Baarlamaanka Puntland oo maanta yeelan kulan xasaasi ah, & ridista Xukuumadda

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa la filayaa inay maanta yeeshaan kulan xasaasi ah, kaas oo ay dul hogganayaan shakiyo badan.

Kulanka ayaa qorshihiisa lagu sheegay in warbixino looga dhageysan doono Guddi loo xil-saaray soo uruurinta iyo kasoo tala-bixinta waxyaabihii ka dhashay la-xisaabtanka Xukuumadda Puntland.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Puntlandtimes, in laga yaabo in kulanku baaqdo oo uu dhameystirmi waayo kooramka Golaha ama uu hareeyaan buuq iyo fowdo.

Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa doonaya in kalsoonida lagala laabto qaar kamid ah Wasiirada Puntland iyo Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ee TPEC.

Xiisado siyaasadeed ayaaa dhowaanahan ka jiray Garoowe, kaddib markii ay kala xargo furteen Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo kooxda AARAN-JAAN ee soo dhistay doorashadiisii 2019kii.

Siciid Deni ayaa ka eryay shaqada Wasiiro uu ku jiro Wasiirkii Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal, oo ahaa Wasiirka ugu awooda badnaa Xukuumadda Deni tan iyo 2019kii. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa albaabada u laabay mashaariic ilo dhaqaale u ahaa kooxda, isagoo ku wareegay eheladiisa iyo dad kale oo u dhow.

PUNTLAND TIMES 

11 Comments

  1. Barasaab Deni intuu u shaqeyn lahaa shacabka Majerten ee abaartu heyso, ayuu bilaabey siduu u carqaladeynlahaa Hagbadda Ciise Max’uud.

    Xanaaqii uu ka soo qaadey Quursigii Xamar loogu bahdilay ayuu kula soo dhex dhacey Shacabka Garowe.

    Wuxuu Deni ku soo kordhiyey Puntland waxaa ka jiro inuu sii NAAXIYAY GAFUURKIISA IYO SANKIISA WEYN.

    • Khalid adigu ma tihid reer Puntland. Maxaa kaa khuseeya arrimaheeda. Maxaad uga hadliwayday dhibka iyo caqli xumada adiga iyo reerihiinna haysata? Mase waxaad rabtaa in aad been isku maaweelisid?

  2. Issa(ID)
    Khaali abaayo sida uu saaxiibkey jim-belo kuu sheegay madasho
    Gabdhaha waa lagu soo dhaweeyaa,fikradoodane si asluub leh bey
    u dhiibtaan, hays martiyeeynm aragtidaada iyo magacaaga ha ka
    cabsan inaad xusto, wbt

  3. Issa(ID)
    Waxaan Shacabka Puntland iyo madaxdeeda xasuusinayaa oraahdii
    Tariikhda gashay ee (Aun)Dr,Cabdirashiid Cali Shar-ma-arke in
    aan loo nuglaan cadowga, asagoo la dagaalamaya (Abasiiniya)oo
    ahayd(BOQORADII) Afrika 1964tii,anagoo socod-barad ah,waayeelse
    na hogaaminayay oo ahayd (Gacanta NIDIG dalkaan ku daafacyaa,
    tan BIDIXNE doorashadaan ku galayaa) Maantaan haynaa tii oo
    kale ,shacabku wuxuu codsanayaa in la (halgamo hadal la’aan)wnt

  4. Deni barida ayaa dhulka loohu dhufanayaa maraan dheerayn.
    Aaran jaan baa awal bari taaraysay oo uu ku jiray oo horaa Bari Mudug Sanaag looga nacay.
    Qardho bes baa u hartay.

  5. maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
    War khalid af xumo iyo cay loo ma baahna,qabyaalada aya mida burburisay,Puntland.
    Madaxwaynaha Puntland mudane Siciid Deni,waxaa keenay nidaamka ku dhisan hab beeleedka guracan.
    Tan iyo asaakii maamul goboleedka Puntland ,oo hadda laga joogo ku dhawaad rubac qarni,wax la taaban karo oo maamul wanaag ah,la ma samayn,haykalkii dowladnimo wuxuu dhaafi waayey,hadba shaqsiga fadhiya kursiga madaxtooyada Puntland.
    Gunaankii Waa in sababta keentay fadhiidnimada maamulka,xal loo helo,oo aan lago mashquulin,waxa ka dhashay maaul xumada jirta.
    Puntland waa laga samaynkaraa doorasho,qof iyo cod ah,maamulka Deni ka dib si loo helo dyaargarow buuxa.
    Guul Puntland iyo Soomaaliya.
    Abaarta iyo macaluusha jirta,ALLAHA ka bixiyo Soomaaliya guud ahaan.

  6. WAXBADAN BEY KU HEYSTEY SO SOCO SIRADEY SIRADO KALE LAWAYEY IBADAN BAD SIDA IDOORKA KUDAGDEYN HAKUFIN HA JABIN MAJERTENOW DAWLADU YANEY NA BURBURIN XATAA ISIMADII AYAD MADAXODI FORARISEYN MAJERTEYNKA FALAGOBOW KURSIGAN LAWADA SAMEYSTEY HARTILAND KOLBA SIDAAD UGU FADHISANISEYN SIBA MAXAMUD SALEYBAN SADEXDA AYAGO NACLUULI DISHOTEY LABO BIIL GUDAHOOD SIDII JEER HOR IYO DABO KAFURAYA XARAN
    XATAA WAXEY SOCOTAA ZANZIBARI IIN NALAGU DUUL KORIYO ILAA U ILEEY MASKAXI MAJIRTE XABSO AYEY UMADI BABADEY KHALDKU WA INAGA OO AAH INTA KABAXSAN HABAR MAJERTEYN MARUN HADAL HAAN MABUXSHE IYO CALACAL

  7. Puntland State Guul iyo Horayumar, Haraadigii mujrimkii Afweyne Ilkayar, dhulmahante, leelkase, awrtable macalatullah waligiinba habaartama yaa idiin joojinaya Puntland State Majeerteen Power ayaa leh oo dhistay Airports dekedo iyo jidad alhamdulilaah

Comments are closed.