DAAWO: RW Xamze Aar “Waxaa naga go’an in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka Tiirka Xorreynta iyo Sugidda Amniga, kaas oo loogaga arrinsanayey howlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo kacdoonka dalka lagaga xoreynayo.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha dib-u-xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin Argagixisadu iyo xasilinta goobaha la xoreeyo, si loo gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada ee ay nabad-diidka ka curyaamiyeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey ciidamada geesiyaasha ah oo kaashanaya bulshada ee ku guuleystay xoreynta deeganno ay ku dhuumaaleysanayeen nabad-diidka, isagoo tilmaamay muhiimadda baraarugga shacabku uu u leeyahay qorshaha xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Hay’adaha Amniga iyo ciidamada Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan habeen iyo maalin xaqiijinta amniga shacabka, waxa uuna sheegay in Xukuumadda ka go’an tahay in guud ahaan dalka laga xorreeyo nabad-diidka Al-shabaab.

PUNTLAND TIMES 

11 Comments

  1. issa(ID)
    Axmed (Kor waayeel waa wadda kas,hadusan ahayne
    waa wado indho) xamse waa nin dooran,oo dad
    leeyahay,ee adigu ma duubane (DAREENKAAS)qab,
    tan kale, hawlaha dagaal gelinta & xoreynta,
    jartaadu noqoto(Tanaan degay,tu kalane ii laaban)
    oo macbageedu yahay(intaad hayso ku tuugso) tii
    la qabtane (Amaankeeda iyo lahaanshaheeda sugo)
    si gaar ahaaneed(KISMANYO) & Nawaxiga(Beer-xano)
    ka sifee dadka aan u dhalan,nine ha kala tashan,
    Puntland taabo oo talo iyo taageero ka doon,dani
    u hooyo kuna hagoogo, wbt

  2. Siduu Alshb kaga xoreeyn Soomaaliya iyadoo wasiirada 45% ay ka mid ama u qalbi nugulyihiin Alshb? Just look at those sitting at the table like Fiqi.
    It’s as clear as day light that a path of war has never or will never end Somalia’s protracted war. It will always morph into new phase never imagined before.

    Can Xasan Shiikh take the simple steps and swallow bitter pills and seek a mediation through countries like Qatar? Like Afghanistan.

    Otherwise reading too much foreign PowerPoint presentation,scenarios and huu haa won’t solve anything.

    This is a tribal people nation.
    AREYGA TOL WAA WAX KALA GO’NAA OO LA ISKU TOLLEY,WAX LA TOLEYNA WEEY KALA DILAACI KARAAN .

    Maskaxda ha shaqayso,drone wiil caddaan ah oo cabbaya REDBULLS si remote ah u wado xal kuma imaanayo.
    We ask Allah’s help for our people,Always.

  3. Issa (ID)

    Xitaa qoskaa aad rabto in aad talo siiso sida Xamse, si kalsooni leh uma siin kartide adoo Ashuun ku addamaya ayaad siineeysaa! Kkk

    Waa maxay ducfi iyo cabsi uu ku koray, duf ku baxe ma wixii aay Doomaha la soo caariyeen baa?! Kkk
    War Beerxaano Ashuun lagu addamo iyo gunuunac laguma xureyn karo ee kor u Qaayli! Kkk

  4. Kkkk

    Deni U HOYO kuna Hagoogo kuye

    Marka hore maxaa looga hoyan Barasaab Deni, ileen Codkuu helay xitaa uma geyn Rasal wasaare, let alone Madaxweyne.

    Marka labaad nin u jiran Kursigii ugu horeeyay Abid oo Ogaadeen ku fadhiisto, ma asagaa hoyan mise waa loo hoyan.

    Xigmad malihid Xin iyo Xiqdi maahane.

    Deni is a looser, waliba Kursigiisa ayaan u soo wadnaa Wasiir Haruuse.

  5. Issa(ID)
    Doqon baad tahay,ri’yo ku nool ah,oo raga aan wax
    la qaysan aqoon,sheeko aan laguu hayn baad dhexda
    uga soo dhacday (Magacaas baa ku raacay) dayso ama
    si cad oo xaal ah isaga(reeb) tan kale siyaad (Aun)
    wuxuu ahaaba teg,ha ku faanin,hana ka faanin,anaga
    meesha FORMAJO raga godobta uga galay ninkii dagaalka
    u galay,oo dhiiga u huray dib u dhiskii dawladnimada &
    kii ku meel-gaarka ka saaray,midne ma sheeg sheegano,
    laakiin waxaa idinka mareexana iyo hawiye idin mideyay,
    cawaanimo,faan,cay,iyo wax raga qiimo tira,siyaad iyo
    caydiid weli waa idiin nool yihiin,anagu cabdulaahi
    (Aun), cabdiweli gaas carurtisu u xiirtaa,adiga ama gar
    bax oo magaca fadaare isaga reeb, ama sidaa u sido, wbt

  6. @Issa,
    Fadlan qoraalka iska wanaaji, waxaad sheegayso cidina garanmayso waa lagu wareeray ujeedadaada dhabta ah. Dubbe qaado oo finiin kaga duulduuli. Xanaaq oo indhaha gaduudso, deedna mid aad sanniftay laba derbi kala bood sidii aar libaax oo reer u soo dhacay. Waa ku sidee sallacalee!

    Tankale, Xamze waxaan oran lahaa sheekhow faan weynaa. Waar Xamzow nimankani waa qowlaysato sidii Sheekh Cabdulqaadir dhulka taaka-taako ugu jira oo ku xididaystay waxaana la dagaalami kara oo suulin kara nin raggiisa wata oo Soomaali israbta horkacaya. Sowkan madaxweynahaagii 4.5 beelood hal beel keliya ku bururay oo bartuu u dhaqaaqaba shanta tahriibta ah sii walwaalayo. Soomaali midayso oo isu keen intaadan rag ku duulin. Talo nin waayeela dheh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*