DAAWO: Madaxweyne Sayid “Al-Shabaab muddo kooban ayaan uga xoreynaynaa Jubbaland”

Dawlad Gobaleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay dagaal saf ballaaran ah oo dhowaan uu ku qaadi doono deegaannada ay maamulkaas ka heysato kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Madaxweyne kuxigeenka kowaad ee Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo maanta tababar u soo xiray ciidammo Boolis ah ayaa sheegay in Jubbaland muddo kooban deegaanadeeda uga xoreynayso Al-Shabaab.

Waxaa uu xusay in deegaanada aysan Al-Shabaab hadda ka joogin Jubbaland, ay xoreysteen dadka deegaanka oo is xil-qaamay.

Maxamuud Sayid ayaa tilmaamay inay diyaariyeen haatan qorshe ay ugu talagaleen in uusan dhicisoobin, loogana saaray Al-Shabaab deegaannada Jubbaland.

Hadalka Madaxweyne kuxigeenka kowaad ee Jubbaland ayaa kusoo aadaya xilli deegaanno kamid ah Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay ka soconayaan dagaalo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo maleeshiyaadka Ururka looga qabsaday deegaanno fara-badan, oo ay ku jiraan kuwo istiraatiiji ah, ayna heysteen muddo ka badan 10 sano.

PUNTLAND TIMES 

8 Comments

  1. Miyaadan ku quus qqadanay
    meydka dagaal oogaha ee loogu yeeri jiray Nabadoon Cilmi xagar ay maanta shabaab maydkiisa ku dul takbiirteen moryaantii iyo macawislaydii xitaa waa ay awoodi waayeen in mayd kiisa ka dhiciyaan caawa odaygii dagaalka oogaha ahaa madaxda waddanka tacsi iyo baroor diiq ugu soo dirayaan hoteekada xamar iyagoo wax ka qabani la kkk

    Waxaan maqli jiray nimaan geela kuu furi doonin yuusan kuu rarrin .
    Cidii maafiyada aan la arag ee alshabaab la dagaalantaa sidaa ayaa u dambaysa .kkk

  2. Kkk kan hadduu soo kacay waxbs kama socdo, doqon kii kale xoolaha ahas Fartaag iyo kan qaadku dilooday waa askartii Tigrey ka haray.
    Xaggee xoreyn karaa miyaaba loo ogol yahay inuu ankee ilaalo yeesho.

  3. Insha Allah Alle Shabaab waa ina dhaafshay. Way udhamaatay dhagar qabayaashi xayd xaydnaa.Horta All me mataqaan aad takbiirsatida? Jawaabtu waa maya.

    • JaaJuumoow, alshabaab ayaa tahay taa geersan dhiiga ay maalin walba das diyaan, mujaahudka dalkiisa iyo dsdkiisa ka xoreynaa yey musiibada cadowga somalia usoo direen burbyrinta dalka iyo dadka ayaa taageero u tahay. IP ADDRESS kaaga baa BACK TRACING ama rasd raac lagu samayn waa na lagu helin, arga gixisada inaa la jirto tahay an waa eedin. Duf kubax hooge…

  4. Issa(ID)
    Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajucuun,(Nabadoon) Cilmi Xagar
    (Aun) Waa(Shahiid) xafidan,geeridiisane ha ku danbaabin,arag
    oo akhri(Quraanka) sida (ALLA) u wanaajiyay(Shuhaadada) tan
    kale sidee ula hadashay(Madaxweyne K/Xig Dawlad dhan)oo sicad
    u iclaamiyay dagaal ku talo-gal ah oo qorsheysam oo dhawr
    plan leh, loona ebyay ciidan,hub,talis,saad,gurmad,& kartooyin
    kal duwan, lagana caawini karo badda iyo hawada,sidaa awgeed
    waxaa hubaal ah,imaad wax badan og tahay, la soco in dabin kuu
    yaal, ama gaagaabso inta ay goor-goor tahay, wbt

  5. Shabaab baan xureeynayaa amaay ku xigtaa, ragu go’yaye Dhuurtooyga gala?! Kkk
    Shabaab yaa Jubaland ka xureeyna, haddii aad Mareexaan Gedona ka baqeeysaan in aay idin qabsadaan haddii aay dagaalka ka qeyb galaan, Nimanka Ogaadeen iyo Kenyanka aad ka dhex Doobineysana aaysan bahasha hubsan?! Kkk
    War ninyahow godkaagii ku noqo oo iska Qayil, belo lama “Baafiyo” Shabaab Villa Soomaaliya ayeey haaystaane! Kkk

  6. Maxamud Sayid asagaa airportka markii la rabo laga ceshaa, wiilasha Ahmed Madoobe baa ilaalo u ah kuwiisa xataa ilaalo kama dhigan karo. Marka odeygaan maxuu ku xoreynayaa jubada hoose iyo jubada dhexe. HADAL MALLAGIIS GALAY DHEH.

  7. Issa(ID)
    Mudane Aadan Bare ,hambalyo sida aad ugu guuleysatay dorashadii,
    Dalka Kenya ka dhacday,& sida laguugu soo xulay inaad noqoto bundo
    xiriirisa dalalka walaalaha ah ee Kenya iyo Soomaaliya, adoo si
    walba ula tacaalaya dabar-goynta Al-shabaab oo ah caqabada hor
    taagan bulaalida iskaashiga amniga,ganacsiga iyo is dhexgalka
    labada shacab ee walaalaha ah,anagoo sii ambaqaadeyna kulana
    kaashaneyna, waxaa rajeyneynaa inaad sii(Fasho beertii)nabada,
    ee uu (Aun) yuusuf xaaji oo magool iyo ubax leh maanta,abaarne
    ku soo fool leedahay,dulin iyo subaacne u dheer yahay,taas oo
    (Godin lagu falo), (Gar loo dego), iyo (Gaashaan lagu ilaasho)
    Kaaga baahan,kuuna baahan, Gacal baad tehee Guuleysi wbt

Comments are closed.