XOG: Madaxweyne Qoorqoor oo sameysanaya muddo kororsi

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Puntlandtimes in Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu qorsheynayo in uu sameysto muddo kororsi hal sano ah.

Baarlamaanka Galmudug ayaa guddi gaar ah u xilsaaray dibu eegista Dastuurka qodobadiisa qaar kamid ah, gaar ahaana mudo xileedka Hay’adda maamulkaas.

Warar hoose ayaa cadeynaya in guddiga loo saaray ay durba ka doodayaan mudo xileedka in laga dhigo 5 sano oo ay soo jeedin doonaan, taas oo ka dhiganaanysa in Madaxda hadda waqtiga u kordhi doono.

Guddiga Doorashooyinka Galmudug ayaa isna la dhisayaa, taas oo ka dhigan in doorashada soo socota aan lagu gali doonin sidii ay dhawaan kusoo baxeen baarlamaanka Galmudug.

Qorshahan uu wado Qoorqoor ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan uu Baarlamaanka Jubbaland wax ka bedel ku sameeyay muddo-xileedka Hay’addaha maamulkaas, ayna muddo kordhin hal sano ah u sameeyeen Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Sidoo kale, Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa intii ay joogtay dawladdii Madaxweyne Farmaajo u sameeyay muddo kordhin hal sano ah Madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

PUNTLAND TIMES 

4 Comments

  1. Galmudug ma’aha sida jabbad_land iyo bay_land, oo maatada iyo masaakiinta halkaa ku nool laysaga dul cayaaro, oo daba dhilif, mid tabaryar iyo fuleyba ku kor booteeyaan. Midda kale qoor_qoor kuma dhaco inuu muddo kororsi sameeysto, hadeeysan habargidir siiba sacad ceyr saruur iyo dudubleba u ogolaan. Ee bal waynu arki insha’allaahu tacaalaa sida qoor qoor fulay uga dhaadhiciyo raggaas maadaama uu CBB_DII la necbaa ee lahalaagay uu kamid ahaa. Midda kalena rag badan oo reer galmudug ah iyo shacabkaba kuma faraxsana oo marabaan qoor_qoor daba dhilif, oo maalmahaanba guluf siyaasadeed iyo mid bulshaba waa uu ku socday, oo sidii mulkilihiisii farmaajo loo ridayba xaalkiisu ma wanaagsaneeyn, oo cabsi u joog iyo hilib ilko libaax sugaya unbuu ahaa, oo waxaana uga sii daray oo meel xunna kusii dhuftay magacaabistii ninka uu ka baqdo oo eey xifaaltamaan ee axmad macalin fiqi, oo hadda kaba awood badan qoor_qoor maadaama uu wasiirka arrimaha gudaha noqday. rag kaloo badan oo iyagana uu sidoo kale ka baqdo, oo kana xoog iyo taageero badan baa banaanka u taagan, oo raba ineey daba gadiyaan, daba dhilifkaas rajiimka ah, waana xaaf, sh shaakir iyo macalin max’muud iyo rag kaloo badan ,oo iyagana u jooga, oo ku soo maqan dhiniciisa, ee qoor_qoor haduu awoodo, maba awoodee haduusan afka kaliya ka oraneeneeynee, car hal maalin haku darsado, asoon ragaas jilbaha iyo garkaba qabsan ,oo kabaha u meeyrin. Car haku darsado hal saac keliya marka waqtigiisa lagaaro, waaba haduu nabad iyo xilkuu heeysto ku gaaree, haduusan raggaas iska maslixin. Aniguna qoor_qoor inuu inta u dhiman dhameysan doono u maleyn mahayo, wax uu ku darsadaba hakuu dambeeysee. War iyo wixii jiraba cakaaruu imaan oon arki insha’allah.

    • Waxaad ilowday in qoorqoor yahay nin saleebaan ah. Hadaad rabtid in si nabad ah ku kala guushtid dhuusamareeb ila Baraxley waa in cadaado raali ka noqota galmudug hadii kale dagaal iyo burbur baa walaal iyo ehel ku noqon doona.

      Jiritaanka galmudug waxay ku xiran tahay qoorqoor iyo saleebaan. Ha iloowin taas.

  2. Issa(ID) waxaa la yiraa(Rag kaa faqay,nimaad
    rafiiq tihiin,talo lagaa reebay, layskuma
    ridaarido meeshaan lagaa rabin, sida aad
    u dhigtay aragtida siyaasadeed ee Galmudug
    waa abaar iyo hal-beeg waayeel oo aad ku
    badbaadineyso dawlada loo dhan yahay ee
    hanaqaaday, waxaa dhegta loo geliyay xasan
    dareen,aano,dagano,iyo colaad hifasho leh,
    oo surogala waxana looga hortegi karaa idinko
    isbahaysigii dawlad goboleedka go’aankina ku
    asteeya wadajirne ugu wada dooda, xasan wuxuu
    madaxweyne u yahay 5 dawladood oo ku siman hab
    federaali(Gar-guurte gar leh,Qoor-qoorne gar leh)

  3. Qoor qoor horta muxuu qabtay 4 tii sanno ee meesha uu joogay, annagu Xamar inuu Farmaajo dilaal siyaasadeed u ahaa baan ogayn oo hadba Maleeshiyaadka Hawiye Farmaajo ka maslaxo, wax uu Galmudug u qabtay ma jirto, haddana dagaal qabiil baa laga sheegayaa, waar meesha isaga tag cid ku dhaanta hala keenee, Farmajao tegye meesha inta aan dhulka lagu jiidin iska bax, dagaal qabiil oo aad bilowdo cimri dher kuu noqon maayo

Comments are closed.