54 kamid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal cusub oo ay iska kaashanayaan ciidamada milateriga ee Soomaaliya iyo dadka deegaanka oo ka socda deegaanka Yasooman ee hoostaga degmada Buula-burde in lagu dilay in ka badan 45 xubnood oo ka tirsan ururka al-Shabab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkani uu weli socdo, isla markaana ay dawladdu war ka soo saari doonto marka uu soo dhamaado.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay dawladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada milateriga ee dawladdu inay toogteen sagaal xubnood oo ka tirsan ururka al-Shabaab, ka dib hawlgal ka dhacay deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyada oo ay dawladdu sheegtay in raggaasi ay isku dayayeen inay halkaas ku dhuuntaan, si ay isaga abaabulaan.

“Howlgalka deegaanka Warmaxan inta uu socday waxaa dhaawac uu ka soo gaaray Saddex ka mid ah ciidamada geesiyaasha ah ee Qaranka.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka dawladda, iyada oo intaas lagu daray “Inta ay socdaan howlgalada ka dhanka ah Argagixisada waxaa lagu dilay in ka badan 200 oo ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaan laga saaray maleeshiyaadka ku dhowaad 30-deegaan oo ay dadka Soomaaliyeed ku gumaadi jireen.” ayaa lagu soo gebagebeeyey warsaxaafadeedka.

PUNTLAND TIMES

2 Comments

  1. Issa(ID)
    Siyaasada Qaybsiga khayraadka waxay ku xiran tahay
    dadka leh dhulka, laga qodayo ogol,sahmin,qodid,iyo
    beec-geyn ku cad dastuurkooda gaarka u ah, xasan
    ma mateli karo Gobol,asagoo ah madaxwyne dal, waa
    fal(TUUG WAAGU KU BARYAY) Puntland waxay gaar ka
    tahay ilaalinta hantida ummadda soomaaliyeed oo dhan,
    Xasan Xaraash wixii Formajo laga diiday la yeeli mayo.
    xasan marka run laysku sheego(SARIIRTAADA HOOSTEEDA)
    Patrolka laga helo(Sharciga) ayaad Magan uga tahay, wbt

  2. Ninba waa mare mus ma kula koray! Shacab caraysan oo ay soo kartay dhibtii hore ayaa kooxdii caraysanayaal ee dhibta ku hayey kabaha la dulmaray.
    Rag-rag dhalay rijaal macawislay qoora rugunbaalayaal. La hel lawaa ayaa ku xigta. Mar haddii shacabkii dhibtii lagu hayey fahmeen, mid badan oo afka duuban jiray ayaa toobadkeenaya. Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay Kacoo rida waa intaasoo aad dhimanba weydaane.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*