DEG-DEG: Jamaal Carab oo loo magacaabay Agaasimaha Sirdoonka Puntland

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa loogu magacaabay Jamaal Carab Yuusuf, Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Puntland ee PISA.

Jamaal Carab ayaa goor-dhaweyd laga qaaday Wasiirka Qorsheynta Puntland, oo loo magacaabay bishii April, isagoo sidoo kale soo noqday Agaasimaha Guud ee Telefishinka iyo Raadiyaha Puntland.

Hoos ka Akhriso wareegtada Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 61 ee 23-da Sibteembar 2022 kuna saabsan magacaabid Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dawladda Puntland (PISA).

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dib u habaynta hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dowlada Puntland (PISA).

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/guuto Jamaal Carab Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dawladda Puntland (PISA).

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

PUNTLAND TIMES 

3 Comments

  1. Maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
    Waxaa la dhisay August 1998.waa mudo laga joogo ku dhawaad
    rubac qarni,waxaa nasiib daro ah in maamuladii kala danbeeyey ee
    soo maray,aysan weli samayn maamul hufan oo shaqayn kara.
    Puntland oo hadda ka baaxada dagaysa ,dhibaatooyin fara badan oo
    sy u horay si macaluusha baahsan,oo xoolihii baabe’een iyo dadko oo gaajo u dhimanaya,ayaa maamulka madaxwaynaha Puntland ee Deni uu haddba,xil magacaabi mash quul ku noqday.
    Puntland iyo maamul goboleedyada,waxa ay u baahanyihiin Ciidanka
    Baaritaanka danbiyada ee Booliska ( C.I.D ).
    Ciidan sirdoon u ma baahna,waayo Ciidankii Booliska ee maamul
    goboleedka Puntland ayaan weli ahayn ciidan si fiican loo dhisay.
    Madaxada Ciidamada Booliska ee Puntland,sida Soomaaliya oo dhan jirta,oo dhan mid ka soo magacaabo,darajada a waa mid nagac u yaal ah.
    Waxaa tussale u ah,ninka General ka la leeyahay,ee sirdoon aan loo baahanyn loo dhiibay,waxa oo dhan ayaa magac u yaal.
    War shacabka Puntland,waa in ay dantoida u kacaan oo ay gartaan,oo ay maamul ay iyago doorteen ay xilka dalka u dhiibaan.
    Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan abaarta iso bedeshay macluusha ALLAHA ka bixiyo.

  2. A a Elmi adeer qofka markuu ka hadlo wax uusan aqoon u lahayn waa iska adoo kale , malahayga waxaa kuu haboonayd inaad daristo oo aad ogaato xogta ciidanka nabad sugida Puntland goorta la asaasay iyo shaqada ay qabtaan. Waxaad u hadashay qof xanuunsan oo caloosha ka jirin kana xun Puntland iyo jiritaankeeda adigoo iska indha tiraya awooda maamul iyo nidaam ee Puntland ka jira inuusan meel kale oo somali degto ka jirin waana nuqsaan kugu kooban adiga. Waxaad kusoo celcelisay maamul gobaleedyada dhowr mar balse waxaad ilowday in maamulada dalku ay magaca ka isaga egyihiin balse macna ahaan aysan shaqo isku lahayn Puntland ay tahay tii dhashay oo asaastay Villa wardhiigleyda fadhi baradka ah. Waxaad isku dayday inaad dayax sacabo ku qariso lkn kuma qarin kadhid waayo Puntland waa maamulka kaliya ee maamula 3000 km oo dhul ah iyo 4500 km oo bada ugu dheer Africa ah oo aysan joogin ciidamo shiishe kuna filaatay amnigeeda iyo horumarkeeda waa meesha kaliya ee somaliya ah oo ay ka socdaan boqolaal mashaariic ah oo waawayn dunidana hiigsanaysa, Puntland waa meesha kaliya ee qof kasta ee somaliya markuu tago dareemo la haansho dal uu leeyahay oo laga lahayn amni iyo barwaaqo ah kana xor ah ajnami oo aan xalane. Hadii marka adigu homless tahay oo deegaankaaga aysan nololi ka suuroobin dad iyagu deegaankoodii dhistay nidaam iyo dowladnimo ka hirgaliyay inaad jealous ka noqoto waa kuu doqonimo waxna kuuma siyaadinayso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*