UPDATE: Itoobiya oo xirtay xadka Soomaaliya, & isu socodkii oo la adkeeyay

Dawladda Itoobiya ayaa go’aano adag kasoo saartay isu socodka bulshada ee xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Puntlandtimes, in Dawlad Deegaanka Soomaalida oo fulinaya go’aan ka yimid Dowladda Federaalka Itoobiya uu ku wargeliyay Maamulada ay xaduud wadaagta yihiin in la joojiyay isu socodkii bulshada labada dhinac.

Maamulada ayaa loo sheegay in qof kasta oo aan wadan waraaqda cadeynta deganaanshaha DDS, uusan u soo gudbi karin deegaanka, marka laga soo tago qof leh damiin.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ay weeraro uga qaaday DDS, deegaannada saaran xaduudka ee goballada Bakool iyo Hiiraan oo kala tirsan maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Tan iyo isbedelkii ka dhacay dalka Itoobiya sannadkii 2018kii, Dawlad deegaanka Soomaalida ayaa fududeeyay isu socodka bulshada labada dhinac, iyadoona gaadiidka baxa maamulada Soomaaliya ee aan ka sharciyeysneyn Itoobiya ay gudaha u galayeen dawlad deegaanka, iyagoo qeybtood tagayay caasimadda DDS ee Jigjiga.

PUNTLAND TIMES 

8 Comments

  1. Waa in la abuuraa maamul nabadoon ah kaasoo ah mid ka facwayn dhamaan kuwan yayar ee la dhoodhoobay xaruntiisana waa inay si ku meel gaadha u noqotaa FeerFeer.

    Maamulka magaciisa waa hiiraanland of Somalia.

  2. Somalia iyo dadkeeda argagixisada ah soomaali teelo u dhigan maayaan siday hadhka uga saari lahaayeen!!!!!
    NFD qaraxyo ayay ku halaageen heer macalimiintii ka cararaan
    Hadana waa soomaali galbeed!!!
    Soomaalinimo afka baarkiis ah iyo munaafaqnimo.
    Qurbahana daydaynimadii ayay lasoo galeen ilaa soomaali laga naco meelo badan!!!
    Aakhirka go,doon baa gobolka laga gelin oo darbi baa xal ah.
    KENYA AYAA NOO DIIDAY INAAN TOOS NAIROBI UGA DEGNO.
    OO YAA KU AWMINAYA SOO QARXIN MAYSAAN?
    KKK

  3. Waa maanka mooryaannimo wax markasta Soomaalida dhabaqa xun ku sababa oo colaadaha iyo ragaadkana kuwaariya.

    Bal hadda, kuwan uu caqligoodu foororo ee iskadhaadhiciyay in ay Ethiopia iyo Kenya dagaal wax kaga qaadi karaan, waxay dhabaq xun geliyeen qorshihii qaabka dabiiciga iyo tartiibta u masaxi lahaa xuduudaha xaaranta ah ee Soomaalida lagu kala qoqobay.

    Qorshaha ugu qayimsan ee xuduudaha noocan ah lagu zuuliyo waa kan dhaqaale e mid siyaasadeed ma aha habayaraatee. Waxaa saxsanaa in hab ganacsi ah ay Soomaalidu iskuguxidho Soomaali Galbeed iyo Soomaaliya ilaa sanado kaddib uu xadkuba iskii isaga libdho. Sidaas si lamid ah ayaa xadka Kenya iyo Soomaaliyana lagu zuulin lahaa.

    Haatan, maankii mooryaannimo wuxuu dhaliyay in ay Xabashidu xadkan dib usoo degto oo Soomaalida sookala dhexgasho. Kenyana sidaas si lamid ayay horraantii xadka ugusooceliyeen inta ay weerarro shuftanimo ah kula kaceen.

    May mar uun caqliga kaashadaan oo maanka mooryaannimo ee cunfiga iyo caadifadda kusaleysan kaxoroobaan?

  4. SALAAMU CALEEKUM

    No doubt, DDS has the right to control its security and make a new Security Buffer Zone. They are intended for those HAWIYE who are fully supporting morally and materially ALSHABAAB.. But SOUTHWEST, JUBBALAND, AND PUNTLAND shall work closely with DDS. They have open borders and their populations are the same whether they are in PUNTLAND or JUBBALAND. They are brothers and sisters in biological blood.

    VIVA JUBBALAND
    VIVA DDS
    VIVA NFD
    VAVA PUNTLAND

    XASAN DHIIQO, waa in laga dhigaa fadhiig xukuma HAAWEYDA HAWIYE..

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  5. Brawaani. Shaqsiga la baxay.
    War nacasyahow ma xishoodaga ah,cayda,aflagaadada iyo qabyaalada ka daa umadda Soomaaliyeed ee halka qowmiyad ah,qof kasta oo in yar Soomaalinimo ah ku jirto,waa uu iska ilaaliya in oo uu Soomaalida uu kaka qaybiyo.
    Inta badan dadka halkan ra’yigooda ka dhiibta waxa ay ka siman yihiin,u xaglibta xaga arimaha kala dhantaalaya Midnimada Soomaaliya iyo shacabkeeda.
    Gunaanadkii suuragal ma aha,in qof ku uu marna qabyaalad u ololeeyo marna Soomaalinimo u hadlo,isma keenayso.
    Soomaaliya waa hal qowmiyad ,Ethiopia waa in 80 qowmiyadood yessn dhicin intaa ka hilmaamin,qaranimada iyo dowladnimada Soomaaliya ALLAHA dhowro,shacabka ha ilaashadaan geyigooda.

  6. Caqliga saxan waxuu inoo sheegaya hadaad dhimanayso dhareeka waa la iska duwa. Dhabacan Kenya iyo Ethiopia coladin toodu dani inogu majirto haadan Somali nahay. Hase ahaatee Somalidu duud dulmiqaado maleedahay? Jawaabtu waa maya. 600 boqol oo sano ka hor. Ethiopia waxayno kula dirinay canshuur baan xoog idin kaga qaadaya iyo kaa yeeli mayno. Markaas Ethiopia Waxay ku xisaab tamaysay boqortooyadi Portugueseka oo ayadu dunida ugu xoogbadnayd. Waynu iska dhicinay ayada iyo Portuguesekiiba. Maalintaasi Somaali badani waxay kutalisay in Ethiopia canshuur la siiyo loona gumoobo.laakin Moryaantan moryaanti dhashay ayaa diiday. Marku Ahmed Gurey calankii qabtay Somaalidu wayadi cudud usheegatay caawiyoo Portuguese iyo cadowgi Ethiopia. Oo ciideedu calfatay dhamaanti. Waxaan tarikhdan usoo qatay ma ahan in aan aamiin sanahay in an Kenya ama Ethiopia la maago. Ama aan ku riyoono in aan udhigano awood ahaan. Laba mid bo waa qalad In Ethiopia iyo laga cabsado waa ceeb in la Cadowsado caqligaa diidayo in laga cabsadana waa ceeb. Marka Somali waxaa uwanaagsan in ay is wafajiso labadan mahmaaho.
    1.hadaad dhimaneeyso dhareerka waa la iska duwa.
    2 dantaadu maqaar ayba login seexda.

  7. Hassan Shiekh, waxaa lagaa sugaa (Heyada ialaalada xuduudada Somaliyeed)
    (Heyada warqadaha aqoonsiga shacabka Somaliyeed)

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*