XOG: Muxuu yahay xanuunka looga daaweynayo UAE ‘Axmed Madoobe’?

Sida ay ogaatay Puntlandtimes, xaalada caafimaad ee Madaxwaynaha Dawlad Gobaleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa soo wanaagsanaanaysa, kaddib todobaadyo lala tacaalayay xaaladiisa oo liidatay.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo xanuuno la daalaa dhacay tan iyo bishii Maarso ee sannadkan, ayaa xaaladiisu ka dartay bishii July, isagoo ku siibtay suuli uu ku jiray.

Saraakiil kamid ah Madaxtooyada Jubbaland ayaa inoo sheegay in Madaxweynaha xaaladiisu ay hadda wanaagsan tahay, uuna helay ogolaanshaha dhakhaatiirta ee la xariira inuu baxo.

Sidoo kale, Saraakiishan ayaa xusay inay u badan tahay in todobaadka soo socda uu yimaado caasimadda Kismaayo, halkaas oo uu ka bilaabayo kulamo.

Baarlamaanka Jubbaland ayaa kulan ay maalmo kahor ku yeesheen xaruntooda Kismaayo u sameeyay muddo kordhin hal sanno ah Madaxweyne Axmed Madoobe iyo dawladda Jubbaland ee uu hoggaamiyo, taas oo ay si weyn uga biya diideen siyaasiyiin la ahaa saaxiib dhow oo uu kamid yahay Senator Cabdullaahi Farataag.

Axmed Maxamed Islaam, ayaa muddo 10 sano maamulayay Jubbaland, waxaana maamulkiisu uu isku koobay caasimadda KMG ah ee Kismaayo iyo degmadda Dhoobley. Bu’aale oo ah xarunta rasmiga ah ee maamulkiisa ayaa gacanta ugu jirto kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

PUNTLAND TIMES 

19 Comments

  1. War xumaa kani.yaa ku bare akhlaaqda ah in sublime laga sheekeeyo.ama waxa suuliga ka dhex dhaca.waa uu dhaawacmey ayaa klaga filaa.in aad tidhaahdo.mana xanuunsana sayid Ahmed.ee dhaawac.ayaa soo gaadhey waana fiicanyahey.

  2. Oo aaway ilaaladiisii ama waardiyeyaashisii suuliga kula jirtay, maxay uqaban waayeen markuu kor u booday, soo masuuliyad daro ma’aha. ilaaladaas uu ku hor kufay, waa in shaqada laga ceeyriyaa, maxaa yeelay, waa ay ka gaabiyeen shaqadooda, hadeesanba gabi ahaanba gabin.

  3. Arrintan axmed madoobe heeysata waxaa laga yaaba inay la xiriirto xanuunka kursi jecelka, kasoo markii qofka mudada xilheynta gabo gabo ku tahay, wadno xanuun iyo isku buuq ku keena. Marka waxaan umaleeynaya in talaabadii barlamaan isku sheega jabbad_land qaadeen in ay aheyd mid xaaladaa ninkaa madoobe ah heeysata lagu dajinayay, maadaama uu la xanuusaday waqtiga soo haya ee gaba gabada ku ah sidaana sanad dheeraada oo macmala loogu daray, si xaaladiisu u soo hagaagto, walwalka iyo walbahaarkana uga qafiifo, waaba sida hada muuqatee.

    Si kastaba axmed madoobe laga yeeli maayo muddo kororsi xitaa hadeey badbaadada noloshiisu ku xirantahay, sida ay hadaba dadka qaar ku doodayaan, ee waa in ninkaa daba dhilifka xaraan quutaha ah laga xoreeyo jubooyinka iyo gedo, sida ugu dhaqsiyaha badan.
    Weyna dheceeysaacsidaa HADUU EEBE SAREEYE SWT YIRAAHDO.

  4. “Oo aaway ilaaladiisii ama waardiyeyaashisii suuliga kula jirtay, maxay uqaban waayeen markuu kor u booday”

    Subxaanallaah!

    Ma musiibo uu Rabbi addoonkiisa u qaddaray ayay addoomo kale ka badbaadin karaan? Allahayow nagayeel kuwa hawraartooda kasiifiirsada inta ayan kuhadlin ama qorin.

  5. @@Ibrahim,

    Allaah Yacizak walaal. Dad baa aakhiradooda kuseegaya naxliga iyo neceybka ay Daaroodka u qabaan.

    Allow naga kori.

  6. As always, when it comes to the kind of garbage so called leaders in the Somali world,when I hear anything about their health issues I really feel and wish their sudden departure from above the ground to the underground world. In this case if the washroom fall would have been the final the message would have been so significant and would have sent a shock wave across Somalia.It reminds me of what happened to that fringe sect called Ahmadiya,Their leader died in the toilet!
    Imagine hitting your head in a fall on that edge that is often slippery tiles or mutuleel Somalis obsessed with and I always worry of fall when I visit Somalia or Kenya.
    May he spend all his ill earned wealth fighting for his ill health.And I said that deliberately.

    • @@@ Nour Hadaadan Fahmin English ka soco laakiin iska daa daandaansiga.Afka Somalia adiga iyo inta kale ee kula da’da ah ayaa dayacaye suu ku hormarikaraa?
      Haddaad Somalia joogto hadda bax banaanka aad ee soo tiri inta dukaanka e Af English ku qoran yahay?
      Naga khalleeyso Nooh.

  7. @AWLAL

    OO WELI SHEEKADII BAAD IGA DABA WADAA, OO WELI BEENTII UYO NAXLIGII BAAD ILA DABA TAAGANTAHAY, WAR HOOGE AWLAL, NIN XANUUNSAN LAMA DOODI KARO, OO HORAAN KUU SHEEGAY INAAD BUKTO, MEEL BEENOHOOJIRIN BAAD WAXAAN JIRIN INTAKA FIIRISO, OO WIXII AAD MOODOO KU ARAGTAYNA BEEN KALE U FASIRTO, EEHOOGE AWLALOOW IGA HAR, OO AAKHIRADEEDA ANAA KAA JECEL, OO SHAQADAADA MAAHEE, IGA JOOJI CAAMADA HALKAN KU JIRTA EE AAD IGU DIREEYSO, ADAABA CAAMO U EGEE. PLEASE AWLAL DON’T FOLLOW ME. AND STOP ALL SHIT BEEN AND BURURUQ,AND SHUT YOUR STUPID MUNAAFAQ, SHEEYDAAN MOUTH.

  8. @@@Awlal ignore those trying to make you busy with rubbish and their distraction from your thoughtful analysis.

    • @AWLAL

      Areey awlal horaad qaladkaadii qarmuuna raali gelin uga bixisay, ee hada see kaa noqdeen wax. Areey awlal hadaan diinta kuu gu soo ganbado waxaan soo saari karaa millions of your khaladaad, waana kugu raddin karaa, ee awlaloow si aan wax loo wadin ha u dhigin , oo halkan caamo uu ally madhibaan nacamleeye afdheer, iyo axado caacleey kamid yihiin baa ku jiree hanagu kicin, waadba intaad rabtidee.

      Awlal keep calm. Oo isgaro oo is xakamee, been baa ugu xun ee iska ilaali, axmad madoobana wardiyeyaashiisa qadarka kama celin karaan, waana qirsanahay ogahay hubaana, oo waaba tuuna ku dhex kufay, balse sidoo kale ogoow ineeysankursigana ku heyn karin oo aynu la daba gedin doono insha’allah. Ee beenta iyo eeda faafinta waxaan jirin hakuugu baxdo, oo isku day in aad igu ceebeeydo, balse adi unbaa ku ceeyboobi, oo meelkastood wax ka fiiriso, waxay tilmaan ka bixin dhimirkaada, waa hadaadan isyeeleenee, EEBAANA og wixii dhimir iyo qalbiba ku suganee. Ee awlal caga dhigo, oo diinta sidii ina c/wahaab iyo kooxdiisii oo kale haka dhigan, oo hadba qofkaad is heeydaan haku weerarin. Billah calleyk.

  9. Mr Hiraab
    I didn’t understand Hiraab?
    Bal noo faahfaahi asalkiisa iyo meeshuu Xamar ka soo galay.

  10. @ NOUR

    NOUR saaxiib hadaad rabto hiraab iyo taariikhdiisa, ama dashiisa iyo taariikhdooda, ama halkeey muqdisho iyo banaadirba kasoo galeen, weyba ku dasheenee, oo leeyihiinee, waxaad ka akhrisataa buuggagta taariikhda boqorka hawiye ka sheekeeyneeysa, siiba faraca gorgaate hawiye, siibe dame gorgaate oo ah aabaha hiraab, waana ka cudurdaaranayaa anigu, oo qoraal dheer oo badan tabar uma hayo, oo horaaba loo qoray, oo hadeey diyaar yihiin iyagoo run ah, oo isku daalin mahayo, si aan kuugu sharxo, maadaama aadba hadda heli karto, balse ogoow waan garanayaa taariikhda hiraab , iyo siduu muqdisho iyo banaadirba ku yeeshay, hiraab waa qabiilka ugu awooda badan hawiye, uguna caansan, ee hadaad xog iyo tafaasiil uga baahantahay, ama taariikhdiisa iyo dhulka uu dago dooneeyso, sameey sidii aan kuu soo sheegay, oo baar taariikhda awoowe hawiye ina irir ina samaale.

  11. @Ally M

    Loser Ethiopian like you never get tired of bad-mouthing Somalian leaders. How about you focus on the bloody and disgusting war taking place in your motherland of Ethiopia?

  12. Hiraab.
    Marka hadda waxaad tahay Ina-Hiraab.
    Awoowe magaciisu kaana weyn kaana tiro badan.

    • Hiraab

      Ma qoraalka ayaa kaa siktay mise wax baad qurxinaysaa… oo magaca runta ah waa gurguurte.

  13. Mr Ahmed Madoobe, is in power of Jubbaland for 10 years with the help of Kenya.
    His administration has been a total shame, pure tribalism and a travesty of social justice. It is obvious that Mr Madoobe will not relinquish power without
    a fight. Kenya!s colonial strategy is to keep A.Madoobe in Kismayo.

Comments are closed.