Xildhibaan Sahra Bundubte “Punland ayaa kaga horraysay xisbiyada qabiileysan Somaliland”

Xildhibaan Sahra Cabdullaahi Bundubte, oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS ee laga soo doorto deegaannada Puntland ayaa weerar afka ah ku qaaday qaab dhismeed Dawlad Gobaleedka Puntland.

Xildhibaan Sahra oo ka jawaabaysay hadalkii Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ee ahaa in aysan Reer Puntland ku dayan hannaanka axsaabta badan ee Somaliland, ayaa sheegtay in Puntland ay ku dhisan tahay TAREYSI.

Waxay Tusaale u soo qaadatay doorashadii Puntland ee dhacday 2014kii, oo uu kusoo baxay Cabdiweli Gaas, iyadoo xustay in Gaas uu xilligaas aaminsanaa in uu xaq u leeyahay inuu ku fariisto kursiga Madaxweynaha, maadama Taraha beeshiisa ay laheyd.

“Madaxweynihii hore ee Puntland – Gaas- wuu ku mahadsan yahay in uu uga digey Puntland in ay ku dayato xisbiyada ka jira Somaliland ee ah saddex xisbi oo ku salaysan qabiilo, halka uu ilaaway isagu in uu Madaxweynaha Puntland kaga tartamay reer ahaan uu aaminsanaa in uu xaq u lahaa 2014 Taraha Dowladda Puntland ku dhisan tahay.

Xildhibaan Sahra Bundubte ayaa ku baaqday in dib loogu laabto hannaankii lagu dhisay Puntland sannadkii 1998dii.

“Waxa xusid mudan in Punland kaga horraysay xisbiyada qabiileysan ee maamulka Somaliland, halka Punland loo yaqaan TARO xaq loo leeyahay. Dib ha loogu noqdo 1998 wixii la dhisay.”

PUNTLAND TIMES 

31 Comments

  1. Gabadhan malaha waa beelaha laga tirada badan yahay ee Puntland oo
    loo yaqaan “qanjirrada” amaba “kurtumaha”.

    Haddii ay ahaan laheyd gabadh ku ab tirsata Irir Samaale, sidan
    uma calool xumaateen, lama dhaxal seejiyeen.

    • Yaa kale, I can’t Puntland marka ay one person one vote la gaarsiiyo oo uu MS ku yeesho 20 seats ama ka badan maxay sheegi doonaan.

  2. Waar habartan Ma kuwa ku ciilanbaa maamulka Gadhoowe, waa kuwa Yaryarka ah ee malaa Ay qarameeyeen ee siday doonaan ka yeelaan Looma Ooyaan,

    Eedo somaliland haku dhererin Maamul xaafadeed Reer xaadhxaadhay waa kugu ceeb inaad in waxaan isuba dhaweyn isku lifaaqdo,

    • Bansheege
      Ma kula tahay, haddii Somaliland tahay maamul xaafadeed ciidanka Puntland eryan lahed baxsaad? استحي

  3. @Rusheeg,

    Haweenka xataa ma isugu habarwacanaysaan oo ku yoomaysaan, idinka oo “raganimo” sheeganaya? Miyaydaan waxba xeerinnin oo wax idin xakameeya lahayn sidiinnaba? Cajiib!

    Waxaadna sidiinnii afkaaga iskugu xidhay sidan aan soo naqliyay.

    “Eedo somaliland haku dhererin Maamul xaafadeed Reer xaadhxaadhay waa kugu ceeb inaad in waxaan isuba dhaweyn isku lifaaqdo,”

    Soomaaliya oo dhan – min Lowyacaddo ilaa Libooye – ayaa wada ah maamullo ay kala leeyihiin reero degaannadooda katalinaya maadaama uu dalku burburay oo aanu jirin qaran reeraha Soomaaliyeed guudka iskaga wada haya.

    Aniguna runtii taas ceeb uma arko e waa wax dunida caadi ka ah. Faanka iyo faataa bakhda naga daaya SNMistan.

    Waxaan anigu ku doodayaa in Puntland iyo Soomaali oo dhan aysan wax baahi ah u qabin nadaamyada qalaad ee la inagu dirqinayo – sida “dimuqraadiyadda” Galbeediga ee “axzaabta badan” kudhisan. Sabab?

    Nadaamka Galbeedigu waa mid loogu talaggalay, ku habboon oo kana shaqeeya waddamada ka unkan bulshoweyn aan is ahayn ee kala isir iyo hayb ah; kala diin iyo millado ah; kala hiddo iyo dhaqamo duwan; oo kala midab ah.

    Soomaalidu tilmaamahaas oo dhan ma qabanayaan maadaama ay cagsigooda tahay. Waa bulsho sikasta isu ah oo dhankastana iska ah.

    Sidaas ajligii, anigu ma arko sabab hadda nagu laazimaysa in haddeer heeryo iyo nadaamyo aan ina gayin oo aan ina deeqi karin la inoo huwiyo, annaga oo leh oo dibna iskugu dhaqi karna nadaamkeennii sooyaaleed ee dhaxalka inoo ahaa intii aanu isticmaarkii baas naga dhabqinin.

    Soomaalinimo salka kuhaysa Islaamnimada ayaa ina deeqda. Waxaynu noqonnay libaaxyo ay daanyeerro marba xero u dareerinayaan idaha sidooda.

  4. Gabadhu waa dhulbahante

    War wxn inagaad Oo soo daa warka ah in Military ga Somaliland Republic maanta qabsaday boocame Oo hadeerna dhaafay Oo tuulooyin badan cagtasii marshay tuulada Garowe na hadeer u jira wax ka yadh 30 km

    Kkkkkkkkk

  5. Inantu been ma sheegin
    Puntland waa maamul beeled ay ku kaltamaan Jufada Maxamuud saleman

    Meesha Somaliland ay tahey halka meel ee Dalalka Xortaa oo uu shacabku codeeyo

    Daruuri maaahan inaan ogaano qofkuu u codeeyay codeeyahu, waxaa muhiim ah inuu
    ” Qofku awood u leeyahay inuu codkiisa siiyo Qofkuu doono”

    Dhankeena Somalia waxaa codeeyo xildhibaano lagu keenay 4.5 ay Ethiopia nooga soo minguuriyeen kuwo aan ka maarmin hoos jooga Cadowga madow

    Si kastaba inantu waxay ka hadashey in KALTAN iyo Tartan kala nuuc yahiin.

  6. Sidoo kale waxay xildhibaanaddu ogtahey inuu Barasaab Gaas ahaa ninkii yiri
    Faataxo kuma imaaneyso Sool inuu maanta ka soo dhex hadlo hotelkuu ka dhistey Dhulka Kenya asagoo ka dhisankaro xaafaddiisa Galkacyo waa arin mudan Jawaab celin.

    Xildhibaanaddu waxay ogtahey xog badan
    oo ku saabsan Somaliland iyo Puntland markey noqdaan Nabadda iyo nolosha shacabka Sool.

  7. Caqiidada iyo dhaqanka kasokow, sababtoo keliya ee aanu nadaamkan lagu khafiifay ee axzaabta badan Soomaalida uga dhex shaqeyn karaynin ayaan idiin ogahay oo waana tan.

    Xizbi kasta wuxuu xaq dustuuri ah uyeeshaa in uu seejo iyo degmo kasta ee dalka ka tirsan u xulo qofkii xildhibaanka u noqon lahaa ee doorashadana uugu tartami lahaa.

    Mathalan, qofka Wajaaleda Galbeed xildhibaanka u noqon lahaa ayaa wuxuu xizbigu u xulayaa qof asal ahaan Garbahaarrey kasoojeeda; mise kii Cadaado xildhibaan ka noqon lahaa ayaa waxaa looga keenayaa Boosaaso; amase kii Berbera xildhibaanka ka noqon lahaa ayaa waxaa looga soo xulayaa Baydhabo.

    Miyay idin latahay in ay Soomaalidu nadaam noocan ah aqbali karto?

    Midda kale, nadaamkan axzaabta badan wuxuu ka dhaqangalaa waddan ay bulshadiisu isu furantahay ee aan xuduudo rasmi ah kala lahayn – xataa haddii uu federaali yahay. Taasu macnaheedu waxaa weeye in xizbi kastaa uu ka hawlgali karo dalka daafahiisa kala duwan. Nadaamka federaalka ee Soomaaliya hadda ka jira ma aha mid saamaxi kara in ay taasu suurowdo.

    Haddaba, waxay su’aali ka taagantahay, ma dowlad goboleed kasta ee dalka ka jirta ayaa yeelanaysa axzaab siyaasadeed oo badan oo haddana kala duwan oo xuduudaheeda uun ku kooban? Imisa axzaab siyaasadeed ayay markaasi isku wada noqonayaan dalka oo dhan?

    Marka ay baarlamaanka federaalka iskgu tagaanse, sidee bay intaas oo axzaab kala duwan ah ee dowladaha kasoo kala jeeda ugu heshiin doonaan arrimaha dowliga ee laga doodi doono? Sidee la isu afgaradsiin karaa? Maadaama ay wuxu Soomaali yihiinna sow waallidii ugu xumayd kama dhalan doonteen?

  8. @iidoor = Somaliland,
    Iidoorku ii dooridii inanta weeyaane, weligeedba lama arag Isaaq nimuu dhaloo aabbe leeyahaye.

    Waxaan la yaabaa markaan arko dabacayuunkii iidoor oo dad u faanaya intuu fagaare dadka hor yimaado, waar tani waa adduunyo geddoon.

    Xisbiyada Somaliland:
    Kulmiye waa habar-awal
    Ucid waa ciidogale
    Waddani waa habar-yoonistii gobta ahaan jirtey ee hadda looma ooyaanka noqotay ee afka-gob (habar-awal) gumaysato.
    Kaah waa habar xabuusheed oo ah habar-jeclo ( gun ) iyo kurtumo sida cimraan ceel laga helay iyo wax la mida.
    Arab daaman dhagaxna xisbigii waa loo diiday waayo waxay dheheen habruhu waxaa tahay looma ooyaan looma aaran tiro yar.
    Hadaan edeb darada la dayn waxaan soo fagayaa ceebaha iidoorku duugan.
    Aamus mr dabacayuun.

  9. Xildhibaan Sahra Cabdullahi.
    Waxa ay ka hadashay,waa war xaqiiqa ah shaki kuma jiro,in ay ka run sheeg badantahay.
    kuwo qabyaalado madax martay.
    Puntland tan iyo 1998 kii marna wax nidaam xor ah,oo loo simanyahay oo lago doorto,madax
    maamulka Puntland ama madaxwaynaha Puntland marna ma dhicin.
    Doorasho xisbiyada siyaasada in la sameeyo,ma aha wax dhib badan,laakiin kooxo,ama dad dano gaara leh,baa hortaagan.
    Maamulka la baxay,Somaliland xisbiyo sax ah,kama jiraan,ee waxaa ka jira seddex xisbi oo ah kuwo dhisan,nidaam beeleed.
    gulaha guurtiga,ee maamulka la baxay Somaliland waxay meesha joogaan,mudo dheer oo ka 10 sano.
    Marka Soomaali waa isko mid,oo meelwalba waxa ragaadiyey,waa nidaamka beelaha,oo ku dhisan sadbursi iyo wax aan cadaalad inaba ahayn,ee faanka ha la joojiyo.

    • Meel doorasho qof iyo cod ah ka dhacday oo safaf dhaadheer la galay baad barbar higaysaa meel 200 oo la soo xulay wax doorato, waar wixii lagugu dhaamo waa la qiraa adna aad bari gaadhide, ama qabiil haku footeeyo ama qaraabo ama mabda’.
      Ma wada ahana qabiil sida aad moodayso, boqolkiiba 50% baa hab qabiil u footeeya, marka laga tago kan barlamaanka oo 90% qof qabiilkaaga loo footeeyo waxaan keenaya deegaankaaga oo nin reerka iska soo sharaxo, inkasta oo dhawr ilmaadeer ah marmar lakala doorto. Somaliland 20 sanno bay halkaa ka horreysa Somalida kale xataa Djibouti ku dar

  10. xaarsaaq baa ku goobtay gabar ka hadlaysa fikirkeeda (faraanfar, beensheege,caaqwaale, khalid iwm) waqtiyada kalena hawiye ayay u doodaan.. ku ekaada xeradiina xaargeysa… no more snm..

  11. Boontii madheerteen een afka ka dhigi karin jamhuuriyada barakaysan ee dabada qoriga ka galisey🤣🤣🤣🤣🤣🤣

  12. Waar dadku aabbe ayuu ku abtirsadaaye, meeye habrahan raggii ilmaha ka dhalay?
    Habar xabuusheed
    Habar magaadle
    Habar jeclo
    Habar awal
    Habar yoonis
    Habar kuuley

    Garxejid oo keliya ayaa dir u dhashay ayagana sidii reer daami ayaa xero loo ooday oo xukunkii waxaa u diiday habar awal oo markii horeba u dhashay uraago. Waa haddaad iidoor tihiin, anoo og inaad tihiin sheegato meel weyday.

    Habraha Hawiye waxaan sheegi doonaa next time.
    Urur samaale Cigaalkii sameeyeyba wax tariwaa.

  13. Ma Cabdi-Weli “Qnii-niilaa” waxaas la soo shirtagay?!

    Inta aanan dulucda u gelin, waxa aan Puntlan Times ka codsan lahaa in ayna sheeganin xildhibaanada kasoojeeda dawladda aan madaxweynaha u ah ee SSC, waana in ay raalligelin ka bixiyaan.

    Marka aan dulucda u soo noqdo, aniga oo salaamaya xildhibaanadda, halkaas u dhaafimaayo oo waxba ku darimaayo jawaabta ay xildhibaanad Sahra Bundiid siisay Cabdi-Weli niiniile.

    Haddaan mawduucan halkaas uga baxo, waxa aan rabaa in aan yara taabto arrin ay dad badani ka falceliyeen, oo anigana isoo gaadhay, arrintaas oo ku saabsan xukuumadda “Dan Qaran/Bedbaado Qaran” ay u bixiyeen Xamse & Xasan.

    Dad badan baa igu yidhi, “waxa aad ka heshay xukuumadda cusub wasaarad aan jirin oo la yidhaahdo “Wasaaradda Boostada & isgaadhsiisnta”.” Waxa ay dadkaasi ku sababeeyeey in ayna jamhuuridda Soomaaliya lahayn boosto, isla markaana isgaadhsiinta ay shirkado gaar loo leeyahay xukumaan oo maamulaan; sidaa daraadeed, bac-madoow baa la idiin dhiibay. Waxa ay intaas ii raaciyeen, waxaa ka habboonayd in la idiin magacaabo “la-ergeeyaha” abaaraha & masiibooyinka CCShakuur!!!

    Waxa aan, haddaba, dadka xaajadaas iiga tacsiyadeeyey ama ka falceliyey u sheegayaa in hadalkoodu uu gar yahay. Haddaba, aniga oo sidaas u garawsan, ii oggolaada in aan mid yar idiin sheego. Waxa aan idiin sheegayaa in annaga & Xasan aannaan awalba macaan isa siinjirin.

    Haddaan dib idiin xasuusiyo, kalkiisii hore ee uu Xasan madaxweynaha ahaa ee uu maamullada faraha badan dhisayey wuu naga eexday oo weliba nagu jeesjeesay oo dhabalna noo raaciyey. Tanina tii uunbay daba socotaa ee wax dheeriya Xasan ma samayn.

    Iyada oo ay haddaba intaasiba jiraan, haddana waxa aan taagerayaa (aniga oo ah madaxweynaha dawladda SSC) in xukuumadda sideeda lagu ansixiyo oo aysan baarlamaanku ka h0r imaanin. Waxa aan mawqifkaas u qaatay baan idiin sheegayaa jaallayaal:

    Waxaa madaxweyne Xasan & kooxdiisa iiga muuqda oo durtaba ku hareeraysan “fashil” farabadan, marka yuusan marmarsiinyo idiinkaga dhigan in aad xukuumaddiisa hor istaagteen iyada oo aan waxba dhaqaajin. Si dhakhsa ah bay u fashilmaysaa, oo meel gaadhimayso, sida la saadaalinayo oo iiga muuqata ee ka hor leexda. Waa aragtida aan qabo.

    Gunaanadkii, waan hanbalyaynayaa xildhibaanad Sahra Bundiid & kafalcelinta hadalkii niicda ahaa ee uu Cabdi-weli niiniile ku hadaaqay. Waxa aadna xasuusataa in aad tahay xildhibaanad ka soo jeedda dawladda aan madaxweynaha u ahay ee mandaqadda SSC.Ku darsada oo, waa in aad ansixisaan xukuumadda la soo dhisay. Wbt

  14. Kkk somalidu wey wareersan yihihiin dhamaantood. Xaqiiqada dhabta ah ma rabaan in ay wajahaan. Ma rabaan in ay yaqiinsadaan in ay isku laayeen oo isku Kala takooreen oo isku Kala qaybiyeen oo isku naceen qabiilo iyo jifooyin.

    Cudurka ku haya marka aad garatid ayaad raadin kadhaa dawadiisa.

    Cudurka somali haysta waa qabyaalad oo waxa Kaliya ee lagu daweyn Karo waa wado qabyaaladeed.

    Maamul beeleedyada hala dhiso oo xididada haloo mudo oo hala xoojiyo oo hala iimaansado…. si looga baxo qarowga lagu jiro.
    Xaqiiqada jidha ee qabyaalada salka ku haysa hala abaaro oo Darbi cidla ah yaan madaxa lala dhicin oo lagu mashquulin. Wax kasta halagu xaliyo oo halagu dhiso qayaalad.

    Ama federal ha noqoto ama puntland iyo somaliland iyo kuwa kale ha noqdaan…. waxay dhamaantood ku dhisan yihiin oo salka ku hayaan qabyaalad iyo qabiilo… laakiin waxay somali isku maaweelisaa in arinku sidaas ahayn ama si ka fiican la heli karo.

    Xisbiyada badan waxay horseedayaan in la helo waji cusub oo laysku maaweeliyo 30ka Sano ee soo socda oo layskaga indho tiro xaqiiqada dhabta ah ee salka ku haysa qabyaalada.

    Waxaan aaminsanahay in aysan qabyaaladu xumayn .. hadii la yaqiinsado… oo laysku dhaqo, oo laysku ixtiraamo, oo wax lagu wadaago.

    Inteenaan halkaan soo booqata naguma jiro Hal saqsi oo xaqiiqo ahaan aaminsan ama ku kalsoon 100%… in uu ku noolaan Karo… oo wax ka qabsan Karo ama wax ka noqon Karo… ama ku badbaadi Karo… gayi ka baxsan gayiga beeshiisa…. Kama hadlayo booqashada ah ku dhufo oo ka carar ee lagu tago gayi kale ee aad ka tirsanayn… ama IDP-nimada dantu kugu kalifi kadho.

    The building blocks of our nation is clanism…. as it was for millenniums ago. We should stop fooling ourselves and acting as if we are from Jupiter.. and smell the fresh camel milk. Back to our basic building blocks. We can never be what we weren’t and never ment to be. And that is what is confusing us all.

  15. @Hillaac ( aka Jaamac Xasan Khaliif),
    Wax badan ayaad Xamar ku noqnoqonaysay si aad mar uun wasiir u hesho. Maxaa cabashada keenay inagoo og inaan weligeed SSC la siin wasiir A ama B ah, haddana ayna sugayn.

    Dantaadii gaartaye cabashada daa.

  16. Khaatumo sheego ama SNM, jamhuuriyadda Soomaaliya ee taxan min Lawyacaddo illaa Liboye waxaa madaxweyne u ah Xasan Sheekh, inta kale oo aan ku jiro waxa aannu horjoogayaal u nahay xaafadahayaga.

    Marka intaas laga yimaaddo, illaa horraantii 1991, Soomaaliya waxa ay ku jirtay (-Y). Waa maxay marka A, B & C-daad ka sheekeenaysid?! Wax lagu cabbiraba malaha Soomaaliya, waana sababta aannu markasta ugu hoos marno marka la smaynayo qiimaynta caalamka nooc kasta oo ay tahayba sida musuqmaasuqa & dawad-wanaaga. Waxa aad malqaysaa dad ku hadaaqaya, annagu waxaannu helnay wasiir A, B ama C ah!!! Oo qaar cabanayaan qaarna faraxsanyihiin. Dad aan ogayn heerka ay caalamka kaga jiraan waa mushaakil inteeda le’eg.

    Qardafui, waa runtaa oo Soomaaliya waxa uu waddankeedu ku burburay maamul xumo qabyaaladi salka ku hayso. Bal ka warran, maamulxumadii qabyaaladda salka ku haysay oo aynu xaafadihii kula soo hoos noqonnay?! Qadhmuunikii jamhuuriyaddii dhammayd burburiyey ee midba meel ka tuuray, xaafadi ma u adkaysan kartaa? Intee in le’eg bayse xaafaduhu u adkaysan karaan? Hargaysa waxa ka socda waad aragtaa, Garoowena waxa ka socda waad aragtaa; maxaa kuu baxay?

  17. Gaas nin xishooda ma aha.
    Doorasho Jufada Maxamuud Saleebaan ayuu barbar dhigayaa qaranka Somaliland.
    Waxaanu ugu xoqan Somaliland dadkaa codka bixiya mana aha shacabka ISAAQ keliya ee waa dhammaan shacabka Somaliland ilaa Harti,SAMAROON,CIISE,FAQASHINI,GABOOYE IWM,AXZAABTUNA WAXA XUBNIHIISA KAMID AH DADKA DALKA SOMALILAND DEGA.
    Midda kale Isaaq hadiiba sidu u dhigayo ayba jirto ma la barbar dhigi karaa jufo Harti ah iyo axzaab Maxamud Saleban furteen sadexdooda ku kaltama hagbada maqaayada Garowe?
    Baaxada Isaaq Daarood uun baa la barbar dhigi karaa.
    Somaliland dhamaan siyaasiyiinta dalka beel kasta 10-kii sanoba waxa la furaa urur siyaasadeedo tartama sida hadaba socota,waxana kasoo baxa saddex xisbi qaran ee ugu cod bata,waana xor iyo doorasho hufnaan leh.
    Majority weeye Isaaq dalka lkn maxamuud Saleban Harti iyo Puntland waa minority ku haysta xoog majority ay curyaamiyeen oo iyagoo xildhibaanada baarlamaanka ka badan xataa ay soo xushaan iyagu si aan caqabad ugaga iman oo xilka looga tuurin.

  18. @Hillaac,
    SNM iyo Khaatumo, midna hooyaday ayaa ah midna aabbahay.
    Xal aynu daawanno ama wasiirka boostada ii ansixiya ka beddelan ma haysaa madaxweynaha is magacaabay ee SSC-yow.
    WBT

  19. Guardafoi- ninka ka baxay.
    Dunida casriga ee qarnigii 21 aad,ku jirta suuragal ka aha in dal uu horumar ku gaaro nidaam ku dhisan,qabiil,beel iyo wax ka sii hooseeya.
    Dunida maantay,dalja ugo liita ee tussale loo soo qaato ee ku dhaqma,qabyaalada waa seddex dal oo dunida inteeda kale ka haray.
    1- Yemen.
    2- Soomaaliya.
    3 – Afghanistan.
    Waxaa nasiib daro ah,wadadaasi biniaadamkii oo dhan ka tagay,ay dadka Soomaaliyeed ay weli ku dhagan yihiin.
    War maantay dunido waxa kago tilmaamaa,in ay tahay tuulo yar, ( Village )
    oo horumar iyo baraaraha ay dunida gaartay la wada arkayo,xitaa meel aan Soomaaliya ka fogayn,
    War umadda Soomaaliyeed,kolay,dunidii ka hartay ee bal,waxa dunida ja ka socda horumar iyo nidaam ka socda yaan laga harin,weli waqti waa jira.
    Soomaaliya guul iyo gobanimo iyo nidaam dadka Soomaaliyeed gaarsiiya barwaqo,aqoon iyo ilbaxnimo.

  20. Khaatumo/SNM, horta sidaa aad sheegtay baan aniguna ahay. Midda kale, wasiir boosto kali ahi meesha iiguma jiro. Waxaa iigu jira 3 wasaaradood. Ra’iisal wasaare ku xigeenka, Jeneraal Ilko jiir & kan boostada. Labana waa reer Sanaag, halka kan kalana uu ka soo jeedo degmada Buuhoodle ee goboka Togdheer. Sidaa daraadeed, mandaqadda aan madaxweynaha ka ahay intaas baa iigu jirta.

    Haddaan tan xalka u soo noqdo, way adag tahay ka jawaabiddeedu. Waxa ay lamid tahay su’aashii Farmaajo ay habar-yartii weydiisay ee ku saabsanayd xalka mandaqadda SSC, waayo maamul xaafadeedkiina waa isku fahmi la’nahay, kii federaalkuna kaba sii daran. Marka, xalka Soomaaliya waa cabsi cabsi. Inta Galleey badan la cuno in loo fadhiistuu u baahanyahay.

    • Elmi Abdullahi

      Meel kale adigoo eegin waxaad jaleecdaa dalkii la dhihi jirey “koraxdu kama Dacdo-xuduudaheeda”. Kaas oo ah Britain . Dalkaas waxaa loo Kala dagan yahay gabiilo oo waxaa laysku haybsadaa oo wax loo qaybsadaa hab qabyaaladeysan. Qabiiladaas oo ah English, Scottish, Irish, Welsh , Cornish iyo kuwo la mid ah .5(ama Hal barkiis) sida Gypsy iyo Roma.

      Dowladaha dunida ugu horeeya ayaaba ka qabyaalad badan kuwa kacaa kufaya sida somalia. Dunida hormartay waxay yaqiinsadeen oo ku qanceen in Lawada noolaan Karo ayadoo lakala yahay qabiilo iyo qaaruumo. Sida somalida ismaysan yeelyeelin oo boor iskuma qarin….ee si toos ah ayeey u abaareen qabyaalada oo xaal iyo xeelad waarta ayey u heleen oo hada waxay la daalaa dhacayaan darajadii qabyaalada ka koreysey ee midab sooca … somalina xeelad iska daayee Wali ma aqoonsana cudurka haya.

      • Qardafuu tan Ingiriiska maaha qabyaalad waa Qowmiyado kala duwan oo kala af iyo dhaqan duwan balse dallad qudha wadaaga, Somalidu sidaan ku ogaa waa qawmiyad qudha, haddaan Somali Aabbo iyo lagu darin hadda iyo kuwa qurbaha ku dhashay

  21. Nidaamka qabaligaa waa waxa asaageen Naga reebay ee waxaan oran Lahaa nidaamka xisbiyada badan ee si daacad ah loogu dhaqmo dadkuna u Siman yihiin aan ku dhaqaaqno

  22. Yaa ilaahay yaqaan oo inaga qabsada ciyaalka SNM Alshaydaan iyo USC urur Samaale hooda ay dhagta ugu shubeen.

    Gabdhaha nagii baa ka baxsan la’a.

    War maxaad naga rabtaan?

    Puntland times fadlan xidha comments ka section SNM Alshaydaan iyo USC Urur Samale 2022 lama jaqjaqleyn karnee fadlan xira sibaad Puntland u necebtihiin oo SNM NA u buun buunisaan ma kootada DAHABSHIIL baad ku jidhaan waan idin karaahsanay daalamiin yahay dadkanaga xasad ka ku ah.

    Get the fuck outa here SNM Alshaydaan and USC Urur Samale mother fuckers.

  23. Mustafa Cise

    Arinku waa Isla sidii… oo hadii cid qown loogu yeero ama qabiil, waa Isla sidii oo dadku waa Kala qaybsan yihiin oo waa Kala abtirsadaan oo darbi ayaa dhexyaal.
    Qaaruumihii aduunka hadii ay wax qaybsadeen maxaa somali u diidey in ay wax qaybsadaan ayagoo arinkoodu yahay qabiil iyo qoys hoose oo uu arinkoodu ka fudud-yahay arinka qaaruumaha ee Kala abka fog oo qaarkood xaataa DNA-goodu is matali Karin.

    Taasu waxaay kuu cadeeynaysaa in anaku somaali ahaan ay Naga luntay ama aanu Awood maskaxeed u lahayn sida wax loo xaliyo. Taasna waxaa daliil u ah mudada dheer (30yrs plus) ee aanu ku jirno jahawareerka dhamaadka lahayn.

    Aduunka muskilad kama dhamaato ee waxaa lagu Kala Hormaray sida mushkiladaha loo xaliyo. Dunida hormartay waxay macalin ku noqdeen xalinta mushkiladaha dhexdooda taal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*