Al-Shabaab oo burburisay baraago iyo Isgaarsiinta deegaanno muhiim ah

Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay qarxisay matoorada ceelasha biyaha, baraago iyo xarumaha isgaartiinta magaalooyinka Maarsamage iyo Cadokibir oo hoostaga degmada Baxdo ee gobolka Galguduud.

Wararka ayaa sheegaya in uusan jirin khasaare nafeed oo ka dhashay weerarka ay Al-Shabaab ku qaaday magaalooyinkan.

Deegaannadan oo markii horeba ay ka jirtay biyo la’aan la xiriirta ceelasha oo ku yar iyo baaxadda abaaraha ayaa hada wajahaya dhibaato dhinaca biyaha ah.

17-kii bishii June ayay aheyd markii degmada Baxdo maleeshiyada Al-Shabaab looga dilay ugu yaraan 100, sida ay sheegeen masuuliyiinta Galmudug, kaddib markii dadka deegaanka iyo ciidamada Galmudug oo is garabsanaya ay ka hortageen weerar ay Al-shabaab ku soo qaadday.

Wixii markaas ka dambeeyay ayay dadka deegaannada ku dhow Baxdo waxay sheegeen inay la kulmayeen hanjabaadyo iyo cunaqabateyn uga imaaneysay dhinaca Al-shabaab, kuwaas oo ay ka mid yihiin deegaannada qaarkood ay ka jareen isgaarsiinta.

PUNTLAND TIMES 

6 Comments

  1. Issa(ID)
    Xasan waxaan ka sugnaa inuu xeer madaxweyne
    ku baabi’iyo wasaarada ganacsiga & maalgashiga,
    iyo wasaaradda patrolka iyo sahmint gaska sidi
    wasaarada naareeynta masiibooyimka, labadda
    wiilba laba jubasood u tolo, laba noorsane u
    dhiibo, ha kuu qaraab tagaan,(dawladnimooy
    xaal-qaado, xasanow adne xarar/dheere aad)
    Yaab ….wbt

  2. Warka sida uu kuhabboonyahay waa in loo qoraa. Haddii ay shabaabku u halgamayaan dhisidda nadaam dowladeed oo Islaami ah (waa sida ay ku andacoodaan e), macquul ma noqon karto inay kaabayaasha nololeed iyo dhaqaale dumiyaan, inay sii dhisaan mooyiye.

    Sababuhuna waa labadan hoose.

    1. Shareecada uu Nadaamka Dowliga ee Islaamigu salka kuhayo way xarrimtay oo mamnuucday in beey’ada iyo wixii bina aadamka manfac u ah la waxyeelleeyo, waxayna amartay in la dhiso oo la baahiyo.

    2. Koox u halgamaysa inay waddan kataliso oo nadaam dowladeed kadhisto, hadafkeeda ugu weyn iyo yoolkeeda uugu qaalisan waxaa weeye inay shacabka soo dummato oo quluubtooda, maanankooda, iyo kalsoonidooda kasbato si ay hawshu ugu sahlanaato.

    Haddaba, suuraggal ma aha inay shabaabku ku kacaan falal shacabka ku diraya oo kasii didinaya, sida inay burburiyaan kaabayaal nololeed iyo dhaqaale oo u dhisnaa iyada oo weliba marxaladdii maciishadeed ee ugu adkayd shacabku ku suganyahay.

    Sidaas aawadeed, xaqiiqada warkan ku duugan ayaa ah in waxa falalkaas ku kacay ay yihiin maleeshiyo isla beelaha aaggaas deggan katirsan oo cunfi iyo colaad beeleysan dhexdooda iskulakacay oo reero ahaan isu laqminaya. Maxaa runta loo dadayaa?

  3. Ussa(IS)
    Suldaan Awlal,Asc Allaha ku ciso, Aqoon iyo
    aragti fog oo cimiyeysan ayaad maqaal walba
    ku abaartaa,kuna il xirtaa, adoo docorka &
    doc ka yeerka qancinaya, suldaan runta dadan
    & beenta qayaxan ee maqaalkan, sidaad u aragtay
    ayaa qireysa aqoontaada maadiga iyo macnawiga
    isugu dhafan, wbt

  4. @@The Great Sultan Issa(ID),

    Suldaan, salaanta gobeed ayaan hawada kuusoodhigay, waxaanan kaa iri Allaah Yacizak gubaabada iyo dhiirrigelinta qaayaha badan ee aad igu sharrafto.

    Waxaa hadda Soomaaliya soo gaaray oo iiga muuqda dhaqanxumada qalaad ee aalaaba xaqiiqooyinka dhabta ah shucuubta lagaga madalhufiyo qiilal iyo raadgadasho jaban oo qof mise qolo lawada karaahiyeystay dhibaatooyinka jira loogu aaneeyo.

    Waana falsafadda ah: “Wixii Xun ba Xaawaa Leh”.

  5. Issa(ID)
    Xamza siyaasadu waa fuulaan iyo faro ku hayn,
    meesha laguu diray biyo iyo baad maleh,carabti
    rag baa horay cagta u mariyay,hambadiina magac
    kuugu yeeli raba, hada tunisia,algeria, waxaa
    kaga dignay inadan tegin MASAR iyo ITOOBIA oo
    aad ka cududaarato sababo badan oo qarsan,taas
    oo ah xudunta siyaasada fashilan,2dii wasaradod
    dib y soo celi(Federaaliga)iyo(Masiibooyinka)
    Ogow Awooda isu dhiganta ee Adiga iyo Xasan ee
    dasturka idin siiyay waa talo federaali diidan
    keli talis,(Meeshaad madaxeeda tahay,majaheeda
    ha noqon) Wbt

Comments are closed.