Somaliland oo uga digtay Shiinaha ‘daandaansiga Taiwan’

Somaliland ayaa sheegtay inay ka xun tahay weerarka dawladda Shiinuhu ku qaaday Taiwan, oo sannadihii u dambeeyay ay la laheyd xariir.

Guddoomiye kuxigeenka Golaha Wakiillada Somaliland, Cali Xaamud Jibriil ayaa ugu baaqday dawladda Shiinaha ilaalinta xasiloonida gobalka.

Ciidanka Shiinaha ayaa maalmihii u dambeeyay dhoolatus Milateri ka sameeyay hawada iyo marin biyoodka Taiwan, kadib markii uu ka carooday booqashadii ay ku tagtay Guddoomiyaha Aqalka Congress-ka Mareykanka Nancy Pelosi.

Taiwan ayaa ku eedeeysay Shiinaha inuu qorsheeynayo inuu weerar ciidan kusoo qaado, iyadoo ka digtay dagaal culus oo dhexmara labada dhinac.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa uga digay Shiinaha inuu sii wado kicinta iyo isku dayga weerar toos ah oo uu ku qaado Taiwan.

Somaliland oo in ka badan 30 sano sheegaysay inay ka go’day Soomaaliya, ayaa sannadihii u dambeeyay xariir dublamaasiyadeed la sameysatay Taiwan, waxaana labada dhinac is weydaarsadeen safiiro, iyadoo uu dhexmaray iskaashi dhinacyada dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ah.

Go’aanka Somaliland ay kula safatay Taiwan, ayaa imaanaya maalmo kadib markii war kasoo baxay Dawladda Federaalka Soomaaliya taageero loogu muujiyay shiinaha, Soomaaliya ayaana ku baaqday ilaalinta madax banaanida iyo midnimada Shiinaha.

PUNTLAND TIMES 

20 Comments

  1. Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

    Waa tan sababta uu Qaadku dhibaato ugu yahay dadka af Soomaaliga ku hadlo. Kkkkkkkkk

    • @A A xade hadhaa Faqash,,

      Adiga hore Sangadhuudhi ayaa hore kuu mehersaday iminkana Amxaar ayaa kaala wareegay Sangadhuudhigii markaa kii kuu yimaadaba waa adeerkaa kkkkkkkk,

      Waar dumarkiina Cidwalba ka dhaansanayso Rag u yeesha, waar hadalka iyo kaftanku waa kaa xidhan yahay Yaa Ina gumeed xaraan ku nool badh nasab ah,,kkkkkkkk
      Ninkii iidoor ee ku kufsadey waa in laguu doonaa ileyn waadigan Iidoor ku waashaye yaa Fataal

      • Beensheege.

        Markii aad Afka uraya ee uu Qaadku dilay kala qaadaanba nin nin fuulaya meesha keena ina ABAARSOW. Uf kkk

    • Waxaa cabsi laga qabaa in dhaqaalaha aduunku hoos u dhaco shidaalkuna qaaliyoobo sababtoo ah waxaa soo baxaya warar sheegaya in Jamhuuriyada Somaliland ay u direyso maraakiibta dagaalka badda China sea taasoo keeni karta isku dhac ka dhaxeysa labada quwadood ee jamhuuriya Somaliland iyo China. Hadase waxay wararku sheegayaan inaan isbadal baaxad leh aan laga dareemeyn suuqyada caalanka. Waxaa soo ifbaxday in madaxda Jamhuuriyada MARQAANSAYEEN markii ay warkaas sheegeen hadase ay xaaladu caadi tahay.

  2. Waa sida Jiir ama Dooli Bissad Sanka ka taabanaya isagoo u hiilinayo Tixiri.
    Waa aduun waalan!

  3. Dowladaha Xortaa ee Afsoomaaliga ku hadlo oo la kala saftey China iyo Taiwan.

    Waxaan sugnaaba waa aragtida Dowladda SADEXAAD ee DJouti.

  4. Kkkkkkkk
    Waa wax lagu qoslo SNM baa Shiinaha u hanjabtey! Soomaalidu waxaay tiraahdaa ” Nin Adduunyo joogoow maxaa aragti kuu laaban”,Reer Xamarkuna waxaay yiraahdaan ” Cimrigaaga oo raaga Geel dhalaya waa ku tusaa”

  5. Waar bal amankaagan arka!!!
    Soomaalidu ma dad waalan baa amase dad miyir qaba.?
    Dad waalan u daa.
    Maxaa Soomaali ka khuseeya China iyo Taiwan iyadoo teenni dayacantahay carruurteennii gaajo u dhimanayso, hooyadii Soomaaliyeed dhiig bax u dhimanayso, dhallintii shaqo la’aan la tahriibayso, aabbayaashii cudur u dhimanayaan.
    Soomaalidu waa dad dhintey oo adduunka weli ka hadlaaya.
    Sida qofka dhinta tiisa aakhiro u cuslayso ayaa Soomaalina toodii adduun u cuslaysey markaasay dadkale oo sida baniaadamka u nool ka sheekeynayaan.

    Waar tan qabyaalada iska daaya oo waxaan dani idiinku jirin iska daaya.
    Adduunka ummadda ugu nolol xun ayeynu nahaye raadiya sidaan uga bixi lahayn.
    Malaha waxaad tihiin kuwa dibadda caydh ku qaata oo aan ogayn waxa Soomaali dhib haysta gees kasta oo aad tagto.
    Magaalooyinka oo dhan waxaa buuxshey barakacayaal ka soo cararay darxumo iyo dhibta midkale oo dubka uga eg oo Soomaali sheeganaya.

    Fadlan dib u fekera.

  6. Asc

    KKKKKKK

    Rag dheh !

    Annakana Farmaajo ayaa baarlamaankii firimbi la dhex-fadhiya,
    raggna China ayey YAC iska leeyihiin

    Xaa leeyska qaadaa

    HARGEYSA 2 MUQDISHO 0

  7. War hadii dad ka mid ah,Somalia ay iska dhigaan dowlad,wax micna ah oo ay leedahay ma jirto,iyaguna waa ogyihiin,dunidaba waa ogyahay.

  8. War haddii dad Soomaaliyeed,oo iska dhigaya dowlad,iyago waa ogyihiin dunida oo dhan a waa ogtahay in aysan ahayn.
    Marka maamulka la baxay Somaliland,waa shacab Soomaaliyeed ee yaan wax xumaan ah iyo aflagaado loo gaysan.

  9. Iidoor markan kuleya waa waalan yihin. wa Tano kale. Siyad baraa bari lax ka dilay sodon sanee baror diiq ku jiraan. 😂😂😂😂

  10. War naga daaya Soomaalileen, waa shacab Qaad dilooday, wallaahi in aysan ka dhab ahayn Ictiraafka. Ma oga miyaa haduu Aduunka ictiraafo Somaliland oo markaa China Veto Power ku hor istaagto, waligood ka go’i mayaan Soomaaliya, Fact!

    • Daadiroow
      Waxaad tahay munaafiq doqona, si fiican ayaad u garanaysaa farqiga u dhexeeya sekastba Somali land iyo Soomaalida kale. Sababtuna waa waddan is dhisay oo noqday dalka ugu wanaagsan bariga Afrika, Waxay rabaanna way heli doonaan inshallah.

  11. QAAD QAAD QAAD YA 2 MILLION DOLLAR QAAD KU CUNAY 4 MAALIN GUDAHEED?
    MARKAAD JAWAABTA HESHO CIDA WAALAN NOO SHEEG

Comments are closed.