Wararkii ugu dambeeyay ee magacaabista Golaha Wasiirada XFS, & Roobow

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda ku dhawaaqo Golaha Wasiirada cusub ee dalka.

Goobjoogayaal ku sugan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa kusoo warramaya in inta badan xubnaha ku jira liiska Golaha Wasiirada Ra’iisul Wasaare Xamze Aar, oo xalay la wargeliyay ay ku sugan yihiin dhismaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

“Munaasabad kooban oo dhacaysa salaada duhurnimo kadib ayaa lagu shaacin doona Golaha Wasiirada cusub, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu isbedel ku sameeyay dhismaha Xukuumadda, waxaa lagu soo kooban 25 Wasaaradood, halka ay horey u ahaayeen 26 Wasaaradood” ayuu yiri mid kamid ah howlwadeenada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay Puntlandtimes.

Wararka ayaa sheegay in burburiyay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka XFS, iyadoo lagu soo daray Wasaarad cusub oo ah “Wasaaradda Bay’ada & Isbedelka Cimilada”.

Golaha Wasiirada cusub ee lagu dhawaaqayo maanta ayaa la sheegay inuu kasoo dhex muuqan doono Sheekh Mukhtaar Roobow, oo noqonaya oo loo magacaabi doono ‘Wasiirka Diinta, Awqaafta iyo la-dagaallanka fikirka Xagjirka ah”.

PUNTLAND TIMES 

11 Comments

  1. Hadii axmad madoobe madaxweyne yahay maxaa roobow wasiir udiiday.

    Shariifka ayaa hore madaxweyne u noqday, karateena waa madaxweynaha GALMUDUG ee mustaqbalka

  2. Rooblow waxaa daraadiis ay u dileen xulufadii Ethiopia iyo Eritrea Fahad Yasiin iyo Farmaajo dad ka badan 25 qof kuwaas oo ahaa taageerayaashii Mr Roobow

    Haddii hadda laga dhigo soo hanuuniye dadkuu qaldey, waan soo dhaqeynaynaa haddaan nahay shacabka kala hoostago Dowladaha Xortaa ee GEESKA Africa.

  3. Waa cadaalad daro in xabsiga lagu sii haayo
    Hassan daahir aweys oo la mid ahaa roobow/ axmed madoobe / sheekh shariif kkkkk

  4. Madaxweynaha somalia xasan sheikh Maxamud ahna Rasalwasaraha somalia ahna taliyaha ciidanka qalabka sida mardhow kudhawaaqi golahiisa wasiirada asaga oo istcimalidoona timbaraha xamsa barre

  5. Kooxdan cayaalka beenta usheegtay kadibna kasoo fakatay ee MUQDISHO jiijiifa, xabsi/guri amaba xil haya sababta reer galbeedka dawlada ugu gacan geliyeen uguna durbaan tumayaan Nileka masar baan badbaadinaynaa waa mashruuc lagu badbaadinayo ETHIOPIA.

    Sidii dhacday 1991 markii la arkay in MINGISTE dhici rabo waxaa loo furay wadahadalo isaga iyo mucaradkii, waxaana la dardar geliyay dagaaladii Somalia waxaana lagusoo biiriyay ina cumar jees.

    Waxaana laga cararayay Somalia oo dawladi ka jirto in ETHIOPIA dawlad la’aato. Hada ETHIOPIA dagaalada ka socda haday MARYOOLEY ku biirto waxaa sahlanaanaya in xabashida la mideeyo axamaaro ama tigreana xukunka lagu soo celiyo.

    MARYOOLEY garan wayday iska daawada cayaaraha socda, waxay ila tahay in malageed galay!!!

  6. Wasiirka bateoolka iyo qaraadka
    Waxbarshada caafimaadka gudaha qorsheenta iyo dastuurka wadanka hawiye Iska leh

  7. Waddan burbur kasoo kabmaya waxaa markahore loodhisaa nadaam sugan oo ka unkan qaddiyad waddaniyadeed oo loodhanyahay oo laguna wada dhanyahay, dustuur laga soohay oo dhammaystiran, huwaabaha iyo hay’adaha aasaasiga ah, iyo manhaj dowladeed oo intaas oo dhan salka kuhaya.

    Soomaaliyase, maadaama aysan rugta noocaas ah saldhignayn, waxay noqotay dal ska qabyo ah ee marba ninka madaxweynaha ka noqda uu sida maankiisa iyo maaggiisa waafaqsan wax iskugu dhoodhoobanayo inta uu kan siixiga waxaba cagta marin doono oo wax kasii duwan isaguna dhoodhooban doono. Waxba kaga ma duwana goobcayaareedka carruurtu marba si ugu falaaddo.

    Mukhtaar Roobow way saxsantahay in khibraddiisa laga faa’iideysto, laakiin waa shakhsi keli ah ee aysan habboonayn in waszaaraddaas muhiimka ah kaabbe loogadhigo. Waxaa saxsanaa in markahore lamagacaabo Gole Qaran oo Culimada Salafka ah laga askumay oo deeto isaga iyo wixii kale ee toobad keenayba lagu biirinayo.

    Golahaas ayuuna waajibku ahaa in ay wazaaraddan iyada ah wada shaqeeyaan oo talada wadaagaan. Waxaa qorshaha noocan lagadheefi lahaa in aanu shakhsi mise labo u helin awood ay keli ahaantood arrimaha awqaafta iyo diiniga ugu takrifalaan, balse ay noqoto hawl si jamaaci ah oo miizaaman loofulinayo. Khilaafyadana si sahlan baa looxallin kari lahaa oo wayna dhinmi lahaayeen asalkaba.

    Laakiin meeshu waa Soomaaliya oo waxwalba waa iska ‘Upside Down’ aan madaxa iyo manjaha la kala garanayn. Kasooqaada qoys aroos ah ee iskugu maran sida loolabbisayo ilmo aan uurkaba galin.

  8. Sababta gundhigga ah ee aan kutalinayo in Gole Culimo ah (Majlisu Shuuraa) ladhiso ayaa salka kuhaysa mushkiladda aalaaba kadhalata firqadaha muslimiinta kudhex baaahay ee ay culimaduna aqlabiyaddoodu ku kala qaybsanyihiin.

    Haddii ay Soomaaliya iskuhesho Gole Culimada Salafka ah ka unkan (Majlisu Shuuraa) iyo wazaaradda Diinta iyo Awqaafta, waxaa meesha ka baxaya labo khatarood oo kala ah:

    (i) In kan keligii kaabbaha ka ah uu koox isaga laxulufaysan boosaaska kucamirto oo sida waafaqsan falsafadda firqada ay taabacsanyihiinna fadwooyinka kusaleeyaan oo buuq iyo xasarad xooggan iyo caddaalad xumaba kadhashaan.

    (ii) In kan kaabbaha ah ay dowladdu mise dowlado iyo xarakado shisheeyeba duufsadaan oo lagu daneysto, awoodda xilkiisana si qaldan u adeegsado oo uguna takrifalo, sidaasna diinta iyo dalkaba ku laqmiyo. Si sahlan ayayna u dhacdaa tanu.

    Waxaase laga faa’iidayaa in fadwooyinku noqdaan kuwo miizaaman oo Shareecadana ama toos ugu saleysan amase kudhow. Intaas oo maskaxood oo intaas oo firqadood kala taabacsan marka ay isku biiraan waxaa kasoo maaxaya fadwado qayim ah oo miizaaman. Waxayna Soomaaliya waddamada kale ee muslimka ah u noqon lahayd tusaale lagaga daydo oo maqaamkeeda sare u qaadi lahaa.

    Allaahu Aclam.

  9. Maasha Allah

    Waataa duushay Dawladayadii uu hayinka u hayey Hogaamiye Mudane Madaxweyne Xassan Shiekh Maxamuud.

    Somalia 🇸🇴 Dadka ku nool waa laba nooc oo kala ah

    1 – Dawlad Dhise kadibna si nabad ah xukunka ku wareejiyo iyo
    2 – Dawlad ku nool Dictator, Hanti Boobe, Kursi kama fuqe, Fulay Daan daansi badan, Cabdi bile, Qabyaaladiiste, Xaaraan ku naax, Shaar Dawlad Dadka ku xasuuqa, Raq kama kace, Xadka iyo Xawaaraha ugu Dambayn Xero Qaxooti !!

  10. xaarsaaqii magacyada badnaa baa halkaas iiga muuqda. maxaa idinka dan ah oo idiinku jira somalia ku ekaada xeradiina xaargeysa. no more snm.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*