Xildhibaanada BJFS oo codka kalsoonida ah u qaadaya Xukuumadda RW Aar

Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa berri yeelanaya kulan, kaas oo ay codka kalsoonida ugu qaadi doonaan Xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre.

Farriin loo diray Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyay inay soo xaadiraan kulanka Golaha oo qabsoomay berri oo axad ah.

“Beri oo Axad ah, taariikhdu tahay 7 August, waxaa jira kulan weynihii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.
Agendaha ‘1. U codeynta kalsooni siinta Xukuumadda magacaaban iyo barnaamijkeeda’.

Olale xooggan ayaa ay wadaan Wasiirada magacaaban, kuwaas oo kulamo la leh xubnaha Golaha Shacabka BJFS ee beelahooda kasoo jeeda.

PUNTLAND TIMES

4 Comments

  1. WASTED OPPORTUNITY

    Intii xusuusan, waa anigii bogaggan kaga taliyay in ay xaajo ku qurux badnayd inaysan Dani iyo Madoobe Farmaajo geesaha darin e ay si tolnimo, Soomaalinimo, fariidnimo, fiiradheeri, iyo waddaniyad dhab ah lagu dheehay uugu caqliyeeyaan oo maankiisii kelitalinismo kasoo hambaabiriyaan – waayo iintiisu taas uun bay ahayd.

    Waa anigii aad uga xumaaday markii ay weerarka isaga ka dhanka ah iclaamiyeen, aniga oo marka ugu horreeya dalkeenna u damqanayay oo marka xigana diiddanaa sumcad xumada iyo kalajabka Daaroodka kasoo gaari doonay. Waxaanan dooddayda kusaleeyay – ciddii xusuusan – in aanu jirin mid Farmaajo waqtigan xaadirka ah dalkeenna iyo kheyraadkiisaba u dhaama oo ay ku asturnaan karaan.

    Macal asaf, maanta ayaa la hayaa labadii dhibaato ee aynu aniga iyo akhyaarta ila aragtida ahayd ka digaynnay. 20 sanadood ayaa ilbiriqisi dib loo dhacay.

    WIXII AAD BERI TUURTAY,
    IN BADAN BAAD HIBATAA E,
    BAADI DOON MA KU RAAGTAY.

  2. Iyadoo maraykanka uu xukuumada xassan sheekh ul booc ah ugu soo kutubaayay
    Ayuu chine taageero af ah siiyay maxaa xigi doono ??
    Hadaba
    Xukuumadda Washington ayaa, sidda illo lagu kalsoonaan karo ay sheegeen waxay ka walaacsan tahay “saameynta xun ee ay ku yeelan karto taageerada Congress-ka”.

    Xeerka Leahy Law ee soo baxay 1997-dii ayaa mamnuucaya in Maraykanka uu taageero dawlad kasta oo cilaaqaad toos ah la leh kooxaha argagixisada iyo ku xadgudubka xuquuqda aadanaha.

    Sharcigan ayaa shaki wuxuu horseedi karaa in maamulka cusub ee la wareegay talada Soomaaliya uu waayo taageeradda maaliyadeed iyo mida dhaqaale ee ay ka hesho Ameerikaanka.

  3. US USA USA…
    MAREYKAN MAREYKAN MAREYKAN!!!
    !!!!!!!
    mareykanku
    dadka
    ma cuno!!!!
    CHINA WAA SAAXIIBKA AFRIKA
    OKKKKK
    miyaad sheegi kartaa hal mashruuc oo taabba gal ah oo uu mareykan ka hirgeliyey dalkeenna tan iyo intii aynu xornimada qaadannay???
    xasan dhiiqose waxuu ogyahay baaba iska yar waa madax dhul la dhac.. waxaanu ka jeclaan lahayn inuu diyaarad iska qaato oo BAKING ka dego. awelba maalaa yacni buu la wareegaysanayey..
    CHINA WALAALAHEENA RUMAAD..
    GUUL CHINA INSHA ALLAH

  4. XASAN DHIIQO WAXUU GACANTA KU DHIGAY KOOX
    LA YIRAHDO” HAWIYE ACTION GROUP “.
    SHEEKADU WAXAY U MUUQATAA : NIN INDHAHA LA,A OO UU USHA U WADO NIN WAALAN.
    XASAN DHIIQO WAXAAN LEENAHAY” GOOD LUCK”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*