Madaxweyne Xasan Sheekh oo kusoo laabtay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu ka qeyb Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynuhu inta uu ku sugnaa Maraykanka waxa uu xoogga saaray;

-In Madaxda Adduunka uu la wadaago halganka muuqda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay wadajirka u bilaabeen ee la xiriira xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisadu.

-In la xoojiyo, lana dardar geliyo gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Abaaraha, isagoo xaaladda adag ee ka jirta dalka la wadaagay Beesha Caalamka.

-Madaxda dalka Maraykanka waxa uu ku adkeeyey dhibaatada argagixisadu ay ku hayaan xasilloonida Gobolka iyo muhiimadda ay leedahay doorka ay ka qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

-Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) waxa uu kala hadlay in mashaariicda horumarineed ee dalka ay ku fuliyaan lagu saleeyo baahiyaha dhabta ah ee ay qabaan shacabka Soomaaliyeed, taas oo ay aqbaleen, saameyn wanaagsanna ku yeelanaysa horumarka Soomaaliya.

-Waxa uu kulan-doceedyo la qaatay Madaxda dalal walaal iyo saaxiib la ah dalkeenna, si u xaqiijiyo taageerada diblumaasiyadeed ee muhiimka u ah midnimada iyo xasilloonida dalka.

PUNTLAND TIMES 

16 Comments

  1. Issa(ID)
    Xasan wuxuu xamar ku soo noqday,aydoo beesha caalamka ay xog
    ururin ugu jirto falaadkiisa,dibadane af-buuxa loogu sheegay
    in talada dalka loo dhamaado,Shacankuna yahay kan loo adeego,
    ee uu masuulka ka yahay,ayagoo u sheegay in uu dagaal ooge
    noqday, xasan deeqdii abaarta waxaa loo wakiishay world food
    programe iyo usaid,Lacagtii Somaaliya dibada u yiilne waa loo
    diiday ayadoo la tixeliyay warbixintt(Yusur Abraar) Arrimaha
    hubka waxaa loo sheegay inuu la xiriiro guddiga u xilsaaran,
    xasav waxaa u meel maray i(XANBAAR) uu ku gudbiyay 3O Ruux iyo
    Khudbad uu oubtland kula kaftamay oo habro reerihiisa ah ugu
    sacaba tumeen, wuxuuna soo noqday asagoo (Qosol iyo Qamuunyo)
    la tiicaya kana cabsi qaba beesha 6aad, Allow Alle wbt
    waxaa mugdi geliyay (MACAWISLEYDA) & Puntland oo dacweysay,

  2. Well come back Madaxweyne

    Dowladdii waa daadageynayo Rasal wasaare Xamza

    Amnigii Xamar waxaa jidka saarey Mahad Salaad, Barasaab Madaalena jidkuu ku soo jiraa.

    Taliye Odawaa iyo shacabku waxay u jeesteen Amniga dhulka u dhaxeeyo Galkacyo to Kenya.

    Arimaha dibaddana waa adiga Jaalle Madaxweyne.

    Guul iyo midnimo

    • Khalid

      Soo ma tihid nijaaska dabshid ku soo gala Kalshaale?!
      ma inaad dhuuman kartaad ismooday?! duf ku bax wuxu caqli xumaa!

      adaa iskashifay! nin raga noqo oo magacaaga iyo cidaad tahay ku soo gal golaha!! ina gumeed ina gumeed dhalay!

  3. Issa(ID)
    Khaali abaayo sida uu saaxiibkey jim-belo kuu sheegay madasho
    Gabdhaha waa lagu soo dhaweeyaa,fikradoodane si asluub leh bey
    u dhiibtaan, hays martiyeeynm aragtidaada iyo magacaaga ha ka
    cabsan inaad xusto, wbt

  4. Ummaddaad daryeesha dibedda iyo gudahaba habalyo kuugu deeqdee na daadihi Madaxweyne Xasan Sheik..Halyey qaran, haddaan wadadii cadayd cagta saarnay.

  5. Culusoow 4tii bilood ee uu Villa Wardhiigleey dhex fadhiyey waxaay isaga iyo C. C/shakuur Boorso maran oo magaca Abaarta lagu tuugsanayo la dhex wareegayeen Dunida, weli yaa arkay iyaga oo hal kiilo oo Qamedi ah dad dhiban siinaya?!!!!!!

    Mashruucii isaga ahaa markii uu shaqeyn waayey ayeey Culusoow iyo beeshiisa billaabeen mashruuc cusub oo aay doonayaan in aay ku faaruqiyaan, Hubkii yaalay Bakhaarada Muuqdisho oo aay doonayaan in aay iibsadaan! Kkk
    Waxaan maqlay in Hubkaasi in wax laga siiyo loo diiday, Axmed Madoobe oo codsaday, K. Galbeed iyo Puntlandna maba weeydiisay!

    Aryaa Shabaab AA dalka laga xuree Haa! Shabaab ma Hawiye ayaa xureeynaya?!! Kkk

  6. To: Isa.
    War nin yahow cidi waxaba kuuma diidinay is martiyeenta iska dhaaf. Mida kale Hassan waxba looma yeedhin maraykankana si aad u sharaf badan ayeey uso dhaweeyeen ulana dhaqmeen. Waxaa lakulmay Waziiradii wadanka ugu muhiimsana. Sida waziirka gaashaadhiga, waziirka Arimaha dibada, national securitigah iyo madaxwaynihii wadanka maraykana. Hassan markuu London tagay kumuusan jirin madaxdii baska lagu qaaday ee maamuus gaar ayaa loo sameeyey asaga iyo madax kale oo fara ku tiris ah. Walal sodhawaynta bini adam waa wax qiimo yar laakin waxaan ogahay in dad badan oo halka yimaado in ay arintaasu macno ugu fadhido. Riyada puntland ee ah in ayada ay wax uyeedhin karto Dowlada federal ka ah waa mid qaldan. Anigu ma arko in cidi rabto Xaqiraad puntland. Mana suurtagal aho in la duudsiyo wax ay xaq u leedahay.
    Laakin laga yeeli mayo ishortaag arinkasto ooy isku raacaan inta badan sida soo Saarka shidaalka. Socon mayso ciidan si wayn utababaran oo dowladaha ugu tayo iyo taba roon soo tababareen hala burburiyo si aan Hadeer qayb uga noqdo. Yaa kuu diiday awal hore adiga iska uga maqnaadee. Sababta ugu wayn sidaas wax unoqdeen ayaa ah
    1. In puntland khilaaf kala dhaxeeyey Dowladihii
    Abdiqaasim Salaad Hassan, Shiekh Shariif Shiekh Ahmed, Hassan shiekh Maxamud,iyo Mohamed Abdullahi Farmajo. In kastooy puntland inta badan raisul wazaare ka ahayd dowladahaasi. Hadii isu dheelitirnaan la aan ciidan ay jirto waxaa ka masuul ah puntland oo diiday in ay lashaqayso dowlad kasto oo timid.
    Si murakan daba dheeraaday loo so gagabeey. Dowlada federalka ah
    Waa in ay baadhida iyo soo saark shidaalka kareebto xeebaha puntland. Ilaa iyo inta is afgarad laga gaadhayo.
    Haday dowlad goboleed yada intooda kale iyo dowlada dhexe,isku racaan baadhida shidaalka xeebahooda. Xaq bay uleeyihin in ay arintaasu ku dhaqaaqaan. Geesna Isaga dhigaan kii hore ee wada jirka aha maadaamo la isku waafiqi waayey micni hiisu. Hadi sidaa la yeelo waxa laga bad baadaya
    1. in puntland dhahdo waxbaa la iga boobay.
    2. In qolooyinka kale yidhahdaan khilaafka ka imanayo puntland ayaa khayraadka yagii naga hortaagan. Waxaan qariyey seismic testigi lagu baadhay badeenu waxayna cadaysay baadhidu in huduu shidaal jiro udhow dahay in laga helo inta udhaxaysa Kismayo iyo Hobyo.arintaasu waa public information indinkaba waad aqrin kartiin ama mapka ayaad eegi kartiin oo wiu calaameeyey kanbanigii baadhida sameeyey. Ugu danbayn arinta maleeshiyaad dagaankee la dagaalamaya Shabaab dowladi ma hubayn ee ayaga ayaa huberysnaa 30 kii sanee lasoo dhaafay. Arintani weey ka iman kartaa dhibaato laakin wax cusub ma ahan. Waagi dagaal oogayaasha lala dirirayeybo isla maleeyishiyaadkan aya inga saaray dagaal oogayaashi. Isla maleeshiyaakan ayaa buburiyey hamigii males zanaawi. Sideedana maleeyshiyaadka rayadka ee hubaysan aduunyada caan bay kayahiino wayagaa ka dagaalamaya Ukraine. Wayadii maleeshiyaadkii qabiilada sunigee Iraq dagaalamay iskana alqaacida. Puntland waxaa uhaboon in ay xoogageeda iyo maleeshiyaadkeedaba ku biiriso halganka socodo si aysan hadhoow marti uga noqon guusha.

    • To Guray

      Hadal badnidaa oo xigmad yaridaa!
      ma waxaad la soo shirtagtay culusow baa si gooni ah loo maamuusay!
      war yaan lagugu qosline dhuumoo, mooryaanta adigoo kale ah ula tag sheekada raqiiska ah, adoo soo jeedaad qarwaysaa!! culusow suu isaga daba wareegayo buu wakhtigu ka dhamaan! ninku dhoof jecelaa
      waxaa igu maqaala ah inuu isxambaar ku kexeeyey 30 reerkiisa ah..kkk.. ninka ha loo sheego inuu dal madaxweyne u yahay! meeshuu tagaba waa bahdilan yahay! isagaana isugu wacan in la bah dilo!

      Ha wareegto giraantu.

  7. Baryahaan Madaxweynaha waxbaa ka qaldan. Safaarada xadka ka baxsan dagaalka socdo samayn kuyeelkartaa.

  8. Kkkk

    Magac kale ma wayday mise waxaad iska dhigeysaa ” Aniga Khalid ah”.

    Iska wado howshaada laakiin waxaan ogahey inaysan kaayeelayn
    @ Hawiye soo galo Golaha.

  9. Madaxweyne Xassan Shiekh waxaa laga rabaa in uu dardar galiyo oo Uu labo jibaaro Dagaalka lagula jiro Al Shabaab si markaa looga Xoreeyo Deegaanada ay Xooga ku haystaan.

    Waxaa jira Daarood badan aan raali ka ahayn Dagaalka lagula jiro Shabaab Qaasatan ay diidan yihiin in Shabaab laga xoreeyo Dhulka ay Beesha Hawiye degto. Daaroodka badan kiis waa Dad wali Ciil u Qaba Beesha Hawiye waxayna ku farxaan dhibka Hawiye ku dhaca Markasta laakiin Nasiib wanaag maantay way fahmeen Hawiye Caddawgooda oo ah Shabaab iyo Daarood.

  10. TO: MO.
    waxa meesha aan soodhiga waa wada run manadiidi kartid nin aan doodi karin ayaa caytamo. adigabo eeg sidii Xassan logu soodhaweeyey London. masayr iyo ciil yuusan ku dili ee dadka meel kafadhiiso. nuxurka hadalkaygu wuxuu ku saab sanaa Shidaalka, Ciidanka Xooga Dalka iyo kacdoon. waa kuu garaad yari in aad ku cararto soodhawayntii Xassan. sideedanaba Xassan sanka ayaad uga tolantahay mana diidi kartid. doodaydu taxane taariikh iyo run bay kutaagan tahay. caydu waan kafaanaaye kuma faano saaxiib.

Comments are closed.