhismaha maamulka uu hadda isagu heesto, isagoo markii horaba ugu abaal guday, ceeyrin, ceebeen, iyo shaqo ka fadhiisin.

    Ar waa kaa dhaqanka iyo dabeecada soomalida intaad nooshahay waa lagu ceybeen, lagu mucaaradi, markaad dhimatana nin qalbiga kaa neceb kuu soo duceen.

    Illaahoow deni iyo soomaali shartooda naga qabo.

Comments are closed.