Maraykanka iyo Taliban oo markale maxaabiis isweydaarsaday

Ururka Taliban ayaa Isniintii shalay sii daayey Mark Frerichs, oo ahaa muwaadin u dhashay dalka Maraykanka oo gacanta ugu jiray ururkaas, iyaga oo ku bedeshay Bashir Noorzai oo ka tirsanaa ururka Taliban, kaas oo ku jiray xabsi ku yaalla dalka Maraykanka, ka dib markii lagu xukumay madaxaa haku furto ama xabsi daa’in.

Wasiirka Arrimaha Debedda ee xukuumadda Taliban Amir Khan Muttaqi ayaa warbaahinta ugu sheegay magaalada Kabul, in xukuumaddiisa iyo dawladda Maraykanku inay maxaabiista isku dhaafsadeen garoonka diyaaradaha ee caasimadda Afghanistan.

Maxbuuska la sii daayey oo ahaa muwaadinkii ugu dambeeyey ee Maraykan ah oo gacanta ugu jiray ururka Taliban, ayaa da’iidu ay ahayd 60 jir isaga oo ahaa Injineer, hore uga tirsanaa ciidamada badda ee Maraykanka, wuxuuna gacanta u galay kooxda Taliban, sannadkii 2020, xilligii oo ay ciidamada Maraykanka iyo NATO ay la dagaalamayeen kooxda Taliban.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in Frerichs uu haatan ku so laabanayo gurigiisii ka dib markii afduub loo haystay muddo gaadhaysa illaa 31 bilood. Biden ayaa sheegay inuu la hadlay qoyska Frerich, isaga oo la wadaagay warka farxadda leh.

PUNTLAND TIMES 

1 Comment

  1. Issa(ID
    Wasiir Axmed macalin fiqi,waa ninka u macquulsan oo
    (Tufta)ka duugi kara dawlada ku(Curyaantay) viladda
    dhexdeeda, ee rabta (!)inay dagaal geliso dalkoo dham,
    (2)in ay patrool & macdan ka baarto dalkoo dhan.
    (3)in ay gargaar ku sheeg dhul aysan u talin gaarsiso,
    (4)in ay hal nin ku magacawdo gargaarkii dalka oo idil,
    (5)in uu raadiyo xubin-nimada (Suuqa Africada bari)asagoo
    (a)wax soo saar iyo warshad,
    (b)Kabayaal dhaqaale(khad tareen,maraakiib,& wado,
    (c)Maal-gelin & ganacsi(dhul aan nabad ahayn)
    (d)Madaxweyne Dad aan hishiis ahayn(maroorsi)
    (e)inuu 3OO Million dhexda noo geliyo,
    Arrimahaas waxaad si sahal ah ugu heli kartaa xal,
    si dalku mid u noqdo,inaad kula taliso, oo tusto
    (1) min 1 sano oo ku darsi ah dhamaan madaxda,
    (2) inuusan macaawimada dibadda siyaasadeyn.
    (3) inuusan faro-helin si walba,
    (4) Inuu talada dalka la wadaago si walba,
    (5) inaad tusto in dalka ay u taliyaan ragaas.
    marka intaas hirgasho hasan iyo adiguba waxaad
    madax ka tihiin (Dad Hishiis ah,Adunkana la Hishisa)
    Intaan ku sheegayo waa dhibka kala hasta oo runa,
    Fiqiyo(Garguurte Rati haloo Gurogureeyo) Wbt

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*