DEG-DEG+AKHRISO: Madaxweyne Deni oo xilkii ka qaaday Wasiiro uu ku jiro Abgaal, magacaabayna Juxa

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 59 ee 23da Sibteembar 2022 kuna magacaabid Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

B Bedel

1. Waxaa Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

T) Magacaabid

2. Waxaa Cabdi Faarax Juxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.

3. Waxaa Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga

4. Waxaa Maxamed Cabdiwahaab Axmed loo magacaabay Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.

5. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheikh Aduun) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.

6. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.

DHAMMAAD

PUNTLAND TIMES 

20 Comments

  1. Deni waa xariif wuxuu rabaa inuu iska horkeeno Juuxa vs Haruuse
    Qolada leh Hagbadda Maamul beeledka Maxamuud Saleman.

    Deniyow u shaqee shacabka Abaaruhu rafaadiyeen.

    Doorasho waxaa ka horeeyo in la ogaadey tirada dadka ee Xaafadda Faroole iyo Xaafaddaada oo lagu darey Jareertiina.

  2. Dastuurka Puntland waxaa ku qoran;

    “Inta laga dhammaystirayo Dastuur federaal ah oo Puntland ansixisay
    (ratified),dabadeedna afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay
    lahaaneysaa awood Dawlad madaxbannaan.”

    Waxaa qodobkaan cadaynayaa in Puntland tahay dawlad madax banaan;

    – inta dastuur federaal la qorayo
    – aftina laga qaadayo shacabka Puntland oo dastuurkaa ansaxiyaan

    Labadaa arin midna ma fulin weli ee maxaa Puntland uga cabataa markasta in
    aanay caawimo dhaqaale ama ciidan ka helin dawlada Xamar???

    Wax aan kula cunu cidkalena wax ila cunimayso weeye xaalka Puntland!kkk
    kkk kkk

  3. Aaran ibliis vs siciid daneeste kkkkkkkkkkkkkkk

    Wallee ciyaarta tuulada garoowe ka socota ee labada kooxood ee caloolaha waaweeyn ee daba dhilifyada ah u dhexeeysa meel fiican oo xiiso leh beey mareeysaa, kkkkkkkkkkkkkkkk balse aan ka war sugeeynaa halka ay ku dhamaato iyo cidda hanata guusha.

  4. Sidee reer Nugaaleed isugu heleen wasiirka arimaha dibada ee federalka, wasiirka arimaha gudaha Puntland iyo qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah.

  5. Soomaalidu waa dad masaakiin ah laakiin ilaahay wuxuu gacanta u geliyay ma naxayaal.
    Mar dhow baa arki doontaa iyaga oo la kala safan ma naxayaashaa.

  6. Dastuurka Puntland waxaa ku qoran;

    “Inta laga dhammaystirayo Dastuur federaal ah oo Puntland ansixisay
    (ratified),dabadeedna afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay
    lahaaneysaa awood Dawlad madaxbannaan.”

    Waxaa qodobkaan cadaynayaa in Puntland tahay dawlad madax banaan;

    – inta dastuur federaal la qorayo, dawlada Puntland-na ansixinayso
    – aftina laga qaadayo shacabka Puntland oo dastuurkaa ansaxiyaan

    Labadaa arin midna ma fulin weli ee maxaa Puntland uga cabataa markasta in
    aanay caawimo dhaqaale ama ciidan ka helin dawlada Xamar???

    Wax aan kula cuno cid-kalena wax ila cunimayso weeye xaalka Puntland!kkk
    kkk kkk

  7. Majeerteen ayaa Siyaasad yaqaana ha iga harto! Sow nimankii Culusoow oo aay horay fara oga soo gubteen oo illaa iyo Buurtinle Hawiye ayaa leh yiri Farmaajo ku beddeshay maaha?!

    Cuqubo Mareexaan ayaa idinku dhacday!?

  8. Faroole ayaa galaaftay Xasan Shire misana wiik uu adeer u yahay Deni xil u magacaabay.
    Deni nin codka Ciise Maxamuud u keena ayuu rabaa ee nin damac leh ma rabo oo kursiga kula loolama.
    Sheekadii tookadeena waa dhamaatay ee doorashada qof iyo cod halaysu diyaariyo.
    Isim laaluush qaate ah oo xildhibaan soo saara inta lacag ka qaato iyo xildhibaan musharaxiinta lacag ka qaata waa dhamanaysaa oo doorasho cadaalad ah baa Deni wadaa ee ha lagu taageero oo shacabka cod haloo raadsado.

  9. Maxamed Siciid Faroole waa ninka c/raxman Faroole iyo wiilasha uu dhalay aduunka u neceb yihiin. Caawa baa Deni iyo Faroole dagaal cadaysteen.

  10. Qolyaha reer somaliland ee bogan faalada ku qoraa ma muuse
    Biixi ayay kasoo cararaan, ileen somaliland malaha meelo qofku afkaartiisa ku dhiibto.

  11. XADE SXB MAREEXAAN AYAA WAXAA KU DHACAY CUQUBO MAJEERTEEN, MAR KASTA OO AY KURSIGA MADAX WEYNAHA KU GUULEYSTAAN WAXAY KU MASHQUULAAN IN AY MAJEERTEEN U TUSAAN SOOMAALIDA KALE DAD AAN WADANIYIIN AHAYN, SOOMALIYANA BUR RUNAYA.
    XADE SXB MAREEXAAN WAXAY NOO SOO ISTICMAALAAN DAD CADOOW AH IYO CAYAYAAN SIDII GOODAX BARRE OO LA OGAA NACEYBKISI.
    XADE PAGE CUSUB INUU DAAROOD FURTO AYAA ILA WANAAGSAN.
    IIDOORKA MEELAHAAN WAX KU SOO QOR QORAYA MUUSE WAAL KA WARAMA?
    FEYSAL FATAAL IYO CIRRO WAXAA GUMEEYAY MUUSE WAAL TAA KA HADLA YAA IIDOOR.

  12. Adna gabadhii Cali Salebaan sheekaday qarxisay ka sheekee zxb ee ay tidhi waa laga wakiil qofka beeshaas ah oo hadaan qof Maxamuudiyada ah wadin shaqo walaa inaanu safri karin?!!!!!
    Oo Mj baaba qaar soo galooti ka dhigteen show!!!
    Dhulbahante iyo Warsangeli maxaa u yaal waa u jeedaan meesha e?!!!

    Doorasho qof iyo cod ah baan qabanaynaa kkk
    SOMALILAND MA U EKAHAY?
    Ciise riyoole ayaa ciidaynaaya sidii looga ciideeyay markooda waagii Faroole.
    Deni oo la caydhiyo baan sugnaa sidii Gaas iyo nin Ciise M ah oo kursiga yimaada Moorgana caydhiya intaan dagaal arintaasi sababin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*