DAAWO: Booliska Puntland oo u digay Ciidamada ka howlgalla Boosaaso, & dagaalka argagixisada

Taliska Qeybta Booliska gobalka Bari ayaa maanta ku yeeshay caasimadda ganacsiga Puntland ee Boosaaso kulan xasaasi ah, kaas oo looga hadlayay xaalada Amni ee gobalka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah.

Shirka ayaa waxaa shir-guddoomiyay Taliyaha Qeybta Booliska Bari G/Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir, waxaana si gaar ah diirada loogu saaray howlgallada ka socda gobalka iyo xoojinta wada shaqeynta ciidamada iyo bulshada Boosaaso.

G/Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir, ayaa ugu baaqay shacabka gobalka Bari inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, kuna kalsoonadaan, si looga hortaggo kooxaha ku howlan amni darada.

Sidoo kale, Taliye Dirir ayaa uga digay Ciidamada Booliska in ay direys iyo hub ku dhex qaataan bulshada, xilliyada aysan ku jirin howlgallada, isagoo xusay in askarigii lagu helo laga qaadi doono tallaabo adag.

Gaadiidleyda ayuu tilmaamay in looga baahan yahay inay muujiyaan masuuliyad,  una hoggaansamaan shuruucda, waxaana uu intaa ku daray in dhowaan la geyn doono Boosaaso ciidammo cusub oo kamid ah ilaalada waddooyinka, si loo yareeyo jaamka ka jira waddooyinka magaalada.

PUNTLAND TIMES

1 Comment

  1. Issa(ID)
    Puntland fronto cusub oo dagaal ah, ayaa lagu furay si loo xadido,
    Wazaan ku talin lahaa in,sharciga xeerka ciqaabta dib u eegis lagu
    sameeyo,lana kordhiyo ciqaabta xabsiga,ganaaxa lacagta,iyo hanti
    la wareega(Guri)&(Gaadiid)kii lagu qabto, arrintan hadaan laga
    hor-tegin waxay suulineysaa ,diinta,dhaqanka,iyo asluubta bulshada,
    yaan la fududeysan,hala adkeeyo appealka iyo cafimta danbiyadaas,
    waa (Dhaqan-doorin) cad oo aan la dhayalsan karin waa in de deg loo
    xukumo lana wareejiyo sida ku cad sharciga ,Xabsiyada waaweeyn ,

    REPLY

Comments are closed.