DAAWO: Juxa oo sheegay in Siciid Deni u magacaabay ‘Hal arrin’

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta dawladda Puntland, Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda, ahna Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Wasiir Cabdi Faarax Juxa ayaa u mahadceliyay Wasiirka xilka ku wareejiyay, isagoo sheegay inuu ka shaqeyn doono dardargelinta hormarinta Wasaaradda.

Juxa ayaa sheegay inuu diirada saari doono hirgelinta hannaanka dilmuquraadiyeynta Puntland, si ay u qabsoomto doorashada qof iyo codka ah, bulshada Puntland-na u soo doortaan dadka ku matalaya Golaha deegaanka.

Waxaa uu xusay in magacaabistiisa xilligan halka sanno u harsan tahay Xukuumadda Madaxweyne Siciid Deni, ay muujinayso in uusan aheyn xil doono iyo xoolo doon, balse qorshuhu yahay dhaqaajinta hannaanka doorashooyinka qof iyo codka ah, oo dadka reer Puntland ku taamayeen 24 sano ee Puntland jirtay.

Mudada uu joogo ayuu tilmaamay in awooda isugu geyn doono qabsoomida doorashooyinka degmooyinka haray ee Puntland, maadama 3 degmo si tijaabo ah hadda looga qabtay.

PUNTLAND TIMES 

8 Comments

  1. Issa(ID
    (Hambalyo),(Mabruur),(felice),(Happy) Wasiirka Arrimaha Gudaga
    Dawladda Puntland ee Soomaaliya, Macalin Dr,Abdi Farah Siciid
    (Juxa), Waa nin loo habar-wacdo, waa geesi hiil iyo hooba leh,
    Waa waayo-arag guntimo furka siyaasadeed ku xeel-dheer. waa
    Macalin taxliiliya xujo walba, waa wadaad u tusbax-qaata, oo
    ku tufa, una xirsi xira xaajo walba,waa Nabad-doon aan sine
    loo doorin karin,waa taliye amarkiise danbe la qaato, waa
    macalin xisaabta ku raadiya(X+Y=O)(xaq+yaqiin=Olole doorasho
    Waa guul u soo hooyatay puntland iyo geesigeeda Dr,saciid dani
    Hambalyo, ka naxow nafta waa, wbt

  2. Waana ku kalsoonahay in juxa uu ka Mira halinayo xilka garbaha loo saaray Alle idankiis.

    Dagaanku waxuu si toos ah iyo si dhow u matalaa dadweynaha. Shaqsigii ku guuleysta dagaanada ugu badan… waa in uu haleelaa jagada madaxweynaha.

    Xisbiyada badan waxay kalifayaan isqabqabsi iyo isxagxagasho iyo Catoow badan….sida kasocota somaliland.
    Waxaa Haboon in tartamayaasha madaxweynaha ay si madax banaani ah u tartamaan… oo ay codka ka doontaan bulshada dagaanada. Sidaas Kaliya ayaa lagu xaqiijin karaa in aysan puntland u gacan galin daalim lasoo iib-geystay.

    Hogaamiyaasha xisbiyadu waxay halis ugu jiraan in ay u gacan galaan oo ay laaluushaan… oo maal gashadan… gacmo shisheeye… sida culusow… iyo cadowga puntland ee gudaha iyo dibada.

  3. geesi geesi dhalay walaahi waa ku dirsaday halyeeyga khamri dame iyo daraag manta ugu dameeysa puntlandi guuleeyso juxaa adoo yar ayaa halgan bilooday dadkaaga dulmika ka kor qaado walaalo khamriga iyo daraaga wax kaqabo qof iyo cod khamriga la dagaalankisa ka fiican ajar baad helin aduun iyo aakhiro

  4. ISSA(ID
    Juxa waxaa gacanta loo geliyay fayl(Dhudhun)ka dheer,sibraarne
    la dhumuc weyn, oo ay ku dhan yihiin liiska deegaanada & Dadka
    puntland oo koobay (Gar-cad)iyo (Geel-jire)iyo deeganada inta
    insigu dego(Dooxo & Caduun)iyo inta jinka puntland dego oo
    buur iyo boholo ah(Halalow iuo Hala-booqad)lana diiwan-gelin
    doono,Sawir iyo Aqoonsine lagu il tiri doono,inta ku dhaqan
    punyland oo wax doorata, Guul wbt

  5. SALAAMU CALEEKUM

    I am sure 100% JUXA AND SACIID CABDULLAHI DENNI can not go together. Both men are conservative. Each one wants to upgrade and execute his own agenda.

    However, let us wait and see what will happen in the coming year.

    SALAAMU CALEEKUM WARAXMATULLAHI WABARAKAAIHI

Comments are closed.