SAWIRRO: Axmed Madoobe oo gaaray Muqdisho, kana hadlay Shirka madaxda

Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Waftiga Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada Federaalka ah, isagoo ka qeybgali doona shirka madaxda DFS iyo Dawlad Gobaleedyada oo maalmaha soo socda ka furmi doona Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in shirka wada-tashiga ah diirada lagu saarayo arimaha amniga dalka iyo sidii shacabka Soomaaliyeed iyo heerarka kala duwan ee Dowlada Soomaaliyeed ay ugu diyaar garoobi lahayeen isku tashi amni si xal looga gaaro dhibaatada amniga Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxda Dawlad gobaleedyada ayaa lagu wadaa inay gaaraan ilaa berri Muqdisho, wallow ay soo baxayaan warar sheegaya in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ka biyo diidan yahay ka qeybgalka shirka.

PUNTLAND TIMES 

4 Comments

  1. Issa(ID)
    Awr daba la’aan dhacay war hoy, hoy hoy waxaa cuna
    dugaagee, dib u fiirso ha dedegine day dayo danta ,
    lagama boodee,waxaan axmed kula socodsiineynaa in
    si feejigan u tilaabo qaado,adoo la saf ah ragaagii
    isbahaysiga dawlad goboledyada oo dantaadu ku jirto
    iyo tan juboland, xasan waa kaad ogeyd oo hadda mid
    yar oo RABAAUADA kuu helay, jartu ha noqoto tanaan
    degay tu kalane ii laabam,(RAGA HA KA HOR-DHICIN)wbt

  2. Axmed Madoobe hadduu ku fadhiyo Maamulkii Somaalidoo dhan,
    sidoo kalena markii ugu horeysay laga sareysiiyey Maamulka Jufada Maxamuud Saleman oo Rasal wasaare Xamza dhex fadhiyo Villa Hargeysa Mogadishu.

    Waa gartiis inuu soo jarmaado,
    Ku soo dhawoow Mogadishu Guddoomiye.

    Ninkii Maseyri, hayska maseyree Ogaadeen Rasal wasaare waaye.

  3. Barasaab Deni oo filahayey in shirka lagu qabto Degmada Garowe si loogu shido Maqaayadaha Shanta Bari ee shirka.

    Ayaa hadda ka Xanaaqsan tagidda shirka Mogadishu ee Soomaali Italian.

Comments are closed.