DAAWO: Axmed Karaash oo ka hadlay socdaalkiisii dibedda “Farxad bay i galin isku duubnida Xildhibaanada”

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland, Mudane Ahmed E. Osman Karaash oo maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir.

Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Xildhibaano, Wasiiro, Guddoomiyaha gobalka Nugaal, saraakiil Ciidanka iyo boqollaal kamid ah shacabka Garoowe ayaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland, oo kasoo laabtay safar todobaadyo qaatay oo uu ku tagay dalka dibaddiisa.

Axmed Karaash ayaa u mahadceliyay dadkii soo dhaweeyay, isagoo sheegay inay farxad gaar ah galinayso in Xildhibaanada Puntland ay soo dhaweeyaan iyagoo isku duuban, ayna macno gaar ah u sameynayso.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa sheegay in socdaalkiisii dibedda uu ahaa arrimo gaar ah, uuna ku faraxsan yahay kusoo laabashadiisa Puntland.

Isaga oo ka gaabsaday arrimaha siyaasadda ee ka jira deegaannada Puntland, ayuu Axmed Cilmi Cismaan diirada saaray abaaraha ka jira deegaanka iyo curashada deyrta, waxaana uu alle ka baryay inuu soo qaboojiyo adoomihiisa abaareysan.

Soo laabashada Madaxweyne kuxigeenka Puntland ee Garoowe, ayaa kusoo aadaysa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay xiisad siyaasadeed ka jirtay caasimadda Puntland. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xil ka qaadis ku sameeyay qaar kamid ah Golaha wasiirrada, oo uu ku jiro Wasiirkii Maaliyadda Xasan Shire Abgaal oo ahaa wasiirka ugu awoodda badnaa Xukuumadda Puntland.

Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Karaash ayaa isku soo dhowaanayay bilihii lasoo dhaafay, kaddib sannado khilaafaad hareeyeen wada shaqeyntooda.

PUNTLAND TIMES