SAWIRRO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Addis Ababa + Ujeedada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, kaddib casuumaad uu ka helay Xukuumadda Itoobiya.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaadan doonta muddo labo maalmood ah, isagoo wada-hadalo la yeelan doona Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kala hadli doono Abiy Ahmed, xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal iyo caqabadaha Amni, dhaqaale iyo siyaasadeed.

“Wefdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Adis ababa si diiran ugu soo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha Ethopia mudane Abey Ahmed oo ay yeelandoonaan wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan xal u helidda caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaxtooyada ayaa intaa ku dartay “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in dalalka Gobolku ay mideeyaan dadaalladooda ku aaddan dabar-goynta argagixisada Al-shabaab oo caqabad ku ah xasilloonida iyo nolasha shucuubta geeska Afrika, horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo wax-wada qabsiga.”

Xariirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa u muuqday mid aan wanaagsaneyn intii uu xafiiska joogay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana mugdi badan sii galiyay kaddib booqashadii maalmaha qaadatay ee uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tagay caasimadda Masaar ee Qaahira.

PUNTLAND TIMES 

19 Comments

  1. Low IQ culusow

    Bal aan dhagaysano ADIS Ababana waxa laga sheego, qaahira waa maqalay waxii Sisi ka dul akhriyay (ninkanaa Nileka nooga masuula).

    • Warqaad media
      Sida ay ogaatay Warqaad Dawladda Soomaaliya ayaa beyco ama heshiis la gashay Boqortooyada Sacuudi Carabiya,taas oo ku aadan in shaqaale loo daabulo dalkaasi.

      Kudhawaad 700 gabdhood oo ah Soomaali ayaa la qorsheynayaa in loo sameeyo Baasaboorka Jamhuuriyadda Soomaaliya ,si loogu qaado dalka Sacuudi Carabiya,.

      Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in 150 gabdhahaasi kamid ah ay hadda heystaan oo loo sameeyey Baasaboorka Soomaaliga, waxaan dhawan loo qaadayaa Sacuudiga.

      Gabdhahaan ayaa da’adoodu u dhaxaysaa 16sano ilaa 22sano jir, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo, dawladda faderaalka katirsan waxaana ay sheegeen in ogolaanshiyaha uu bixiyay safarkooda, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

      Akhbaaraadka aan ogaanay ayaa sidoo kale sheegaya in howshani safarka gabdhahaasi ay si wadajir ah u maamulayaan shakhsiyaad xariir la leh Madaxweynaha dawlada Faderaalka iyo shirkad gaar loo leeyahay oo qandaraaska safarka gabadhahaas iyaga loo xiray.

      Ma’ahan markii 1aad, ka hor 2017-kii ayaa gabdho Soomaaliyeed loo qaaday Sacuudi Carabiya, xilligaas oo ay dawladda Soomaaliya qorshahaas difaacday, dhinaca kale dawladdaha Islaamka ee Qaarada Aasiya iyo dalalka deriska ah la’ah Soomaaliya (Itoobiya) & Jabuuti, qaarkood ayaa diiday in ay shaqaale dumar ah u diraan Dallka Sacuudiga

  2. Issa(ID)
    Ethiopia diiwaanadeeda waxaa ku xusan raadkii hore,wax isbedel
    ah ma jiro,waa inuu ogol ahaado wixii loo yeeriyo,waxaana lala
    gelayaa hishiis uu isku dhiibo, loomana jixjixayo,waxaana lala
    socodsiinayaa amar ah inuu bedelo siyaasadiisa Arrimaha dibadda
    iyo xulufeysiga MASAR,iyo Arimaha gudaha ee Konfur Galbeed iyo
    Juba-land gaar ahaan GEDO,Culusow caruur iyo cawaan baa Ambiyay
    Siyaasadu waa hibo ilaahi ah,iyo dhaxal awoowe , Allow alle wbt
    wuxuu moog yahay webi shabeele iyo juba, intuu nile daafacayo,

    REPLY

  3. Sawirkan halaga qariyo midkii jiranaa ee xabuubka ku dhex cunijirey Puntland times iyo xulufadiisii Dhadhaab capms.

    Ethiopia iyo anagu waan is naqaana
    Waxay ogyahiin humiliation ka soo raacey Mogadishu 2009, way ogyahiin inaanan aheyn kuwo ku fadhiisto dhabta Axmaaro.

  4. eeboow hasam clusoow aa iska qoslaa waa odday carrobay oo siyasada ka dhacay hasan qoslaaye rnta ma jecla wxu ka helaa safarada dibada iyo in sii sarnaado diyaarad teeda qolodii dhegta wax xumaan ah g sheegta wu ku riyaqaa allow somaliya samata bixi sanadahan culusoow joogo aamiin

  5. Issa(ID)
    Sharciga Caalamiga ah,iyo mabda Dawliga ah,ayaa jideeyay,
    soo dhaweynta Calanka iyo astaanta soo martiday dalkaas,
    ee ma aha shqsiyada ruuxa koorka qaba ee yimid, waxaan wada
    sugeynaa haduu beeniyo falaadkii hore iyo carabkii kotkiisa
    ka booleeyay siyaasada geeska afrika, wbt

  6. Kkkkk

    Maseyr oo ma waxaad ka Maseyrtay
    Calanka Soomaaliya ee loo saaray
    Xassan Shiikh.

    Caloosha ka hunqaac, maxaa jiro heyso
    Inan gumeedka

  7. Issa

    Cawaanta halkan soo gashaa siyaasada caalamka waxay u taqaan Sawir/qosol, waa isoo fiirshay,waa ii sare kacay etc. Waxa kaaga filan waxay soo qoraan.

    Caalamka inta laguu qoslo oo laguu sare kaco oo lagu buunbuuniyo yaa bir madaxa laguu galinayaa sidii Sisi u galay.

    Hoos guntigii mala soo hilmaamay?
    Qofbaa shaqadiisii waayay..

  8. Low IQ culusow

    Oo cod dheer ku sheegi doona

    “Aree Nileka ani warkii ma ku jiro”

    Ha sugi waayin..

  9. Haddii uusan u Sajuudin wixii kale dhib ma leh! Kkk
    Madaxweynaha cusub ee Kenya ayaa laga hayaa, nin aan arrinta Baddu kala gorgortami karno ayaa yimid! Kkk

    Waxaan maqlay in uu Uhuru ka dhameeyey Culusoow.

    1.in la qeybsato khayraadka laga helo baddii Soomaaliya ee aay Kenya murunka gelisay, Kenyana aay masuul ka ahaato shirkadaha baaraya!
    2.in aay Kalluumeeysatada Kenya si xur ahi oga kalluumeystaan, badda Soomaaliya!
    3.In aay Kenya Qaad ku daabushu dalka Soomaaliya, taas oo aaysan jirin wax sharuud ah oo la dhaafsanayo!

    Haddaba danahaa Kenya aay wiilasheeda u dhammeeyeen ee dahabka ah garanaye, dantii Soomaaliya meeyey?!!!!!!!!

    Naagtii maxaay tiri? Lugtaaney Ninba mar ku qaad!

  10. Caruurtii Dhadhaab miyaa loo sheekayn hayaa

    Soo Xassan Shiikh maaheyn ninkii Dacwada Badda Furay

    Soo Xassan Shiikh maaheyn ninkii 5 million dollars ku dhibay accounts looyariinta Difaaceyso ” DHAMAAN ” Badda Somaliada Xortaa

    Soo Inan Layaal Farmaajo maaheyn ninkii Kenya u saxiixay 12 Miles oo lamid ah dhulkeenii sorta ahaa

    Xassan Shiikh waxaan ka sugeynaa siduu horeyba Dacwada ugu bilaabey inuu haddana, sacwo ku furo 12kii miles ee uu Mr Farmaajo u saxiixay Kenya

  11. Sixid
    12 miles oo ka mid ahaa dhulkii maqnaa ee uu Xassan Shiikh Dacwada ka gudbiyay

    The signature of troiter will never be valid.

  12. kan isaaq ee @khalid waynagu dhex waashay shebeked kalena waxa uu kaga jiraa magac kale DABSHID, yaa ku dhegeysanaya? shaqadaadu waa samaale iyo huuhaa, hadaad isku dad tihiin may idin aqoonsadaan?!?? hawiye iska dhig ama magacyo kale qaadi .. hawiye iyo somali kaleba way ku garanayaan inaad isaaq wareersan tahay…

  13. Iga raalinoqda saxiibayaal waan isku dhex yaacaye. Saakey walaasheey ayaa soo wasay,markii hore ilma garac yaa ahaadee.guru iqlaakh xunaa ka imidey.

Comments are closed.