Ma dhab baa in XASAN ABGAAL diiday wareejinta Wasiirka Maaliyadda?

Sida ay ogaatay Puntlandtimes, waxaa xal hoose laga gaaray dood ka dhalatay xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Wasiirkii Maaliyadda.

Xasan Shire Abgaal, ayaa si dadban uga horyimid xil ka qaadista uu ku sameeyay Madaxweyne Siciid Deni, isagoo sheegay in uu ka maqan yahay dhaqaale fara-badan.

Dhaqaalaha ka maqan ayuu sheegay Mr. Abgaal inuu ku bixiyay dib-u-habeynta Ciidamada Puntland, intii uu ahaa Guddiga Dib-u-habeynta Ciidamada. Xasan Shire ayaa intaa ku daray dhaqaalahan uu ka bixiyay akoonadiisa gaarka ah.

Sarkaal katirsan Madaxtooyada Garoowe, ayaa sheegay in Siciid Deni uu tuhuno badan galiyay sheegashada Wasiirkiisii Maaliyadda ee habeeno kahor xil ka qaadista uu ku sameeyay, balse wada-hadalo iyo dhex-dhexaadin kaddib la gaaray is-afgarad.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inuu Xasan Abgaal, oo mar ahaa Wasiirka ugu awooda badnaa Xukuumadda Madaxweyne Deni uu wareejiyo xilka, waxaana xafiiska Maaliyadda Puntland hoggaamin doona Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo loo tiriyo Wasiirka uu kalsoonida badan uu ku qabo hoggaamiyaha Puntland.

PUNTLAND TIMES 

2 Comments

  1. Lacag lix malyan ah oo federaalka ka timid baa u sabab ah dagaalka Deni iyo Aaran jaan oo xilka looga qaaday Xasan Shire.
    Lacagtaas in khilaafka ay keentayna waxaad ka garan sida Xasan Shire ugusoo qortay deeynta uu leeyahay dawladaan ku leeyahay oo ciidan baan ku dhisay.
    Ciidanka la dhisayo miyaan loo qorshayn wax dhaqaale ah?!!!

  2. Aaran jaan ma shido yara.
    Baarlamankii gacanta ayay xataa ku dhigeen mana u malynahayo inay jirto beel isku xumeynaysa maadaama casuumada la wada martiyo.
    Awal iyakaa weeraray Dhoobe daareed kana waa la heshiiyay intaan la tuurin.
    Bal aan fiirino cida guuleysata Aaran jaan vs Deni

Comments are closed.