Mareykanka oo $151 milyan oo hor leh ugu deeqay Abaaraha Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday in ka badan $151 milyan oo taageero cusub oo la siinayo Soomaaliya, si wax looga qabto abaaraha dalka ka jira.

“Dowladda Mareykanka ayaa ayada oo u marineysa hay’adda USAID waxay in ka badan $151 milyan ku bixineysaa kaalmo cusub, oo ay degdeg ugu baahan yihiin dadka Soomaaliyeed,” ayey USAID ku tiri bayaan ay soo saartay.

USAID ayaa sheegtay in $146.5 milyan oo lacagtaas ka mid ah loogu talagalay gargaar cunto oo loo fidinayo dadka ka badan 7 milyan ee ay saameeyeen abaaraha Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood ay qarka u saaran yihiin macluul.

Sidoo kale, lacag ku dhow $5 milyan ayaa lagu bixin doonaa taageerada u adkeysiga musiibada iyo soo kabashada dhaqaalaha dalka.

Lacagtan ayaa dheeri ku ah $476 milyan oo gargaar bini’aadaninimo ah oo Mareykanka uu ku dhowaaqay bishii July, markaasi oo ay Soomaaliya booqatay madaxa hay’adda USAID, Samantha Power.

Lacagtan cusub ayaa taageerada dawladda Maraykanka ay sanadkan siisay Soomaaliya ka dhigeysa in ka badan $870 milyan, taasi oo ah kala bar dhammaan deeqaha bani’aadannimada ee Soomaaliya la siiyey 2022.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay saadaasha ay bixiyeen hay’adaha QM ee ah in Soomaaliya ay macluul ka dhici karto bilaha October illaa December ee sanadkan haddii aan la helin taageero deg deg ah oo wax looga qabanayo abaaraha.

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday deeq bixiyeyaasha kale ee caalamka inay sare u qaadaan kaalmadooda Soomaaliya, si looga weecdo in saadaasha macluusha ay dhab noqoto.

PUNTLAND TIMES

4 Comments

  1. Mareeynkan iyo sheeydaanba waxaan dhagar eheeyn ma yaboohaan, ee ALLAHA lacnado mareeykan iyo sheeydaan iyagaa ka masuul ah waxaan dhib abaaro colaado baahi iyo mushkilado na heeysto oo idilee.
    ALLAHA lacnado oo hoojiyo mareeykan iyo wixii hoostagga wixii taageera iyo wixii jecel wixii wanaag ku tuhmaya iyo wixii u nacaleeyaba.
    ALLAHA hoojiyo mareeykan iyo reer galbeed iyo reer barri iyo cadawga ALLE iyo cadowga muslimiintoo idil, oo ALLAHA gulleeyo muslimiinta dhibaatadu daashatay oo ALLAHA ka dul qaado dhibaatadan dhulka dhigatay.

  2. Hiraab,
    Ra’yigaada xor ayaad u tahay. Laakiin, aad iyo aad ayuu cabbirkaada ku saabsan abaarta, collaada fashilja heeysta Somalia u qaldantahay. Waxaa kaloo qaldan fikirka aad ka heeysato Mareeykanka.

    Waa fiiro gaabni in dadka marka eey fashilmaan dallal kale iyo umadda kalle eedda fashilkooda korsaaraan.
    Dalmida
    God bless Somalia 🇸🇴.

    • @cadaado

      Asc, salaan sarre oo qaali ah saaxib cadaado.

      Kadib.

      Saaxiib cadaado qof walba oo caqli leh waa uu ogyahay waxa uu mareeykan yahay marka adigga lagga reebo, aniggu ku dhihi maayo doqon baad tahay balse keliya waxaan ku oranayaa meel qaldan baad wax ka aragtay, maxaa yeelay hadaad halka saxda ah wax ka arki leheeyd wallaadan mareeykan u doodeen ee wad ka doodi leheeyd.

      Midda kalena saaxiib cadaado siyaasada mareeykanka waa siyaasad munaafaqnimo ku dhisan, waana siyaasad dhagareed halis ah, oo sidoo kalena mareeykanku ma’aha mid cadaawadiisa muujiya waxa ayna ku dhaqmaan siyaasada fuleynimada ah oo ay yahuudu ku dhaqmi jireen haddana ku dhaqmaan, taasoo ah isqari oo wax qarib saaxiib iska dhig oo wax dhagar, mid wax wanaajinaya iska dhig oo wax haleey, waxyar bixi oo quluubta caamadana hano oo ka dibna fitneey, waana siyaasad halis ahi siyaasadani waana mid ka daran dagaal lagugu soo qaado iyo weerar walbo oo insaan loo geeysto, maxaa yeelay siyaasadani waa mid dhagareed ay adag tahay inay caamadu fahmaan, taasaana dad badan oo aad adiggu ku jirto ka indho tiraysa inay arkaan cadawnimada iyo axmaqnimada munaafaqnimada iyo nacaybka isku dirka muslimiinta iyo sheeydaanimada ay ameerikaanka malcuuniinta ahi ee koonkaan EEBE fasahaadiyay wadaan.

      marka saaxiib cadaado aniggu ku oran maayo caamo baad tahay balse waxaan ku leeyahay insaan baad tahay insaana waa mid nugul intuu EEBE unaxariisto mooyee ee yaysan ku sirin wariyeyaasha carabka dheer ee reer galbeedka oo dhagar mooye aan wax kale faafineeyn, waxa keliya ay doonayaana ay tahay in muuqooda iyo camalkooda foosha xun ay wax qurxoon oo la aqbali karo ka dhigaan ama u ekeeysiiyaan, Sidoo kale saaxiib cadaado ogoow in mareeykanka waxan yar ee uu bixiyay uusan wanaag iyo dadnimo u bixin ee uu doonayo inuu quluubta caamada iyo kuwa baahan ku hanto si ay u aaminaan uguna hogaamsamaan amaradiisa iyo doonistiisa gumeeysi ee qarsoon uguna maleeyaan dal fiican iyagoo ka duulaya malmalaatada iyo rootigga yar ee uu siiyay weliba asagoo laga yaabo in uu wax ugu soo dhex qariyay.

      Gaba-gabadii saaxiib cadaado mareeykanka waa cadawgeena waa cadawga ALLAHEENA SWT, waa cadawga NABIGEENA SALAWAATULLAHI WASSALAMA CALEEYHI, waana cadawga diinteena suuban ee islaamka, sidoo kale ogoow saaxiib cadaado mareeykanka waa cadowga walaalaheena muslimiinta ah oo idil ee koonkan EEBE ku nool, ee iska fiiri oo haku sirmin sixirka iyo indho sarcaadka uu mareeykanka isku hoos qarinayo.

      Wabillahi towfiq.
      Salaan sarre oo qaali ah saaxiib.

  3. Hiiraab,
    Wcs saaxiib.
    Maxaa caddeeyn ah oo heeysaa in uu Mareeykanka yahay waxaas oo shan po aad ku eedeeysay? Maahan in wqx dacaayad oo been ah oo kuwa Muslim iska dhigaya, kuwa carab ah eey ka faafiyeen Mareeykanka oo Somalida iska rumeeyso. Illaaheey xataa maadaama uusan baddalin umad, ilaa eey iyagga is badallaan, Mareeykankanna kama digging wadammada Somaliya ugu horreeysa ee fashilmay, iyagga ayaa siddaas iska dhigay.
    Dalmida
    God bless Somalia 🇸🇴

Comments are closed.