XOG: Xildhibaano wada abaabul ka dhan ah Golaha Wasiirada cusub, & codka kalsoonida

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa wada abaabul ballaaran oo ka dhan ah Xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre.

Golaha Wasiirada cusub oo uu ku dhawaaqay shalay, Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa ka kooban 26 Wasiir, 24 Wasiiru-dowle iyo 25 Wasiir kuxigeen, waxaana uu u bixiyay “Xukuumadda Dan Qaran”.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in xubno kamid ah Golaha Shacabka ay bilaabeen olale ka dhan ah Xukuumadda cusub, kuwaas oo doonaya in loo diido codka kalsoonida ah. Xildhibaanada diidan Xukuumadda ayaa u badan kuwo horey filasho wanaagsan uga qabay inay kasoo dhex muuqdaan Golaha Wasiirada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamze Aar ayaa ka codsaday Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ansixiyaan Xukuumadda, si ay degdeg u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.

PUNTLAND TIMES

 

14 Comments

  1. SALAAMU CALEEKUM

    XAMZE CABDI BARRE ma aha in masuuliyad qaadi kara.. Wuxuu la shir yimid wixii loo soo qoray… Hal xildhibaan ma soo qoran. Dhammaantood, waxaa soo qortay XASAN DHIIQO.

    Please don’t give a vote of confidence. The Somali Population can no longer trust him to lead the government.

    HAYEEEEEE, ha la idin arko..

  2. Shalay markii aan dhegeysanayay baaqii uu Xamze Aar shacabka iyo baarlamaan-kusheegga dhowr goor ugu celceliyay ayaa aniga qub la i yiri oo aan dareemay in baaqiisu xambaarsanaa dhambaal dadban oo shaki ah. Waxaa hadalkiisa laga dareemayay in uu ogaa in golahaasu aanu noqon doonin mid cuntami doona oo xasarad abuuri doona.

    Haddaba, sow baaqiisaas iyo guhaadka durba magacaabidda kasoo gurxamaya, iyo muddada dheer ee ay ku qaadatay ma muujinayaan in Xamze hawshiisaas si xooggan loogu faraggashaday oo wax looyeerinayay? Waxaan la aamusnaa in aan wax iskahubiyo, laakiin doqon uun bay seegganayd in xaajadu sillootahay markii uu muddadii dustuuriga ahayd gudaheeda wax kusoo dhisi kari waayay.

    Soomaalidu dadka aadka udhaadheer iimo ayay kusheegi jireen oo si baa lamoodaa in ay Xamze wax uga si yihiin. Mid baase xaqiiq ah: siyaasaddu sideedaba way iska qaawantahay oo mar uun bay maradu dhacdaa sikasta oo la iskugu dudduwo.

  3. waziir iyo xilbaan isku helimeeysi maxaad soo kordhin aan macsi a’heen backasii miroowii iyo gabdhihii yaryara iyo hoteelkii lacgta lagussiyo ma kafeeyso miya? yaa xaarami xisab aakhiro ayaa kuu taalo aduunkana dhiikara iyo kaadi macaan baa hooygaga ah mooshin keena xooga lacga shaqshada

  4. I believe the vote of confidence or approval will happen no matter what. This talk or news of members of parliament are planning to reject the cabinet is not for the benefit of our people but rather,they want Xaqqul Qalam as usual since they can see the vulnerability of Xamza. Laalush,They think of their pockets.

  5. from Borame to Galkacayo lix wasir bay qoondo loo siiyey way la noqotay kuwa qaybiyey, lkn adkaysi ha yeeshaan oo yaanay caban.
    Somalia lakala leeyahay

  6. Anigu waxaan qaba in cudka kalsoonida Dowladu helidoonto. Sabatuna Waxay tahay in barlamaanku aqlabiyad kuleeyihin qoladii awalba dooratay Hassan shiekh mohamoud. I Inta hadeer diidan waa boqol tobankii nabad iyo nolal ee farmajo ucudaysay. Una malayn mayo in ay u wada dhan yahiin arintaasu. Kaba sooqaad in wada socdaa kuna biiri lixdameeyadi uu Deni haystay. Dowladu wali way heli kartaa aqlibiyad

  7. Maadaama Dalku burbursanaa muddo ka badan 30 sano, waxaa xaqiiq ah inaysan jiil badan Fursad u helin barashada qoritaanka Afsoomaaliga

    Waxaan arkay dad badan oo aan fahamsaneyn Xubnaha kala qeybinta Afsoomaaliga, sidoo kale xarfaha LABAN LAAMO.

  8. “soo jeeso”
    waa qalad ” soojeeso”

    ” ka waran ”
    Waa qalad ” kawaran”

    ” isugu tagney”

    Waa qalad ” isugutagney”

  9. 68+110=178
    xildhibaanaduna waa 229
    waa xitaa hadii lagu daro kooxda xaashi.. codse ma laha iyagu
    ok hadii aan taada raacno
    kalsooniduse waa helayaan
    meeshan lacag baa la kala ruxanayaa

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*