DAAWO: Puntland oo fagaare ku gubtay khamri iyo xashiis fara-badan

Booliska degmada Burtinle ee gobalka Nugaal ayaa maanta fagaare ku gubay maandooriye isugu jira khamri fara-badan iyo xashiis, lagu qabtay howlgallo ay sameeyeen Ciidamadu.

Maandooriyaha oo koobnaa 34 kartoon khamri ah iyo afar duub oo xashiis ah, ayaa la doonayay in la galiyay degmada Burtinle, Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay gaarigii lagu waday iyo dadkii watay.

Taliyaha Qaybta Booliska gobalka Nugaal, G/Sare Xussen Cali Maxamuud oo goobjoog ahaa fagaaraha lagu gubayay maandooriyahan, ayaa boggaadiyay ciidamada Booliska degmada Burtinle.

G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa digniin u diray kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee doonaya inay dhibaateeyaan shacabka, isagoo sheegay inay ka qaadi doonaan tallaabo adag, ayna horkeeni doonaan cadaallada.

PUNTLAND TIMES 

2 Comments

  1. Issa(ID)
    Puntland fronto cusub oo dagaal ah, ayaa lagu furay si loo xadido,
    Wazaan ku talin lahaa in,sharciga xeerka ciqaabta dib u eegis lagu
    sameeyo,lana kordhiyo ciqaabta xabsiga,ganaaxa lacagta,iyo hanti
    la wareega(Guri)&(Gaadiid)kii lagu qabto, arrintan hadaan laga
    hor-tegin waxay suulineysaa ,diinta,dhaqanka,iyo asluubta bulshada,
    yaan la fududeysan,hala adkeeyo appealka iyo cafimta danbiyadaas,
    waa (Dhaqan-doorin) cad oo aan la dhayalsan karin wbt

  2. qabiilada xuduudka degan ayaa khamriga soo geliya waxaa kamida reer khalaf habargidir salema sacad reer bicdyahan leelkase mareexaan yaa wax ka qaban kara askarta laftoodu waa soo geliyaan dhinacaan hoowdka waxaa soo geelya isaaq hdhulbahante warsangewli qabladii ugu xooga badnaa ayaa waxaan ku jira Ilaah ka cabsan maayaan bin aadan haba sheegin reer baadiya bela bartay waa baaba’a somalida wax joojin kara maleh qabiladaas aan kor ku soo xusay waa dadkii amxaaro kaa celinjiray oo somali ku faani jirtay waxaa la helay meeshi somali laga dili laha daku wuxuu ku baxsan jiray lubaxyada geesyiinta geljiraha sharf iyo karamo loogu tegijiray khalaas mar hadii khamri shaqa looga dhigay somali haligantay xalane amisoon dadka qandaraaska khamriga iyo daraaga la siiyo waa qabilada xoga ku leh xamar sida habargidir abgaal murusade umad la rogaayo baan arka qabiil aan micna lahayn baa intaas isku heeysan dadkeena sida loo layn ma aragtaan miyaa?

Comments are closed.