Mareykanka oo qirtay inay dad rayid ah ku dileen duqeymaha ay ku fuliyaan Somalia & dalal kale

Militariga Mareykanka ayaa dilay 12 qof oo rayid ah sanadka 2021, weerarro dhammandood ka dhacay dalka Afghanistan, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Pentagon-ka oo lasii daayay Talaadadii.

“Waaxda Difaaca waxay qiimeysay in ku dhawaad 12 qof oo rayid ah lagu dilay laguna dhaawacay ku dhawaad 5 qof oo rayid ah intii lagu guda jiray 2021-ka, taasoo ka dhalatay howlgallada ciidamada Mareykanka,” ayaa lagu yiri warbixinta, oo Koongarasku codsaday in lasii daayo sannad kasta tan iyo 2018, iyada oo qeyb ka mid ah ay aheyd sir.

Dhammaan dhimashada dadka rayidka ah ayaa ka dhacay Afghanistaan, sida ay sheegeyso qeybta la faafiifay ee warbixintan.

Pentagon-ka ayaa horey u qirtay mas’uuliyadda dhimashada 10 xubnood oo isku qoys ah, oo ay ku jiraan toddoba carruur ah, intii lagu jiray ka bixitaankii Mareykanka ee Afghanistan oo dhammaaday Ogosto 2021.

Sidoo kale, Milliteriga Maraykanka ayaa qirtay inay 1-dii Janaayo ay ku dhaawaceen saddex qof oo rayid ah duqeyn ay ka geysteen Soomaaliya, gaar ahaan Kuunyo Barrow.

Pentagon-ka ayaa sidoo kale dib u qiimeyn uu ku sameeyay tirakoobkeeda dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah ee dalka Suuriya laga soo bilaabo 2018 ilaa 2020 ku ogaaday, kuna qirtay 10 kale oo dhimasho ah iyo 18 dhaawac ah.

Hay’adaha aan dowliga aheyn ayaa si joogto ah u daabaca qiimaynno aad u sarreeya oo dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay duqaymaha Maraykanka ee aagagga colaadaha.

Hay’adda Airwars oo diiwaangelisa dadka rayidka ah ee ku waxyeelooba duqeymaha cirka ee adduunka, ayaa warbixinteeda sannadlaha ah ee la daabacay bishii May ku qiyaastay in inta u dhaxaysa 15 ilaa 27 qof oo rayid ah lagu dilay hawlgallada Maraykanku ka fuliyo Suuriya oo keliya.

Bishii Janaayo 2022, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa ku boorriyay militariga inay sameeyaan isbedel ay uga fogaadaan waxyeellada dadka rayidka kasoo gaarta weerarada cirka, kadib markii dhowr khalad oo dhimasho ah ay waxyeelleeyeen sumcadda millatariga.

“Ilaalinta dadka rayidka ah waa istaraatijiyad iyo damiir lagama maarmaan ah,” ayuu Austin ku xusay qoraal ku socday taliska ciidamada Mareykanka.

AFP/VOA

PUNTLAND TIMES 

14 Comments

  1. Waa soodhowaynayaa duqeeymaha Mareeykinka.Inyar shacab dhinto micno maleh.Jeberti aan rabin dhulkeena Irir nabad noqdo aya kaxun. Kkk

  2. Issa(ID)
    Dawladda faderaaliga ah ee Soomaaliya madaxdeeda waxay si isku
    mid ah,siyaasada arimaha gudaha ugu xuseen in Gobolka Waqooyi
    yahay saldhiga Al-shabaab laga maamulo,sahayda laga siiyo,oo
    lagu baabi”iyo shacabkii koonfureed,laga soo bilaabo dawladii
    Cabdulaahi yusuf ilaa midan xasan sheekh, oo u adkeysan weyday
    dhawaaqa dadkooda la gumaadayo, laguna beer-laxawsanayo waxaan
    nahay (Irir-samaal,shirqoolada reer waqooyi waxaa ka shifay,
    (1)markii ay daalinkii (Ina Godane) ku tilmaameen shahiid,tacsi
    iyo Alla batine u dhigeen,(2) makii(Buur madow) lahaa Moqdisha
    waxaa ka taliya 2(Laba)dawladood,&(3) Wadaad ku sheegii la yiri
    waa baxsaday ee ku biiray Al-Shabaab oo bedelay(Ina godane)
    dhaxal ahaan, arrimahaas ayaa ku dhaliyay shacabka inay hubka
    qaataan, hadii loo baahdane HARGEYSA Xoreeyaan,Nine ma mooga
    xantoobada isaaqa ah ee xaaraanta ku haysta shucuubta midnimada
    raba ee soomaaliyeed 1,dhul-bahante,2,warsangeli,3,godabirsay,
    4,ciise,5,sama-roon,6,gabooye,7,fiqi shine,iyo tiro kale,ayadoo
    Isaaqu noqonayo wax ka yar15(Boqolkiiba)balankenu waa magalada
    nala hadleysa(Halkani waa raadiyo HARGEYSOO Hirarka gaaban idin
    kala hadleysee soo (HIRASHO WANAAGSAN),,waayo-joog,,,,(Why not)
    wbt

  3. Issa(ID)
    Xamze siyaasada waxaan u galay baad tiri(JANNO) markaan raad
    kaagii guray,waxaan ogaaday in lagu mmarin habaabiyay oo lagu
    yiri (TABLIIQ)lagaana tuuray,Jiirtii(QABNO) oo lau weydariyay
    Guri-xeel,sino-dhaqo,ceel=dheere,iyo dhuusa-mareeb kaabigane
    laguu saaray (Ceel-buur)Xasuuq(Muursade) loo aaday,markii si
    walba loogu galgashay(Xawaadle) iyo intii la degto, marka war
    Xamze(JANNO) doon oo (Baydhabo) iyo Masaakiint khayr ka doon,
    TABLIIGA dalka lagu qabsanayo ka har ee janno doon Allaha kuu
    Sahlee, (Aakhiro moog) wbt

  4. Issa(ID)
    Ethiopia diiwaanadeeda waxaa ku xusan raadkii hore,wax isbedel
    ah ma jiro,waa inuu ogol ahaado wixii loo yeeriyo,waxaana lala
    gelayaa hishiis uu isku dhiibo, loomana jixjixayo,waxaana lala
    socodsiinayaa amar ah inuu bedelo siyaasadiisa Arrimaha dibadda
    iyo xulufeysiga MASAR,iyo Arimaha gudaha ee Konfur Galbeed iyo
    Juba-land gaar ahaan GEDO,Culusow caruur iyo cawaan baa Ambiyay
    Siyaasadu waa hibo ilaahi ah,iyo dhaxal awoowe , Allow alle wbt
    wuxuu moog yahay webi shabeele iyo juba, intuu nile daafacayo,

  5. Issa (ID)
    Congratulations Adan Ducaale Barre for your appointment as a Ministery of Kenyan Defence Force. As our former policy will stay in the same position, while we fight together against Al Shabab.
    Good Job!

  6. Issa(ID)
    Mudane Aadan Bare ,hambalyo sida aad ugu guuleysatay dorashadii,
    Dalka Kenya ka dhacday,& sida laguugu soo xulay inaad noqoto bundo
    xiriirisa dalalka walaalaha ah ee Kenya iyo Soomaaliya, adoo si
    walba ula tacaalaya dabar-goynta Al-shabaab oo ah caqabada hot
    taagan bulaalida iskaashiga amniga,ganacsiga iyo is dhexgalka
    labada shacab ee walaalaha ah,anagoo sii ambaqaadeyna kulana
    kaashaneyna, waxaa rajeyneynaa inaad sii(Fasho beertii)mabada,
    ee uu (Aun) yuusuf xaaji oo magool iyo ubax leh maanta,abaarne
    ku soo fool leedahay,dulin iyo subaacne u dheer yahay,taas oo
    (Godin lagu falo), (Gar loo dego), iyo (Gaashaan lagu ilaasho)
    Kaaga baahan,kuuna baahan, Gacal baad tehee Guukeysi wbt

  7. Issa(ID)
    Sharciga Caalamiga ah,iyo mabda Dawliga ah,ayaa jideeyay,
    soo dhaweynta Calanka iyo astaanta soo martiday dalkaas,
    ee ma aha shqsiyada ruuxa koorka qaba ee yimid, waxaan wada
    sugeynaa haduu beeniyo falaadkii hore iyo carabkii kotkiisa
    ka booleeyay siyaasada geeska afrika, wbt

  8. Issa(ID)
    Puntland fronto cusub oo dagaal ah, ayaa lagu furay si loo xadido,
    Wazaan ku talin lahaa in,sharciga xeerka ciqaabta dib u eegis lagu
    sameeyo,lana kordhiyo ciqaabta xabsiga,ganaaxa lacagta,iyo hanti
    la wareega(Guri)&(Gaadiid)kii lagu qabto, arrintan hadaan laga
    hor-tegin waxay suulineysaa ,diinta,dhaqanka,iyo asluubta bulshada,
    yaan la fududeysan,hala adkeeyo appealka iyo cafimta danbiyadaas,
    waa (Dhaqan-doorin) cad oo aan la dhayalsan karin wbt

  9. Issa(ID
    (Hambalyo),(Mabruur),(felice),(Happy) Wasiirka Arrimaha Gudaga
    Dawladda Puntland ee Soomaaliya, Macalin Dr,Abdi Farah Siciid
    (Juxa), Waa nin loo habar-wacdo, waa geesi hiil iyo hooba leh,
    Waa waayo-arag guntimo furka siyaasadeed ku xeel-dheer. waa
    Macalin taxliiliya xujo walba, waa wadaad u tusbax-qaata, oo
    ku tufa, una xirsi xira xaajo walba,waa Nabad-doon aan sine
    loo doorin karin,waa taliye amarkiise danbe la qaato, waa
    macalin xisaabta ku raadiya(X+Y=O)(xaq+yaqiin=Olole doorasho
    Waa guul u soo hooyatay puntland iyo geesigeeda Dr,saciid dani
    Hambalyo, ka naxow nafta waa, wbt

  10. ISSA(ID
    Juxa waxaa gacanta loo geliyay fayl(Dhudhun)ka dheer,sibraarne
    la dhumuc weyn, oo ay ku dhan yihiin liiska deegaanada & Dadka
    puntland oo koobay (Gar-cad)iyo (Geel-jire)iyo deeganada inta
    insigu dego(Dooxo & Caduun)iyo inta jinka puntland dego oo
    buur iyo boholo ah(Halalow iuo Hala-booqad)lana diiwan-gelin
    doono,Sawir iyo Aqoonsine lagu il tiri doono,inta ku dhaqan
    punyland oo wax doorata, Guul wbt

  11. Issa(ID)
    War yaabnayee ma yaabteen waa arrin ugub ah in ragii shan,
    shan kun loo af duubo,Turkiya/Libiya,Qadar/Eriteriya, oo aan
    war iyo wacaal laga hayn, tan kale waxaa dhaqan xumo ah oo
    diinta islaamka ka hor-imaaneysa in dhediga keli la dhofsho
    (Xoolaha dhedigooda) lama dhiibo,lama dhoofsho,lamana iibsho,
    hadeysan ahayn(MAQUUNO) dhqan baxa,gabow,iyo naafo,dhaqayo,
    Xasanow dumarkeenu maquuno ma leh,waa(Hooyo)(Habar-yyar)(Eedo)
    (Aayo)(Ina Abti)(Inadeer)(Ina-habreed)(Dangalo)(Domaashi) &
    (Daleelo) kale kaa diidnay taas (Mudaharaad bt

  12. Issa(ID)
    Sida aan qabo ma dhameysan karo waqtigiisa,siimana joogi karo,
    sababtoo ah dawladnimadu waa(1) shacab (Nabad & Nolol) haysta,
    (2) ciidan tababaran oo hubku iyaga gaar u yahay,(3) wixii lagu
    hishiiyo oo la dhaqan geliyo(4)dawladaha inusan mucarad u abaabulin,
    (5)Inuu madaxweyne u noqdo 5(Shanta) Nin ee dalka haysata.
    M/w xasan asagoo awalba(Allow sahal)ahaa,waxaa lacag nagu baray
    waqtiga iyo nasiibla,markan waa(last chance to fit the position)
    ogow in dalku yahay federaali(la wada leeyahay,lana kala leeyahay)
    OGAADA SOOMAALIYEEY….?
    (1)Shacab la hubeeyay waa abaabul dagaal(Ahli)ah
    (2)Dadkaagii kala qaybi adoo Madaxweyne u ah(yaab)
    (3)Khayraadkiisii boob sharci daro adoo madaxweyne u ah,
    (4)Hantidii dibada u tiil baadi goob oo qarso adoo madaxweyne
    (5)Doorasgadii (Coalation) ka ahayd inkir oo isku dir ku bedel,
    Alla Kariim
    Dagaalkii Waa fashilmay(Ceel-buur)markii Xil,dhegay iyo
    taliye odowaa is qabteen (Macawisley)waa shabaab Vs shabaab

  13. Issa(ID)
    wada hadal dheer,canaan,dareem qab,raali-gelin iyo baryo,
    waxaa lagu wada hishiiyay,in nabada labada dal la ilaaliyo,
    iyo Xasiloonida (Geeska Afrika)waxaa hishiiski mugdi geliyay
    matkuu culusow codsaday HUB, Abiya asagoo yaaban ayuu ugu
    af celiyay OK,, oo ah (Diplomatic phrase)with no means,,adba
    (Ilowsho dhawaa ma umulbaa) wbt

  14. Issa(ID)
    Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajucuun,(Nabadoon) Cilmi Xagar
    (Aun) Waa(Shahiid) xafidan,geeridiisane ha ku danbaabin,arag
    oo akhri(Quraanka) sida (ALLA) u wanaajiyay(Shuhaadada) tan
    kale sidee ula hadashay(Madaxweyne K/Xig Dawlad dhan)oo sicad
    u iclaamiyay dagaal ku talo-gal ah oo qorsheysam oo dhawr
    plan leh, loona ebyay ciidan,hub,talis,saad,gurmad,& kartooyin
    kal duwan, lagana caawini karo badda iyo hawada,sidaa awgeed
    waxaa hubaal ah,imaad wax badan og tahay, la soco in dabin kuu
    yaal, ama gaagaabso inta ay goor-goor tahay, wbt

Comments are closed.