AKHRISO: M/weyne Deni oo Beesha Caalamka & Ururada bulshada ku casuumay Garoowe

Waraaq kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa casuumaad loogu diray xubnaha Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya, daneeyayaasha Dilmuquraadiyadda iyo aqoonyahanada Soomaaliya inay kasoo qeybgalaan shir ka dhacaya caasimadda Puntland ee Garoowe.

Shireweynaha oo qabsoomaya 18, bisha soo socota ee October, ayaa looga hadlayaa arrimaha Dilmuquraadiyeynta Puntland, taas oo ay Puntland u jiheysay Xukuumadda uu hoggaamiyo Siciid Cabdullaahi Deni.

Qoraal loo diray safaaradaha caalamka, daneeyayaasha Dilmuquraadiyadda iyo Ururrada bulshada rayidka ah, oo ku qoran luuqada Ingariiska, ayaa lagu xusay ambaqaadka Puntland ee hannaanka axsaabta badan, Madaxweynaha ayaana tilmaamay in rajo wanaagsan ay kasoo muuqatay doorashadii hordhaca aheyd ee ka qabsoomtay saddexda degmo ee kala ah Qardho, Eyl iyo Ufeyn, taas oo shacabka degmooyinkaas kusoo doorteen 87 xubnood oo ku matalaya Golayaasha deegaanka saddex degmo.

Sidoo kale, Siciid Deni ayaa sheegay in muddo 15 bilood ah oo u hartay dawladda uu hoggaamiyo uu qorsheynayo in uu ku hirgeliyo doorashooyinka qof iyo codka ah, si bulshada Puntland u soo doortaan golayaasha deegaanka ee degmooyinka haray.

PUNTLAND TIMES 

10 Comments

  1. ISSA(ID)
    Raxnadii(Alla)roob,saxan-saxo,iyo dimoqoraadiyad dabeylo wadata
    ayaa hareeyay deegaanadda puntland,ayadoo dhawaan laga dusi-dono
    Abaarti, loona dareeri doono doorashadii,(One man one vote) oo
    Madal lagu daah-fuayo (18.octobar 2O22), laguna casuumay ruux
    walba oo dulmane ah,oo dimoqoraadiyad doonaya,Kor-joogto, iyo
    Daneeyayaal oo dhan (Sukeeye)iyo(Shisheeye), waa tilaabo ku
    dayasho mudan oo hooyadii federaaliga horay u qaaday,ayna sii
    wadi doonto Balanteenu waa(Garowe all sonali politic gate way)
    Guul iyo garasho waayeel,wbt

  2. Tuke taag ma leh waase tuug baxay…..Deni quruxoow boowe beesha lixaad maaha caruur la siri karo khiyaanadaada waa arkaaniin. Waa arkaaniin inaa tahay nin daad qaadayo xumbo cuskanaaya. Waa og yihiin in Bari iyo Sanaag iyo Mudug iyo Sool lagaa nacebaa oo hadana Nugaal lagaa nacay!!!

    Shaxdaada waa loo jeedaaniin boowe maxaa yeelay waxaa rabtaa inaa been beenta dumuqraadiyeenta u isticmaashid mar marsiiyo aad xilka ku dheereesatid oo beesha lixaad dhaqaale kaga heshid oo sumcada ku soo ceshatid. Hadaa is tiri way kuu suuroobeysaa waxaa lagaa yiri aa kula tahay boowe! Boorsada sii xir xiro Deni quruxoow Puntiland waa kaaga dhamaatee.

  3. Waar Deniyoow Madaxweyne naga khaleeyso nooh, ma hoteelada saaxiibadaa iyo qoyskaaga ayaa customer iyo guest badan u keeneysaa?
    Reer magaal dheh.Ama xoogaa la cago doon dheh.
    Aniga waxaan aaminsanahay in shacabka Puntland awoodaan doorasho iyo howl kasto hadii hogaan suuban helaan.

    • Dee orodoo madaxweyne ka noqo Puntland. Oo markaa meel mari fekradaha tirada
      badan aad mar kasta taxeysid. Adigoo ciillanaayaasha laangaabka nasb dhimanka ah.

  4. Abshir,
    Doqonow Deni waa Madaxweynaha dimuqraadiyadda iyo dawlad wanaaga Adiga oo kale oo dayuus ah waxba kama sheegi kartid.
    Abshirow dib isugu noqo doodu waxay dhex taal ragga ma aha adiga oo kale oo dayuus ah plz reerkaaga ka war hay

  5. Abshir

    Horta hore Af-majeerteenka soo baro inta aadan afka Kala qaadin.

    kkkk waa maxay…”Shaxdaada waa loo jeedaaniin boowe”.

    Jeedaaniin?????

  6. Ninka la baxay Gardafuu jaale Majeerteenka malahan laahjad mida oo ka dhaxaysa marka adaa khaldan. Ninkaan Abshir waxaa uu ku hadlay afka reer bari waana laga garanaayaa 100% dadka soomaali kala yaqaan. Maybe adaan reer Gardafuu ahayn hadaad saas garan waysay kkkkkkk 🙂 🙂

    • Warsane

      Nin khaldan majeerteen ma Sheegan Karo…. laga bilabo gayiga Qardafui ilaa iyo miyiga hawd. Ereyga “boowe” waxaa badanaa ku hadal qabsada majeertenka Bari… oo soo hadal-qabsashadiisu… shaqsi kama dhigo majeerteen….oo Hadii uu abshir ku abtirsado majeerteen waxuu oron lahaa….”shaxdaada waa loo wada jeedaa boowe” ee ma dheheen …”shaxdaada waa loo jeedaaniin boowe”….oo hadii aad adigu qudhaadu ku abtirsatid majeerteen… khaladkaas waad arki lahayd.

  7. Dimuqraadiyada gaalada kaa rabtaa maaha doorasho hufan baan qabanayaa ee diyaar ma loo yahay amuurahan:
    1-Sinnaan jinsi waxa la dhaho
    2-Xornimo diimeed waxay dhahaan oo ah qofku diinta uu doono ha galo
    3-Laamanuhu iyagaa ikhtiyaarka leh wax ciqaab ahna laguma qaadi karo labadii raaxaysta guur la’aan ama weli la’aan isu guursada.
    4-Qawmu luudnimada in la hirgeliyo
    5-Fuxshi oo dhan
    Soomaalidu ha ogaadaan arimahaas weeye dimuqraadiyadda ay dhegta ka maqleen waxa loola jeedo.
    In lays doorto soo Shuuradii maaha diinteena aan ku haynay?

  8. The idea of Puntland democratization at district
    level is good start and a step in the right direction.
    But of discussions and practical guidelines needs
    to be made and agreed upon by all parties. The idea
    Of the gov to be the police + judge and custodial is totally
    Mistake and fraudulent.

Comments are closed.