Dagaal ka dhex qarxay dalalka Kyrgyzstan iyo Tajikistan

Wararka ka imanaya badhtamaha qaaradda Aasiya/ayaa sheegaya in dalalka Kyrgyzstan iyo Tajikistan, inuu dhex maray iska hor-imaad dhimasho iyo dhaawac badan geystay, kaas oo ka dhacay xuduudda ay wadaagaan, labadan dal ee hore uga mid ahaan jiray Midawgii Soofiyeeti ee burburay.

Kyrgyzstan ayaa sheegtay Axaddii in illaa 36 qof ay dhinaceeda ka dhinteen, halka ay dhaawacmeen in ka badan 129 qof, ka dib dagaal dhex maray ciidamada labada dal, intii u dhexeysay Bishan September 14-keedii illaa 16-keedii.

Labada dal ayaa midba kan kale ku eedeeyey inuu bilaabay dagaalka, isla markaana uu isticmaalay taangiyo, madaafiic iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayd ee wax duqeeya, waxaana weerarkaas ku dhintay illaa 54 qof oo labada dhinac ah.

Xuduudaha dalalka ku yaalla Aasiyada Dhexe ayaa ah kuwo muran badani ka jiro, taas oo ay ugu wacan tahay, habkii uu u jeexay Midawgii Soofiyeeti.

Kyrgyzstan ayaa sheegtay inay goobaha lagu dagaalamay ay ka daadgureysay illaa 137,000 oo qof, kuwaas oo la dejiyey meelo ammaan ah.

Tajikistan illaa haatan kama hadlin khasaaraha rasmiga ah ee ka soo gaadhay weerarkaas, balse ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in dhimashadu ay ka badan tahay illaa 30 qof.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey xabbad joojin, hase ahaatee marar kala duwan waxaa dhacay duqaymo kala duwan.

Reuters/VOA

PUNTLAND TIMES

2 Comments

  1. Allaah Kareem

    Dad muslima isku dad ah baa calam iyo xuduud beena lagu seejay if iyo aakhiroba.

    Dadkani waa awlaadii ragii islaamka Europe gaadhsiiyay, maantana xoogaagii shuuciyada kasoo doogay baa hubka laysugu dhiibay.

    Allaah Kareem

  2. Amxaar galbedoow kuwaas aad u calaacaleeyso hakuu dambeeyaanee, ogoow in mar dhow jamhuuriyada samaale iyo kilika shanaad ee daba dhilifyada hooyga u ah ay barxada dagaalka isugu imaan doonaan, waxaana rajeeynayaa in dhasha ogaadeen ee amxaaradu soo dirsatay aan dhulka ku darno, oo aan ka dibna itoobiyoo idil kala tuurno insha’allah, ee bal in yar naga war sug.

    Shit amxaar galbeed adigga iyo shabaaba isku si baynu idiinla dagaaleeynaa ee is diyaari, no bufferzone no hal taako oo soomaliya ka mid ah oo ay amxaaro iyo dhashooda ogaadeen taaban karaan ama taaban doonaan. Bye.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*