Maxay ka wada-wada-hadleen MW Xasan Sheekh & dhiggiisa Suudaan?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada New York, Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Mudane Cabdifataax Cabdiraxmaan Al-burhaan

Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Suudaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka, gaar ahaan halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Madaxwaynaha ayaa uga mahad celiyey shacabka iyo Dowladda Suudaan, garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo ay wadaagaan xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo walaalnimo.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-burhaan ayaa ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinka dowlad dhiska ah ee la qaaday, isagoona sheegay in dalkiisu uu sii wadayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u sheegay dhiggiisa Dalka Suudaan in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku shaqeynayaan aragtida Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, sidaas awgeedna ay mudnaanta siinayaan yareynta khilaafaadka iyo xasillooni darrada Gobolka.

PUNTLAND TIMES 

4 Comments

  1. Issa(ID)
    Puntland waxba uma aragto (faladka) Xasan, waa intii uu formajo
    eeday oo kale, wax wallba oo(NACAS) sukeeye &(NACAB)shisheye ba”sho,
    waxaa u yaal (xeer iyo sharci)si waafi ah u qeexaya,madaxeynaha
    waa in uu ogaado in dalka ay qaybsadeen 5(Shan) nin oo madax ah,
    oo uu dalku yahay(Federaali) lawada leeyagay,lana kala leeyahay,
    (Is dhiikeynta iyo isku dhererintu) waa wixii Formaajo (EEDAY)oo
    lagaa yeeli maayo,Puntland (QARNIYO) ayeey ku Abtirsataa(SHALAY)
    baad timid(MAANTAAN) ku saxeynaa (BERINE) waa ku direynaa ,
    (Insha Alla) ha dhayalsan, wbt

  2. Ar Xasan sh ma wuxuu isku diyaarinayaa siduu yahuuda ugu dhowaan lahaa oo ula xulafoobi lahaa waaba ka shakiyee?!!!!!!!!!!.
    Ar ninkan uu xasan la kulmay waa munaafaqii yahuuda soo dhoweeystay oo aqoonsaday deedna la heshiiyay hadadan la joogana muslimiinta dhexdooda uga ololeeya sidii yahuuda loola heshiin lahaa oo loogu hagoogan lahaa kufaartaas yahuuda ah ee inta EEBE uumay ugu xun uguna nacladan.

    Mana jirto sabab aan is leeyahay xasan sh weey ku kaliftay la kulanka ninkaas mujrimka ah ee EEBE iyo muslimiintaba ka furtay, sababtuna waa sudaan muhiim nooma aha anaggu oo iyagaa qalalaaso iyo dhibaato kaleba dhax fadhiya oo sidoo kalena waxba ma heeysataan laga tuugsado cilaaqaadna nagama dhexeeyo taasaana keeneeysa shakiga aan xasan ka qabo ee ah inuu xagga yahuuda daneeynayo, ama uu ninkan xagga yahuuda ka socdo oo uu doonayo inuu xasan sh tashkiiliyo si uu yahuuda ugu dhoweyo.

    Si kastoo tahayba ALLAH baa wax walba og
    waxaana rajeeynayaa im waxaan aan tuhmayo ee un tuhun keliya noqdaan oo uusan xasan xagga yahuuda aadin insha’allah. ALLAHA lacnado yahuud iyo wixii la heshiiya wixii taageero iyo wixii u ololeeyaba. Wabillahi towfiiq.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*