DEG-DEG: Madaxweynaha Galmudug oo loo sameeyay muddo kordhin

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa muddo kordhi hal sano ah u sameeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Hay’addaha kale ee dalka.

Kulan saaka ay yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayay muddo-xileedka Madaxweyne Axmed Qoorqoor uga dhigeen 5 sano, waxaana ogalaatay 56 Xildhibaan, mana jirin cid diiday.

Dawlad Gobaleedka Galmudug ayaa noqonaya maamulkii saddexaad ee muddo kordhin loo sameeyay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka, waxaana dhowaan sidaas oo kale hal sano lagu kordhiyay muddo-xileedka Madaxweynaha Jubbaland iyo Bqarlamaanka, halka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen loo kordhiyay hal sano waqtigii dawladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

PUNTLAND TIMES 

1 Comment

  1. Issa(ID)
    Madaxwyne Qoor-qoor hanbalyo,waxaan kuu aqoonsanahy
    inaad tahay ninkii dhisay gal-nus mideysan oo ogol
    dawladnimo dhab ah,waxaam qirayaa inaad tahay nin
    Qooqan oo qoor & xilo ku furay inusan QOOL danbe
    loo soohan,(member of inter regional states of SFR)
    Wbt

Comments are closed.