Xildhibaan Baduugaaye oo ku geeryooday Garoowe

Allaha u naxariistee Xildhibaan hore, Jeneraal Cabdicasiis Siciid Gacamay (Baduugaaye) ayaa xalay ku geeryoodey caasimadda Puntland ee Garoowe.

Xildhibaan Baduugaaye ayaa u geeryooday xanuun hayay maalmihii u dambeeyay, sida ay sheegeen eheladiisa.

Jeneraal Cabdicasiis Siciid Gacamay (Baduugaaye), oo dawladihii hore ee Puntland kasoo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, iyo Wasiir kuxigeenka Amniga ayaa kamid ahaa 8 Xildhibaan oo lagala laabtay xasaanada kamid ahaanshaha Baarlamaanka Puntland, sannadkii 2020kii.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayuu Wasiir kuxigeenka Amniga Puntland, Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan kaga tacsiyeeyay geerida AUN marxuum Cabdicasiis Baduugaaye, isagoo sheegay inuu u soo shaqeeyay shacabka Puntland.

“Alle ha u naxariisto Xildhibaan hore, Jeneraal Cabdicasiis Siciid Gacamay Baduugaaye oo goordhaweyd ku geeryoodey magaalada Garoowe
Wuxuu soo noqday xildhibaan Taliyaha Booliiska Puntland & Wasiir kuxigeen Wasaarda Amniga Puntland wuxuu ahaa oday usoo shaqeeyay dadka reer Puntland.”

PUNTLAND TIMES 

1 Comment

  1. Jeneraal Allah ha u naxariisto wuxuu aha xaq ka hadleen shacabkaan dhibaataysan ee ku habsatay iyo gaajada la liita iyo dekadaan carabtaan haysto wax ka qabow sides u oran Martin dalka wax ka qabo. Xasaanada waa lakal noqday baxa madaxwene saciid dani meesha wuxuu ka dhigay guri u leeyahay dad baa xaqdarada ku taageeraya ilaahay waxaan uga baryayaa murxuumka janada ka waraabiya eheldiisana samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin.

Comments are closed.