DAAWO: Puntland “Waxaa laga baqayaa in firxadka Al-Shabaab soo galaan Gaalkacyo”

Dawlad Gobaleedka Puntland ayaa walaac ka muujiyay in maleeshiyaad kamid ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ay gudaha u soo galaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Wasiir kuxigeenka Amniga Puntland, Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan ayaa sheegay in gulufka dagaal ee ka dhanka argagixisada, kana socda goballada Hiiraan iyo Galgaduud, uu keeni karo in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay u soo gudbaan magaalada Gaalkacyo.

Cabdullaahi Cabdisalaan ayaa xusay in looga baahan yahay laamaha Amniga iyo shacabka inay iskaashadaan, lagana wada shaqeeyo sugida Amniga, isagoo ugu baaqay bulshada inay soo gudbiyaan dadka ay ka shakiyaan, iyo kuwa ay ka kireynayaan guryahooda.

Magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku naaloonaysay nabad iyo xasalooni, kaddib markii gacanta lagu dhigay shabakado Al-Shabaab katirsan oo ku dhawaad 15 sano dilal iyo qaraxyo ka geysanayay Gaalkacyo.

Xubnaha gacanta lagu dhigay ayaa lasoo taagay Maxkamaddaha ciidamada ee Puntland, waxaana 18 kamid ah maalin qura lagu toogtay bannaanka magaalada Gaalkacyo, kaddib markii ay ku cadaadeen dambiyadii loo heystay, laguna riday xukun dil ah.

Walaaca Puntland ee la xariira in firxadka Al-Shabaab soo galaan Gaalkacyo, ayaa kusoo aadaya xilli howlgallo ballaaran oo lagu beegsanayo Al-Shabaab ay ka soconayaan goballada Hiiraan iyo Galgaduud, waxaana Al-Shabaab laga qabsaday deegaanno fara-badan oo qaarkood u ahaayeen istiraatiiji, ayna ku lahaayeen saldhigyo waa weyn.

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa iska kaashanaya Ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka deegaannada ay heystaan, oo dhibaatooyin badan kala kulmay Shabaab.

PUNTLAND TIMES 

3 Comments

  1. Issa(ID) Cidanka difaca P/land,waxay ka dhashen halgan
    geesi,iyo garasho waayeel, waxay ku hubeysan yihiin,
    Iimaan iyo aragti isir, waa rag birmad iyo babac dhig
    adag ku beeniya duulaan kastoo cadow(Birtana calashad,
    kaan(BALAN MALAG) lahaynoow ka bax,sidii hore ka daran
    haloo (BAR TIRO) Garnal, Suuj,iyo Garacad(Birta ku asla)
    waa qorshihii (xasan shabaab)waxaa loo diyaariyay(Kaarto)
    tab dagaal ah oo taariikhi ah, jeneral moorgan iyo yaasiin
    iyo jananadii taliska oo idil,maadaama puntland ku dagaal
    geleyso (Iimaan)in kaartada dagaalka lagu sunto geesigii
    (Dhaariq ibnu siyad) oo yiri markuu gudbay Gibulater oo
    Spain tegay(Ayna mufari,al baxru waraaikum,wal-caduwu amamakum)
    marka xasan (KAFANTOODA) ha soo siiyo,biyo(TOW-XIID)ha cabsuyo,
    Dhalinyartan waxaa amar lagu siiyay aragti badda dhexdeeda inay
    ku kar-)kariyaan(For fun,like american seal)xasan (2O12-2O17) to
    (2O22-2O–)waa (Qabyo ninkeedaa dhameystira) riyo maalmeed wbt

  2. Waxaas waa indho sarcaadin iyo biririq beryo la jilayo si dawlada Xasan u qalado caalamka ugana hesho taageero dhaqaale iyo hub waana iskasoo dhamaan marka dantaas laga gaaro bilowgana laysu muujiyo xukuumad wax qabad samaynaysa oo koonfur amni kusoo dabaalaysa.
    Mida kalena waa in hubka dawlada lagu hubeeyo beesha Xasan Shiikh inta maliishiyo la hubeeyo oo la leeyahay shabaab bay la dirirayaan.
    Reer Hiiraan baa wax ay ia daacad tahay dagaalkaas jira.
    Shaki ma laha inay laba shabaab wada shaqaystaan.

  3. Kacdoobka qabaa’iladan sida Hiiraan ka muuqata waa natiijo dhab ah, jugta Shabab ku gaarteyna waa shaki la’aan. Sida Sufo ladagaalankooda Shabab aanu ka baraney,Ammanka puntland wixii xiga dhulkaa oo la diririra waa u faaido. Wixii Farmajo inta ciidan sameeyay uuna ku shaqeyn iyo kacdoonkan in uu Xasan ka faa’ideystaa la’arkaa… Waayo:

    Sidii Dammu-jadiid iyo Maxaakim u asal caqiido iyo Shabab kala fogaade. Nibankan fidnadii ay ahayd in ay isla qarsadaan bareer ula taagan, hada in layska qabto, danohooda siyaasadeed iyo mabda’ diimeedba hada isku badal. Sidaa darteed…
    Walaac ma jiro, ugu yaraan waayo waa laga nasan, hadii Allen waafajitona Farmajo ciidankuu ka tagey iyo Shabab, maantey waa nin laf iyo dhagax isla helay. Let’s all see and watch.

Comments are closed.