Xasan Sheekh “Dowladdaan waxaa u degsan labo siyaasadood oo ka dhan ah argagixisada”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku adkeeyey hirgelinta, horumarinta iyo ilaalinta shuruucda dalka si ay tusaale wanaagsan ugu noqdaan bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladdan cusub ee uu hoggaamiyo ay xoogga saareyso labo istiraatiijiyadood oo lagula dagaallamayo argagixisada, si looga ciribtiro guud ahaan dalkeenna, taas oo ay laf-dhabar u yihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhammaan Ciidamada Qalabka Sida.

“Dowladdaan cusub waxaa u degsan labo siyaasadood oo ay argagixisada kula dagaallameyso, waxaan rabnaa in aan kula dagaallanno hab fikri ah, diiniyan ah, waddaniyad ah oo aan dadka Soomaaliyeed ku tusineyno beenta ay wadaan argagixisada. Sidoo kale waxaan rabnaa in aan kala dagaallanno ilaha ay ka helaan dhaqaalaha, annagoo hab sharciya u mareyno, dadka Soomaaliyeedna ku qancineynno in aan la aqbaleynin in ay argagixisada dhaqaale siiyaan”

Madaxweynaha oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliska shaqada wanaagsan ay u hayan Qarankooda, isagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, sharciyadda booliska, hannaanka shaqo ee Taliska Booliska, baahiyaha Ciidamada, caqabadaha ka haysta qalabka ay ku shaqeeyaan iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

“Dowladdu waxaa ahmiyad gaar ah siineysaa horumarinta shuruuc ciidamada dalka si loo helo sharciyo la jaanqaadi kara hababka casriga ah ee ay waqtigan u shaqeeyaan hay’adaha ammaanka ee caalamka, taas oo fududeyneysa xaqiijinta hadafka guud ee ilaalinta amniga dalka. Ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay hormuud u noqdaan ilaalinta shuruucda ciidamada, dhaqan-gelinta xeerarka guud ee dalka, dhowrista sharafta, karaamada iyo xorriyada muwaadiniinta Soomaaliyeed xilliyada shaqada Qaranka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah la qaatay Taliska guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Talisyada hoggaannada, Taliyeyaasha ciidamada gaarka ah iyo Taliska qeybta guud ee Booliiska Gobolka Benaadir ayaa ku adkeeyey in ay xoojiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu muhiimadda ay dowladdu siineyso qorshaha ku saleysan xoojinta wadashqeynta shacabka iyo hay’adaha dowladda ee ay booliska ugu horreeyaan.

 

PUNTLAND TIMES 

12 Comments

  1. Hadal been ah looma baahna. Isagaaba xilal ku taxaya Alshabaab. Wuu u jeedaa guuxa shacabka, ilaa iyo hadda ma uusan ka hadal arinta Mukhtar Roboow. If asked how Mukhtar Robow got that position, what will Hassan Sheikh’s answer be, that he is not the Prime minister? F*ck Off. Is he even Hassan Sheikh? I think it is time we turn our attention to Deep Fake technology and people need to be told the possibility that’s not their President.

  2. Are we to expect a statement condemning the vicious Israeli aggression against our Palestinian brethren, Mr. “President”?

    It didn’t take you long to interfere in the Nile and Taiwanese conflicts, after all; it surely shouldn’t be too hard to condemn Tel Aviv too, is it?

  3. Asc

    Ilaa sida General Xijaar, taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed looga amar qaato Garoowe, Hargeysa, Kismaanyo iyo Baydhabo sida Muqdisho loogaga amar qaato..

    Ma jireyso

    – Kala dambeeyn.
    – Wada-shaqeeyn.
    – Istiraajiyad middeysan oo ku aadan nabad-diidka.
    – Kalsooni booliska ama laamaha amnnigga dhexdooda ah.
    – Macluumaadka oo la wadaago.
    – Howl-gallo wadajir ah.
    – Aaminaad, daacadnimo iyo naf-hurrnimmo.
    …..etc

    WAA IN LOO MIDOOWBO DAGAALKA !

    NABAD LA’AANTUNA WAA FIDAA SIDA CUDURKA OO KALE.

  4. Hassan Shiekh, Dowlada federalka haloo sheego, laba arin oo dowlada ey ku hirgasho. Dalka Somaliyeed xuduudadiisa waa muqadas.

    1- Heyada ilaalada xududada federaalka Somaliyeed!
    2- Heyada ilaalada warqadaha aqoonsiga Soomaliyeed!
    3- Heyada daryeelka bulshada!

    sadedaan heyadood ee Somaliyeed waxaa looga fadhiyaa ninka la yiraahdo Xassan Shiekh inuu hirgasho. sidee heyadaahaan loo hirgaliyaa, Hassan Shiekh waa inuu la fadhiisto lana shaqeeyo Dowlad gaboleedyada federaalka Somaliyeed.

    Gudiga hirgalinta hayadaan kor ku xusan weeye inuu hirgashaa Madaxweynaha dalka Somaliyeed.

    Xassan Shiekh waa inuu ka baxaa isdba wareega, qabyaalada, unukasaleh waxaas ma shaqeynayso ee ha ogaado.

    Dowlada federaalka waa dowlad goboleedyada. ma ahan magaalada muqdisho iyo inu la tuugsado shisheeye Eurpe iyo caalmaka u badan. Xasaasan shiekhoow ka kac hurdada iyo jaha awreerka, waxaad noolaan waqti aad u yar. ee huradad iyo iska daba wareega ka bax. Somaliyeed waa wadan aad u weyn waxaa uu ka kooban yahey 18 gobol iyo gobolo kale oo maqan kuna maqan siyaasad iyo dowladaha dariska la ah dalkeega Xassan shiekhoow ogow inaad hadii aduunka dhan lagu siiyo inaadan hanan neynin meelna gaari meysid, dalka Somaliyeed waa wadan buuxa macdan iyo shacab wanaagsan oo hal beel ah beesha waa Soomaliyeed.

  5. Hassan Shiekh iyo Baarlamaanka fadiguusu yahey looma baahna inaad riyootaan kuna riyootaan dollar aydaan laheyn.

    Dalka Somaliyeed waxuu leeyahey wax ka badan dollar.

  6. Garaad laawe gurguurte tusaalaha iyo wax fiican aan adigu ku dhaqmin yaad ka sugeysaa in ay ku dhaqanto
    Askar baahan mise askartii reerka ee ciyaal weero kkkk

    Malaha dameer hadii hadal loo ogolaani lahaa wuu kaa figrad fiicnaani lahaa
    FOR SURE YOU IDIOT
    Dhiiro gelintaada ma
    sidaan baa…

    “Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku adkeeyey hirgelinta, horumarinta iyo ilaalinta shuruucda dalka si ay tusaale wanaagsan ugu noqdaan bulshada Soomaaliyeed.”

    DULLIYAHOOW AAQIRO GODKA AAD SOOMAALIYA KU RIDAY IYADOO NAAT AH AYAAN KUU RAJEYNAYAA

  7. @@@yuusufjama,

    Saaxiib, taladaadu waa dalku markale ha noqdo dowlad askariyeed (police state mise military dictatorship), waana ayaandarro weyn runtii.

    Dalkan wuxuu baahi xun u qabaa sidan hoose.

    – Hiraal salka kuhaya dowlad-wanaag dhab ah, waxsoosaar baahsan, dhaqaale sugan, iyo himilooyin muuqda.

    – Abuuridda fursadaha nololeed oo ay kow ka yihiin shaqo-abuurka iyo xarumaha tacliiminta dadka da’doodu kor u dhaaftay waxbarashada caadiga ah.

    – Nadaamka dowliga oo heerka dowlado goboleedyada dib looga dhiso oo doorashaduna halkaas kasoo hirgasho, inta beenbeenta iyo khiyaanada Xamar lagu dhoodhoobayo ee la eeday lasoo afjaro.

    – Dalka oo waxsoosaarkiisa iyo dhaqaalahiisa waddamada Turkiye, Qatar, iyo Kuwait loo gacangeliyo oo ay muddo 30 sanadood oo dambe abbaaniyaan oo maalgaliyaan.

    More guns and more boots are never the answer to this country’s woes. The real solution is a grand economic vision based on productivity driven by mass employment and vocational training opportunities.

    Soomaaliya waxay baahi xun u qabtaa waddamo ay qummaati ugu tiirsato oo taakeeya, waana saddexdaas aan magacaabay. Hannaanka dowladnimona waa in dib looga soo dhisaa degaannada iyo dowladahooda goboleed. Awal buu qalad xun ahaa in caasimadda waxwalba la iskugu geeyo oo khayaal iyo khiyaano dadka lagu maaweeliyo.

    Xamar way fashilantay, ciidamo tirada ka badanna xal ma aha e waa halaag iyo ragaad hor leh.

    • Asc

      Waan fahamay, mana diidani in la xoojiyo arrimaha federaalka.
      Laakiin waa in uu jiro ciidan boolis oo federal ah oo dalka oo dhan ka howl-geli kara !.
      Taas ba sahleeysa Istiraajiyad mideeysan oo lagu wajaho nabad-diidka.

      ISKU MEEL BAAN WAX U WADNAA

  8. Somalia.
    The president is charged with great power and responsibilities,although the constitution is still not fully completed.
    The most imperative act to accomplish is to protect the Independence,Sovereignty and Territorial integrity of Somalia.
    We have as other Nation in World are,Somali interest comes first in every relationship we have to foreign countries around the world.
    Ethiopia, Kenya or United Arab Emirates can not dictate the Somali internal or international affairs,that who were are,although there were some individuals,some in the federal government,some leaders in the regional administration,but majority of Somali are against any form of interference in the internal affairs of Somalia.
    Ethiopia is not strong enough to harm Somalia ,even today if Somalia is United.
    Somalia can easily defeat the savage terrorist group of al shabaab if they fight real war against the terrorist organization
    I believe its absolutely wrong,to add the new cabinet of Somalia the second in command to the terrorist al shabaab Mr Muqtar Robow.
    Somalia government and people should fight to eliminate once and for all ,the terrorist and their ideology.
    United WE STAND.

    The president is the commander in chief of the Somali army forces.

  9. Waxaad moodaa qorshihii sadex geesoodka, Somalia, Sudan iyo Egypt in durbaba la bilaabay. I have never seen Somalia behaving this way since the collapse of The Central Government of Somalia. Why now? Because Ethiopia’s mistake was to come after Somalia’s Sea when they already had 40% of Somali Lands. The other 10% Somalia is missing is with Kenya. Somalia will never go after Kenya because both people in both countries are fine with each other.

    Anyways, Ethiopian Intelligent was misled because they thought Somalia was Dead. The truth is Somalia was never Dead. They were only busy with each other coming up with a plan to coexist with each other peacefully. But now, they are after Ethiopia for Vengeance. Somalia changes its Neutral attitude about the Nile River conflict. This will be a bad End for Ethiopia, a very bad end according to my common sense.

    Instead of Ethiopia acting like RAMBO by sending their Generals to the Regional Leaders of Somalia and inviting them back to Ethiopia, they need to bow down to Somalia and negotiate a way out of this situation so that they may focus on their boiling Internal situation. What does Ethiopia have, Tanks, and view fighter jets? Somalia will be given, Anti-Tanks, and it will be over for Ethiopia. If they try to arm and create conflict within Somalia as they are doing it now, we will just take what they are giving us and turn it on them, Fact! Again, this is the time Ethiopia needs to bow down to Somalia if they have any Intelligence left in them.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*