Maxay ka wada-hadleen MW Xasan Sheekh & Boqor Cabdalla?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, Boqorka dalka Urdun Boqor Cabdalla Binu Xusseen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa boqorka uga warbixiyey xaalada Soomaaliya iyo isbedellada dhanka amaanka, dhaqaalaha iyo horumarinta ee ay dowladiisu ku howlantahay, isagoo sheegay in ay ka go’antahay xasilnta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda aragagixisada ah ee Al-Shabaab.

Labada Hoggaamiye ayaa isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, iyagoo u ballamay in ay labada dowladood ay u xilsaaraan diblumaasiyiin ka sii shaqeeya qorsheyaasha xiriirka iyo iskaashiga labada ee dhinacyada amniga iyo xasiloonida.

PUNTLAND TIMES 

4 Comments

  1. Mashallah, I see madaxweyne dadaalaya, guulayso!

    Anyone can have a different opinion, but some people here, no matter what Hassan Sheikh does, they will always hate him because ninkii ay jeclaayeen ee Farmaajo ayuu dhulka ku jiiday, kkkkk,,,….

  2. SALAAMU CALEEKUM

    LABO DAWARSADA ISMA QAADO… KING ABDULLAH WAXAA UU KA DARWASADAA DAWLADAHA CARABTA…MARKA JAANIS SIINMAAYO IN XASSAN DHOOQO, DHIIQO KA DARWASADA

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  3. Issa(ID)
    Siyaasada Qaybsiga khayraadka waxay ku xiran tahay
    dadka leh dhulka, laga qodayo ogol,sahmin,qodid,iyo
    beec-geyn ku cad dastuurkooda gaarka u ah, xasan
    ma mateli karo Gobol,asagoo ah madaxwyne dal, waa
    fal(TUUG WAAGU KU BARYAY) Puntland waxay gaar ka
    tahay ilaalinta hantida ummadda soomaaliyeed oo dhan,
    Xasan Xaraash wixii Formajo laga diiday la yeeli mayo.
    xasan marka run laysku sheego(SARIIRTAADA HOOSTEEDA)
    Patrolka laga helo(Sharciga) ayaad Magan uga tahay, wbt

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*