UPDATE: Dagaal ka dhashay kala qeybsiga GARGAAR oo ka dhacay Boosaaso

Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa is rasaaseyn culus oo xalay ku dhexmartay caasimadda ganacsiga Puntland ee Boosaaso, Duqa degmadda Cabdiqani Deyra-dile iyo kuxigeenkiisa Axmed Nuur Huruuse.

Dagaalka labada nin ayaa salka ku hayay khilaaf ka dhashay qeybsiga kaarar kamid ah kuwa loogu talagalay dadka abaaraha kasoo barakacay iyo danyarta kunool kaamamka barakacayaasha ee magaalada Boosaaso.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Puntlandtimes, in labada nin ee hoggaamiya maamulka Boosaaso ay saaka gaareen heshiis, kadib dadaal ay sameeyeen waxgaradka beelaha ay kasoo kala jeedaan.

Odayaal beeleedyada ayaa heshiiska ay dhexdhigaan labada nin, ugu kala qeybiyay kaararka si siman, xili bulshadii u baahnayd ee loogu talogalay aysan gaarin.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya Deyra-dile iyo Huruuse, oo is dhinac fadhiya, kana wada qeybgalaya shir looga hadlayay dakhliga dawladda hoose ee magaalada Boosaaso.

Duqa magaalada Boosaaso & Kuxigeenkiisa oo shalay ku dagaalamay kala boobida Kaararka Raashinka Qaxootiga loogu talogalay ee ay bixiyaan Hay’addaha gargaarka ah, ayaa hadda ku wada sugan gudaha xarunta dawladda Hoose.

Isla Boosaaso, bishii lasoo dhaafay ku dhawaad 18 qof ayaa u dhimatay Buskut gargaar oo ka imaanayay Muqdisho, kaas oo ay ciidamadu ku dagaalameen cida la wareegaysa.

PUNTLAND TIMES 

14 Comments

  1. Waxaan la yaabay dadka Raashinka sadaqada ah ee dadka masaakiinta ahi aay Dunida ugu deeqday rabo in aay siiyaan ubad aay dhaleen, oo haddana doonayo in aay nolol wanaagsan ku noolaadaan iyagiyo reerahooda!!

    Wallee idinkana cudurro aanan Daawo lahayn baa idinku dhacaya, xaasaskana iyo Gabdhaha aad dhasheena dhillooyin bay idinka noqonayaan, wiilashana daroogeyste yaal!

    Waxaa kale oo aan la yaabanay, kuwa odoyaasha dhaqanka sheeganaya ee meeshii aay Tuugadooda Dulmiga ka qaban lahaayeen, iyagii u qeeybinaya!

    Taas ayaa la leeyahay Rabbi ha u naxariisto oo Abaarta ha ka baxdo!!!!

  2. Wallahi waa waalli iyo sumcad xummo usoo hoyatay Puntland si isdabajoog ah.Labadoodaba shaqada ha laga ceeyriyo haddayba naxariisto darro iyo xishood la’aan gargaar maskiin isku dagaaleen.
    Yacni, what is next?

  3. war yaa ilaahay ka baq dadka aad caayeyso jooji hadii aad nin rag ah tahay
    car sheeg meesha aad jogto fulay yahow waxaad dadka isqariyaa wa adiga caayey dadka masuuliyhiinta ah waxaaad waad u baratay inaad dadka caydo lakiin waa laga shaqaynayaa waanah lagu dabajoogaa

  4. A.A.Xade says: ninkan magcaa leh qofkii soo sheega dadwaynah somaliyeed waxaa la siinayaa lacag dhan $1000 oo abaarmarin ah

  5. @@@ Jamac, ma in raas dhacday oo labadaa nin isku dagaaleen deeq masaakiin miyaa inkiraysaa?
    Midda kale $1000 malaha adiguu qiima wayn kula leeyahay ee waa nothing e isdeji. Hadalkaaga garaadkaaga ayuu cabir ka bixinayaa e xoogaa waxaad moodaa in aad u baahanthay kobcis.

  6. Ally M. Kkk

    Well said.

    Ninkii Tuug liita difaaca, isagaa Tuug ah!

    Ally M. Waxaan ogaaday dadka Soomaaliga ku nool in aay wareereen oo aaysan kala saari karin maxaa xun iyo maxaa san ama maxaa xalaal ah iyo maxaa Xaaraan ah!
    Bal haddiiba uu awoodo in uu kun dollar difaac tuugo ku bixiyo, maxaa u diiday in uu beddelkeeda siiyo dadka Tabaaleeysan?!!!! Kkk

  7. Qabyalada aa masul ka ah nunkii danbi galaa hadaan laso qaban Karin oo La leyahey waa landheere markaa odoyasha arinta dhameynayaan xal Mahan waxaas malinkasta asalkuna waa qabyaalad tacshiirad hadey dadku dhintaan waa laga xalaa sidaas uu ogyahey hadii qofkastaa u ogyahey in horey xabsi galaayo masameyeen Wana dad baqtiyey naxariis rabi sugi mayaan

  8. @@@ A.A.Xade,
    Thanks,qofka oodjiirka ah ee iska dhiga xariif marka su’aalo adag la waydiiyo jawaabna waayo ayuu assalkiisa maskax kobaca soo baxaa,ninkii Jamaac ahaa ceey iyo cadho wax aan ahayn afkiisa soo mari waa. Taas ayay ahayd u jeedkayga su’aalaha aan waydiiyay. Dabinkiina wuu ku dhacay. Madashaan wuxuu ka ahaan waa kii caaytamaye e kasoco waxa uu qoro.

  9. WAR DHAGANKAN RER KA DISHISHE MA USAN AGOON BALO KU DAGTEY AR RERKI SOWKUWAN BALOWEY ALLAH YARXAMO UGAS YASIN UGAS CABDURAXMAN AYA UGU DANBEYSEY DISHISHE O GOBA AAH ILEEYN XURMADLEH UGAS YASIN
    AYAA KUWA TUGTA AAH CIMAMADISU GARIN JIRTEY ALLAH YARXAMAK

  10. Ar kan ay yiraahdaan Barawani Queen maxaa ka galay faradheer is-haysta?

    Kabihiisa muu iska tosho Tunnigaas?

  11. Alla ceeb looma dhinto
    Reer ba’ayow yaa kuleh
    Siday uqoslayaan eeg wey isla fiicanyihiin.
    Ilaahow hogamiyeyal ka khayr badan kuwaan baan kaa baryeynaa.

Comments are closed.