DEG-DEG+SAWIRRO: Go’aano culus oo laga soo saaray Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya

Kulanka Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa waxa ka soo baxay go’aamo dhaxalgal ah oo looga gol leeyahay in wax looga qabto xaaladaha amni ee dalka.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa waxa ka soo baxay go’aamadan soo socda.

1. Goluhu waxa uu soo jeediyay si loo xoojiyo kaalinta siyaasadda ee amniga qaranka in golaha amniga qaranku yeesho kulamo aan caadi aheyn oo u gaar ah hagista howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada.

2. Waxa uu go’aamiyay in la dhiso guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka argagixisada lagu dabargoynayo, oo ka koobnaanaayo, Ra’iisu Wasaaraha JFS, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Amniga, Wasiirka Awqaafta & Arrimha Diinta, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Dhallinyarada, Wasiirka Isgaarsiinta, Taliyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo ciddii kale ee uu Ra’iisul wasaaruhu u garto in aan looga maarmin hawshan.

3. Waxa uu go’aamiyay in barnaamijka ladagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata loo beddelo Hay’adda Qaran ee la dagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabshada wata.

4. Waxa uu go’aamiyay qabashada shir qaran oo looga arrinsanaayo fidinta, dhiirigalinta iyo qarameynta kacdoonka bulshada ee ka dhanka ah argagixisada oo ay garwadeen ka noqoneyso wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.

5. Waxa uu go’aamiyay In la hirgaliyo lana fuliyo sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo la dagaalanka maalgalinta argagixsada (AML/CFT), lana bartilmaameedsado oo la burburiyo shabadakadaha ururada argagixisada ugu xilsaaran maaliyadda; isla markaana la sameeyo liiska xayiraadaha & cunaqabateynta lana dhaqangaliyo.

6. Waxa uu go’aamiyay ansixinta ISITRAATIIJIYADDA GUUSHA EE DABARGOYNTA ARGAGIXISADA, si loo mideeyo cududda Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad, Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo Saaxiibada Soomaaliya.

7. Waxa uu go’aamiyay in wasaaradaha hoos ku taxan ay si degdeg ah u gutaan waajibaadka kaga aaddan dagaalka lagu xoreynaayo dalka.

1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha:
2. Wasaaradda Gaashaandhigga:
3. Wasaaradda Amniga Gudaha:
4. Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta:
5. Wasaaradda Caafimaadka:
6. Wasaaradda Korontada iyo Biyaha:
7. Wasaaradda haweenka iyo Xuquuqul Insaanka:
8. Wasaaradda Arrimaha dibadda:
9. Wasaaradda Maaliyadda:
10. Wasaardda Warfaafinta:
11. Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta:
12. Wasaaradda Dhalinyarada & Isboortiska:
13. Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada:

PUNTLAND TIMES 

11 Comments

    • Aniga ka mid ahi cida wax ka sugaysa daanyeero lahayste ku ah xamar kkkkk adinkuna jawaabtiina adinkaa garanaaya

  1. Daanyeeradan suit loo gelshay ee dadka ismooda waxay u gubaan tumayaan sidii ay u heli lahaayeen gaalo iyo kufaar BUDGET lagu magacaabo (XAGJIR LA DIRIR) oo macnaheeda ah
    (ISLAM LA DIRIR)
    Hadaba daanyeertani dantooda
    Waa sidii moos loo heli lahaa

    • @Afuufa

      War afuufoow kuwaan waa daanyeero sida aad tiriyee, bal ka waran kufaarta shabaab waa maxay iyaggu, maxaadse ka aamisantahay? Soo jawaab afuufoow, iskana jirr inaad tiraahdo kaafiriinta shabaab waa muslimiin iyo diinta ALLE bay difaacayaan, afuufoow walleysan shabaabul kaafir wal malcuunin aysan muslimiin eheen, diinta ALLAH-na aysan ku sugneeyn udirirideeda iyo difaacideeda habba u dambeeysee, ee afuufoow noo sheeg waxa ay shabaabul kaafiriin yihiin.

      • Hiraab @@@

        inta alshabaab la gaarin waxa aad sheegato markii laga tago waxa aad tahay ma is ogtahay adigu oo ma ku dhaaran kartaa in aadan ahayn munaafiq dastuurka gaalo soo qortay aadan raali ka aheyn iska markaana taageerin .
        Markaad arinkaas ku dhaarato ayaa laguu sheegi waxa shabaab iyo alqaacida yihiin

        • @Afuufa

          Afuufoow horaan kuugu sheegay in anigga iyo dadkan soomaaliyeedba aynan dastuur wax layiraa iyo sharci kale midna u hogaansaneeyn oo aynan taageerin oo aynu neceb nahay, sharcigga EEBOO keliyana jecelnahay oo aynu sugeeyno inta aan ka heleeyno doowlad naggu xukunta, horaana kuugu sheegay in waxa dastuurka loogu waco uu sharci gaalo yahay oo uusan inaga na quseeyn, waxa ku dhaqmana ay yihiin kuwa villa soomaaliya ka buuxa ee ku xareysan, horaana kuugu sheegay oo hadana ku dharanayaa in aanan waxa dastuurka loogu waco taageerin, waana wallaahi billahi tallahi, ee adigga afuufoow bal noo sheeg waxa aad tahay iyo waxa aad kufaarta shabaab ka aaminsantahay iyo sababta aad ummadan muslimiinta ah uga daba caacleedahay adoo fikirka kaafirka ina c/wahaab ka duulaya.
          Afuufoow hadaad xasuus leedahay horaan moowqifkeeyga fikirkeeyga iyo waxa aan ahayba kuugu sheegay oo kuugu cadeeyay haddana kuugu celinayaa ee i dhageeyso, anigga waxa aan ahay muslim sunni shaafici ashcari ah, mana taageero dastuur iyo sharci gaaleed midna, mana taageero kufaarta shabaab, maxaa yeelay shabaab waa kufaar waana kuwo sharcigga EEBE SWT ka been sheegay oo muslimiintana nacsiiyay ka dib makeey si been ah oo xumaan ah ugu fasireen ka dibna ugu fuliyeen oo ugu gumaadeen iyagoo been sheegaya, waana iyagga sababta ay caamadu dastuurka waxa loogu waco u taageerayaan ka dib markeey kufaarta shabaab iyagoo been sheegaya ay sharciga EEBE ee DAAHIRKA AH muslimiinta ku dhibaateeyeen, ee afuufoow bal adigga noo waran, oo noo sheeg waxa aad tahay iyo waxa aad aaaminsantahay, oo sidoo kale noo sheeg waxan aad been iyo cuqdad matageeyso halka aad kala timid, waxaanba umaleeynayaa inaad najd ka timidee, war afuufoow wax macquul ah la imoow oo kusoo jawaab iskana jirr marmarsiyo labaad iyo ka kor boodida su’aalahan ku hor yaala, Waa hadaad tahay mid wax xaqqa ama caqli gal ah ku doodayee.

  2. Waxba wax go’aan ah ha gaarina ee iska suga inta uu soo noqonaya Madaxweynihii dalka ahna Raysalwasaaraha dalka!
    Raggan aad magacooda meesha ku taxdeena, wax shaqo hayo waxaa ku jira Fiqi oo ah ku simaha Madaxweyne/Raysalwasaare Culusoow! Kkk

  3. Imisaa shir oo go’aan culus ayaa la qabtay?
    Yacni fikirrada xagjirnimo ayaa lala dagaalami laaakiin Dowladda iayadana waxay wadataa fikirkooda xagjirnimo oo ah xeerka XALAALEENTA JINSIGA ama FASAXA QA##$^nimo iyo wax dhamaan xagjir ah.
    Two wrongs will never make right.

  4. Wuxuushta argagixisada al shabaab,in dalka Soomaaliya laga ciribtiro iyo figradooda guracan wax dhib badan ma aha,balse waa haddii dagaal dhab ah,lago qaado.
    Muqtaar Robow waa in golaha dowlada Soomaaliya laga cayriyo,waayo isma keenayso in shaqsigii ahaa ku xigeenka wuxuushta argagixisada
    al shabaab oo ka mas’uul ka ahaa,wixii dhibaato,dil,dhaawac iyo hanti burburkii loo gaystay shabaab Soomaaliyeed ka danbeeyey,xitaa hadii la cafiyey,oo u baahan shuruudo cad oo aan qarsoodi ahayn,waxay ahayd in uu banaanka ka joogo wax maamul Soomaaliyeed shoo halkii da oo dhaqdhaqaaqiisa la socda.
    Waxa gaf iyo meel ka dhac in,wasiir laga dhigo,waliba wasaarada Diinta.

Comments are closed.